Thursday 31 March 2011

Mujaahidinta oo Dagaal Gaadma ah ku qabsaday degmada Luuq

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay degmada Luuq ee wilaayada Gedo kadib markii ay mujaahidiintu weeraro culus qaadeen.


Wararka nagasoo gaaraya Luuq ayaa xaqiijinaya in ciidamada  Mujaahidiinta wilaayada Gedo ay xalay gudaha ugaleen Luuq halkaasina waxaa ka dhacay dagaal saacado qaatay.

Ciidamada Mujaahidiinta waxaa u suura galay in ay qabsadaan magaalada kadib markii ay cagaha wax ka dayeen Maleeshiyaadkii Murtadiinta ahaa ee Amxaarada Itoobiya keentay Luuq.

Goob joogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa sheegay in ciidanka Mujaahidiinta ay saaka si nabad gelya ah dib uga bexeen magaalada markii ay gaareen ujeedkii ay weerarka usoo qaadeen.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa maalmihii lasoo dhaafay weeraro taaktiiki ah ku qaadayay fariisimaha cadawga Itoobiya iyo Acwaantooda ka sameysteen degmooyinka Luuq iyo Beled Xaawo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...