Friday, 4 March 2011

Dalkiis dulleeye waxaa u dambeyn aayo-xumada asiibtay Madaxda Carbeed

Kacdoon gunnima-diid ah ama xorriyad-doon ah (Arab Liberation or Freedom Revolution) ayaa ka qarxay dalalka Carbeed. Shacabka Carbeed wuxuu ka gilgishay karaamo-darro, cadaala-darro, musuqmaasuq, dayaca danaha dalka, iyo dar-xumo nololeed. Kacdoonkaas ama Iftiinkaas waxaa shiday wiil dhallinyaro ah ee la yiraahdo Tariq Al Tayib Maxamed Bouazizi oo isku gubay bannaanka Xafiiska Dowladda Hoose ee Magaalada Sidi Bouzidi ee dalka Tunisiya (Tunisia). Wiilkaas wuxuu ahaa khudaar-gade si uu u daryeelo hooyadiis iyo gabdho la dhashay. Sababta uu isu gubay waxay aheyd wuxuu ka carooday bahdil iyo amar ku taagleyn ay ku sameysay Sarkaalad  iyo ciidan la socday ee Dowladda Hoose. Horeybaa loo yiri “rag ciil cadaab ka dooray.” 5,000 qofood oo ka damqaday asbaabaha geerida wiilkaas ayaa ka soo qayb galay aaskiisa, kuwaaso bilaabay dibad baxyo ku fiday dalka Tunisiya, kaddibna u gudbay dalalka Carabta.
Shaashadaha Warbaahinta Adduunka waxaa laga daawanaya Madaxweynayaal dulleeyay dalalkooda iyo dadkooda, kuwaaso lagu khasbay inay qaxooti noqdaan ama lagu xukumay xabsi guri ah ama sura gal tahay inay is dilaan. Waxaa si deg deg ah loo xayiray hantidii xad dhaafka aheyd ee ay  keydsadeen. Boqorrada qarkood oo ka argagaxay kacdoonka Shacabka xorriyad doonka ah waxay ballanqaadeen inay bixinayaan dhaqaale si loo joojiyo ama looga hortago dibad baxyada.
Taarikhada Keli-Talisyada waxay ku dambeyneysaa aayo-xumo. Mowqifkooda siyaasadeed wuxuu yahay  inay xukunka weligood hayaan ama ay burburiyaan dalkooda. Qadaafi wuxuu ku hanjabayaa in Liibiya ay noqon doonto sida Soomaliya oo burburtay haddii aan xukunka looga dambeyn. Ilaa hadda ma garowsana asbaabaha ka dambeya kacdoonka shacabka Liibiya.  Shacbi sannado badan xor ahaa ayaa maanta ku jira kacdoon gobannimadoon ah ayadoo xukunka la iska xoreynayo yahay mid waddani ah.
Guusha kacdoonka Shacabka Masar iyo Tunisiya waxaa loo tirinaya Ciidammada hubka haysta oo la saftay Shacabka, kuwaaso muujiyay geesinnimo iyo wadanninimo.  Madaxweynaha Tunisiya, Zine Al Cabdin Bin Cali waa ka cararay dalka, wuxuuna qaxooti ku yahay dalka Sacuudi Carabiya. Sidoo kale, Madaxweynaha Xusni Mubaarak  waxaa lagu kallifay inuu xukunka ka dego, haddana wuxuu ku sugan yahay xabsi guri. Madaxweyne Mucammar Qadaafi oo adeegsanaya qayb ka mid ah ciidammada iyo calooshood u shaqeystayaal uu soo kiresytay wuxuu dagaal mileteri kula jira Shacabka Liibiya, taaso u horseedi karta siduu horey ugu hanjabay qalalaase iyo burbur.
Keli Talisyada Carbeed waxay ku dadaalen inay Shacabka dalalkooda ku jaahwareeriyaan ama ku beer-laxawsadaan in Yuhud iyo reer Galbeed ka dambeyaan kacdoonka wadaniga ah. Dalalka Yuhuudda, Mareykanka iyo reer Yurub waxay ka shaqeynayeen ama jeclaayeen sida loo badbaadin lahaa Madaxtinnimada Xusni Mubaraak iyo Zine Al Abedine. Shirkado waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa qandaraasyo ku haystay hagaajinta sumcadda iyo xiriirka Madaxda Masar iyo Liibiya ku leeyihiin dalka Mareykanka iyo Yurub.
Dhinaca kale, Keli-Talisyada waxaay adduunka ku cabsi gelinayeen in Islaamiyiin xag jir ah sida Akhwaan Muslimin iyo Al Qaeda ka dambeyaan kacdoonka dadweynaha, ayna qabsanayaan xukunka haddii aan gacan bir ah lagu qaban. Ololaha caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada wuxuu marmarsiiyo u noqday Madaxda xukun doon ah iyo kuwo Keli-Talisyada kuwaaso ku  andacoonaya inay dantu ku jirto  inay xukunka hayaan. Soomaliya waxay ka mid tahay dalalka ay aafeysay siyaasaddaas daneysiga ah.
Sababaha asaaska u ah kacdoonka bulshada Carbeed waxaa ka mid ah:
Kow, cadaalad-darro iyo amar ku taagleyn ayadoo dariishada laga tuuray ku dhaqanka sharciga  iyo xukunka wanaagsaan, laguna beddelay cadaadis iyo ku tumasho xuquuqul Insaanka, naasnuujin iyo abaalmarinta dhabadhilifka iyo dhamiir laawaha. Ma jirin welwel la xiriira wax qabashada dhibaatooyinka haysta bulshada madaama aysan jirin wakiillo soo bandhigi kara dhibaatooyinka dadkaas. Waxaa la diiday xorriyada hadalka iyo isu tagga, xorriyada warbaahinta iyo dhismaha ururro siyaasadeed iyo kuwo bulshada Rayidka ah oo madaxbannaan. Waxaa caado noqday abaabulka doorashooyin been been ah ayadoo dalka lagu maamulayo xukun deg deg ah.
Wiilka Qadaafi oo ka hadlayay Wasiirrada iyo Safiirrada reer Liibiya ee ka soo horjeestay xukunka Aabihis wuxuu yiri, “waxaa daacad laguu yahay markaad leedahay awood amar ku taagleyn, hase yeeshe waa lagaa tagaya markaad tabardaran tahay ama ay doontu kula degeyso.” Nasiib darro, Qadaafi iyo Wiilkiisa waxay iska indhatireen dhismaha nidaam aan ku tiirsaneyn dhabadhilif iyo damiir laawayaal ee ku dhisaan wadanninimo iyo ilaalinta danta qaranka, sharci, maamul hufan, cadaalad madaxbaannan, iyo ilaalinta xuquuqda qofka muwaadinka ah.
Labo, saboolnimo iyo shaqo la’aan baahsan ee ka dhalatay boobka iyo ku takrifalka dhaqaalaha dalka. 2007dii, Isku celceliska tirada dadka shaqada la’ aanta ah ee dalalka Carbeed oo Ilaahey siiyay kheyraad badan waxaa lagu qiyaasay 14.4% ee cududda shaqaale, halka isku celceliska adduunka lagu qiyaasay 6.3%. Tirada dadka ku nool “wax ka yar labo (2) doolar maalintii” ee shacabka lagu qiyaasay 331 milyan waxay gaarayaan ilaa 68 million (20.34%).  Reborka Hormarinta Bulshada Carbeed 2009 (Arab Human Development Report 2009) oo ay qoreen aqoonyahanno Carbeed ayaa si qoto dheer uga hadlaya xaaladda ba’aan ee siyasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee ka taagan dunida Carabta, una horseeday kacdoonka iyo khalkhalka maanta.
Saddex, Madaxweynayaasha iyo Boqorrada dunida Carbeed oo noqday qabbaan shisheeye si ay xukunka ugu raagan ama ay dadkooda u caburiyaan ama u boobaan hantida dalkooda. Bulshada Carbeed waxaa ku dhacay karaamo darro, qab jab qarameed iyo mid qofeed. Howlgalka Telefishinka Aljazeera ayaa wax weyn ka beddelay shuruucda Carbeed.
Maamulkii Madaxweyne George Bush oo tixgelinaya danaha fog ee Dalka Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay siyaasad uu ugu magac daray Ajendaha xorriyada “Freedom agenda” ee dalalka Carabta, asaguu ugu baaqay Madaxda dalalka Carabta inay dadkooda u oggolaadan xorriyad siyaasadeed, kuna dhaqmaan nidaamka dimoqradiga ah. Madaxda Carbeed waxay doorbideen inay ka caga jiidaan wax ka qabashada dhic u dhaca dalalkooda iyo dadkooda. Jawaabta Madaxweyne Xusni Mubaraak iyo Mucammar Qadaafi waxay noqotay inay wiilashooda u soo diraan dalalka Mareykanka iyo Yurub si loogu leyliyo la wareegidda xukunka marka ay labada Aabbe dhintaan ama howlgab noqdaan. Tallaabadaas waxay ka careysiisay Bulshada Masar iyo Liibiya.
Madaxda dalalka Carabta waxay ku khaldameen inay fahmaan siyaasadaha dalalka reer Galbeedka oo ku dhisan dano iyo mabaadi’ isku dhafan. Wararka qarsoodi ah ee safaradaha Mareykanka u jooga dalalka Tuunisya, Liibiya iyo Masar soo dirayeen oo dhowaan lagu faafiyay Barta Internetka “Wikileaks” waxay daboolka ka qaadeen sharcidaarada, maamulxumadaha iyo xorriyad la’aan ka taagan dalalkaas iyo dhibaatada mustaqbalka ka imaan doona ayadoo laga cabbir qaadanayo dareenka dadweynaha. Tix-gelinta dareenka dadweynaha (public opinion)  waa asaaska siyaasadda dalalka ku dhaqmaya nidaamka dimoqradiga ah. Sidaa darted, Dowladda Mareykanka iyo dalalka Yurub waxay ugu dambeyn doorbideen inay la saftaan kacdoonka Bulshada xorriyad doonka ah. Dalkiis dulleeye waxaa u dambeyn aayo-xumada asiibtay Madaxda Carbeed.

Dr. Maxamud M Culusow
mohamuduluso@gmail.com  

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...