Friday 25 March 2011

Warbixin: Tirokoobkii ugu Dambeeyey ee Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac ee Wadanka Soomaaliya

Muqdisho (RBC Radio) Marka la eego wadanka Soomaaliya todobaadkaan waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 9 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 22 ruux.
Arrintaan ayaa waxaa la gu ogaaday tirokoobka todobaadalahaa oo uu RBC Radio ka samayso todobaad walba dhamaanba gobolada wadanka Soomaaliya.
Maalinimadii Sabtiga oo ay taariiqdu ahayd Mar,19. qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug kaasi oo lala eegtay Xeer ilaaliya maxkamada gobalka Mudug ee dowlada Puntland.
inta la ogyahay ilaa iyo 3 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaasi.
Maalinimadii Axada oo ay taariiqdu ku asteeneed mar,20, Dagaal ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho
1 Ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen dagaalka xoogana ee ka dhacay maaalada Muqdisho.
Maalinimadii Isniinta oo ay taariiqdu ahayd mar,21 Al-Shabaab ayaa magaalada Beledwayne waa at ku dileen 2 ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowlada
Isla Maalinimadii Isniinta kooxo hubaysan ayaa gaari xamuul ah waxa ay ku Rasaaseeyeen meel ku dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
inta la ogyahay Rasaastaasi ayaa waxaa ku geeriyootay 1 ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale.
Maalinimadii talaadada oo ay taariiqdu ahayd mar,22. Dagaal ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho
1 Ruux ayaa ku geeriyooday 4 kalana way ku dhaawacmeen dagaalka xoogana ee ka dhacay maaalada Muqdisho
Maalinimadii Arbacada oo ay taariiqdu ahayd ,Mar,23, Duqayn xoog leh ayaa waxaa lagu garaacay xaafadaha magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 4 ruux halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 10 ruux oo kale.
Marka laga soo tago deegaanada iyo magaalooyinka ay rabshadaan waxyeelada sababay ay ka dhaceen ayaa waxaa jiray meelo badan oo ka mid ah wadanka Soomaaliya oo iska nobdoonaa todobaadkaan oo aysan ka dhicin wax rabshadaa.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...