Saturday 26 March 2011

Degmada Marka oo Laga Mamnuucay ‘Sigaarka iyo Tubaakada’

Muqdisho (RBC) Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ku soo rogtay amar lagu mamnuucayo isticmaalka iyo iibinta sigaarka iyo tubaakada.
Amarkan oo ka soo baxay waaliga gobolka ee Shabaabka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa lagu wargeliyey ganacsatada keenta sigaarka iyo tubaakada oo ka baxda gobolka meelo ka mid ah inay ku xaraashaan mudo 30 cisho gudahood ah dhamaan waxa hadda u yaalla ee tubaakada iyo sigaarka.
Saraakiisha Shabaab ayaa waraaqo amarkaasi lagu farayo waxay u qeybiyeen ganacsatada degmada Marka iyadoo lagu wargeliyey ganacsatada in cidii 30-cisho kadib lagu helo iyadoo iibineysa tubaakada iyo sigaarka talaabo adag laga qaadi doono.
Sidoo kale dadka isticmaala sigaarka iyo tubaakada inay ka waantoobaan isticmaalkooda wixii ka dambeeya mudadaasi loo qabtay.
Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Marka ayaa RBC Radio u sheegay in amarkaan uu saameyn ku yeelanayo ganacsigooda iyagoo sheegay in hadda ay bilaabeen inay sigaarka u keydsanaa u raraan magaalada Muqdisho si ay isu dhaafiyaan.
Sidoo kale dad u badan dhalinyaro muqayiliin ah oo sheegay inay isticmaali jireen tubaakada iyo sigaarka ayaa ka soo baxsanaya degmada Marka iyagoo sheegay inay tagayaan meel ay balwadooda ku isticmaali karaan. Waxaana qaar badan oo dadkaasi ah lagu arkay magaalada Muqdisho oo beryihii la soo dhaafay ay soo gaarayeen.
Marka laga reebo degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ma jirin meel kale oo Shabaabku ay ka mamnuuceen sigaarka waxayna noqoneysaa degmada Marka meeshii labaad oo ay Shabaabka ka mamnuucaan mukhaadaraadka.
Degmada Jowhar ayaa dhowr bilood ka hor waxay Shabaabka ka mamnuuceen in gudaha magaalada lagu cuno qaadka iyadoo dad muqayiliinta lagu amray inay banaanka magaalada ku soo qayilaan kadibna ay soo galaan magaalada.
Maxkamada Jowhar ayaa sidoo kale toddobaadkii hore xukun min labo bilood oo xarig ah ku ridey rag muqayiliin ah oo lagu soo qabtay iyagoo ku qayilaya guri ku yaalla xaafad ka mid ah magaalada Jowhar.
RBC Radio
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...