Friday 25 March 2011

Jen. Cabdi Qeybdiid iyo dib ugu soo laabashadiis Muqdisho + baadigoobka Taliyaha Booliska (Warbixin)

en. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo horay u ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa mar kale hami weyn ka leh inuu xilkaas dib u qabto, kadib markii shalay si lama filaan ah dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Jenanka oo horay u ahaa Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee Xukuumadii Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa muuqata rajo hal daaqad furan ah oo uu ka leeyahay in xilkaas dib mar kale loogu magacaabo.

Jen. Cabdi Qeybdiid oo shalay ka soo kicitimay Magaalada Galkacyo oo bilihii la soo dhaafay uu ku sugnaa dhinaca Koofur ee uu ka taliyo Maamulka Galmudug oo uu geed-fadhi u ahaa, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay, iyadoo ay ka soo galbiyeen Saraakiil ciidan iyo ilaa 13-gaari oo ku jira gaadiidka dagaalka.

Qorshaha Qeybdiid oo uu dib mar kale Muqdisho ugu soo laabtay ayaa waxaa door weyn ka ciyaaraya xubno ka tirsan Dowladda iyo Odayaal, waxgarad iyo qeybaha bulshada oo u ololeynaya in xilka Taliyaha Booliska loo magacaabo, ha yeeshee Jen. Qeybdiid ayaa qudhiisa u arka in tani tahay fursadiisii dib uga soo muuqan lahaa TFG-da.

Bishii Decembet ee sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii ay soo shaac baxday xil ka qaadista Cabdi Qeybdiid xilkiisii Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, iyadoo banaan baxyo rabshado wata ay ka dhigeen Isgoyska KM4 ilaa Banaadir Taageerayaashiisa oo ka soo horjeeday xil ka qaadistaas, hase ahaatee wada hadalo kadib lagu guuleystay in Cabdi Qeybdiid lagu qanciyo jagooyin, hase ahaatee dhacdadii 3-December kadib xasuuqii Hotel Shaamow ayuu Golaha wasiirada uu ku soo galay qaabka awood qeybsiga 4.5.

Sidoo kale baadigoobka uu ugu jiro xilkan ayaa ah mid miisaan u yeeshay, kadib markii shalay garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska ee Gobolka iyo degmooyinka, iyo saraakiil ciidan oo qaarkood doonaya in Cabdi Qeybdiid ku soo laabto Hogaanka Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa wali wada wada tashiyo ku aadan magacaabista Taliyayeesha Ciidamada Dowladda, kadib markii labo todobaad ka hor uu xilalkii ka xayuubiyay afartii Taliye Milateriga, Booliska, Nabad Sugida iyo Asluubta.
Waxaa jira ragg badan oo la calaamadeynayo, hase ahaatee ma jirto cid saadaalin karta shaqsiyaadka loo magacaabayo xilkaas, inkastoo isku dayada Madaxweynaha ee ku aadan magacaabista ay wali u muuqdaan kuwo aan dhoweyn.

Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa sanadkii 2007-dii loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana muddo labo sano ka badan uu hayay xilkaas intii ay jirtay Dowladda TFG, marka la fiiriyo taariikhdiisa Qeybdiid waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho ugu tunka weynaa, ka hor inta aysan Maxkamadihii islaamiga ka saarin Caasimada Muqdisho, balse wali waxaa lagu tilmaami karaa inuu yahay Hogaamiye taagan, marka loo eego awooda Beeshiisa ku leedahay qeybo ka mid ah Caasimada, gaar ahaan qeybaha ay Dowladda KMG iyo AMISOM kaga sugan yihiin baraha muhiimka ah.

Laakiin hadii mar kale Cabdi Qeybdiid qabto Taliyaha Booliska waxay noqoneysaa mid isaga iyo Jen. Cali Madoobe ay ku kaltamaan xilkaas, oo marba shaqsi loo dhiibo, bacdamaa labadii jeer ee u dambeeyay ay labadooda xilalka isaga kala wareegeen.



Hoyga wararka Somaliye

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...