Thursday 31 March 2011

Warsaxafadeed: DFKMG ka qeyb galimeyso Shirka Nairobi


Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada
Muqdisho, March, 31.2011——— Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku  hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi.
Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba.
Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba.
Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda.
Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir.
Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Waxaa nasoo gaarsiiye qoraalkaan
Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...