Tuesday 29 March 2011

Shabakada Jowhar.com oo heshay warqad ku xusneyd kala dirista Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo ka digay.

Iyadoo hadal heyn iyo guux badan uu ka jiray arrin xasaasi aheyd oo maalmahan Baarlamaanka hareysay ayaa markii u horeysay waxaa la helay warqad uu ku saxiixnaa Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar, taasoo si toos ugu socotay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon.

Warqada oo ay si sir ah ku heshay Shabakada Jowhar.com ayaa ku taariikheysneyd 25-kii bishan, iyadoo qoraalka uu ahaa Mid Af English ah, kaas oo lagu cadeynayay in Baarlamaanka hada jira uu caqabad ku yahay howlaha nabadeynta, iyadoo lagu dalbanayay in la kala diro Baarlamaanka faraha badan, isla markaana la soo dhiso Baarlamaan cusub oo tiro yar.

Hadaba Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka digay waraaqdaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid been abuur ah, waxaana uu sheegay inay ka dambeeyaan shaqsiyaad, isagoo cadeeyay in cidii lagu qabtay falkaas ay tallaabo cad laga qaadi doono.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in beryahaan ay soo bateen warqado been abuur ah oo Dowladda laga sameeyo, kuwaasi oo aad u soo laalaabtay, isagoo u digay cid kasta oo arintaas ku hawlan ciddeey rabto ha noqotee, isla markaasina sharciga la horgeyn doono, ciqaabna ay mudan doonto.
Sii Akhri






Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...