Sunday 13 March 2011

Dagaal Culus oo galabta ka dhacay agagaarka Isgoyska Kalbeyr ee gobolka Hiiraan. (Faah faahin)

Sunday, 13 March 2011 18:23

amiirnuur.comDagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka Amxaaro kal kaal ah ayaa galabta ka dhacay agagaarka Isgoyska Kalbeyr ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Cutubyo ka tirsan Guutada Khaalid Binu Waliid ee Mujaahidiinta ay weerar kadis ah ku qaadeen saldhig ay Maleeshiyaadkaasi ku lahaayeen agagaarka Isgoyska Kalbeyrka taasi oo lagu magacaabo Xerada Ilka Cadde.
Afhayeenka Taliska Ciidamada Mujaahidiinta Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta goordhow la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Mujaahidiinta ay la wareegeen Xeradii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Amxaaro kal kaalka ah.
Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen Sedax ka tirsanaa Maleeshiyaadka Cadowga u ashaqeeya islamarkaana ay ku fureen hub iyo saanad melliteri.
Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ay dhaq dhaaqyo Ciidan ka jireen deegaano waqooyiga kaga began magaalada Balad weyne ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Amiirnuur Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...