Mahiga oo Ceel ku riday Rajadii Shariif Shech 2011 14:24
- Caanogeel

Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in ka hor bisha August loo baahanyahay in la qabto doorasho loogu tar tarmayo cidda badaleysa Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku fadhiya xilka Hogaanka ugu sareeya ee Kooxda dabo dhilifyada Gumeystaha.
Saacado yar dib markii uu Mahiga hadalkaasi ka sheegay magaalada Nairobi ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoona Xarunta Madaxtooyada kulamo kula qaatay Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo. Kulankan Sedax geesoodka ah kama qeyb gelin Shariif Sakiin, balse Shariif Sakiin waxa uu u muuqdaa mid Sheedda sare ka daawanaya kulamada soconaya maadama uusan Shaki badan ka qabin inuu kusoo kala wareegan doono Mahiga.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa khilaaf adag uu ka dhaxeeyay Saaxiibadii shalay, balse maanta cadow ku ah Shariif Sakiin iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoona khilaafka u dhaxeeya labada nin uu salka ku hayo xilka Hogaanka ee kooxda wakiilada Gumeysiga.
AmiirNuur Media Muqdisho
No comments:
Post a Comment