
Waxaa wafdiga ka socda dalka England horkacayey Matt Baugh oo ah uqeybsanaha arrimaha Soomaaliya ee dowlada England, waxaana xubnaha wafdigaasi ay la kulmeen Madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamed Faroole, Kuxigeenkiisa Gen, C/samad Cali Shire iyo qaar badan oo mas’uuliyiinta labada golle ee dowladda ka tirsan.
Saraakiisha ka socda dowladda England ayaa la sheegay in Madaxda Puntland ay kala hadleen xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliland iyo sida lagu xalin karo muranka dhexyaal labada dowladdood ee ku saleysan isku heysashada dhul balaaran oo ka dhaxeeya labada dhinac.
Dhinaca kale waxaa wararku intaa ku darayaan in wafdiga ka socda dowladda England ay la kulmeen Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn kuwaasi oo ay kala hadleen arimaha dhulka la isku heysto iyo cidda ay raacsan yihiin shucuubta degan Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay in wafdiga ay u sheegeen in ay taageersan yihiin Puntland ayna ka mid yihiin dadkii wax ka dhistay haatana ay codsanayaan in dowladda England ay cadaadis balaaran ku saarto in ay isaga baxdo gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo aysan mar dambe lug soo dhigin, maadaama sida odayaashu ku cel celiyeen ay ka mid yihiin Puntland.
Talaabadani ayaa ah midii ugu horeysay ee dowladd ka mid ah kuwa daneeya arimaha Soomaaliya ay isu soo dhowaansho ugu muujiso maamul goboleedyada ka jira dalka gudihiisa, sida Puntland iyo Soomaaliland, waxaana arintani ay u muuqataa haddii si dhab ah looga shaqeeyo mid si rasmi ah labada maamul ay isugu soo dhowaan karaan.
Dhanka kale wafdiga ka socda dalka England ee uu horboodayo Matt Baugh oo ah uqeybsanaha arrimaha Soomaaliya ee dowlada England ayaa waxay booqasho rasmi ah ku tageen xero ay ku jiraan ciidamada badda ee dowladda Puntland kuwaasi oo gargaar biyo dhaamin ah u sameynayey xilligaasi dadweynaha ay abaartu saameysay, waxaana xubnaha wafdigu ay ka mahad celiyeen dadaalkaasi ay wadaan ciidamada badda ee Puntland.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment