Friday 18 March 2011

Maamulka Gobolka Cayn Oo Ka Hadlay Dhaq dhaqaqyo ay wadaan Maamulka Somaliland

Buuhoodle ( RBC Radio)  Wararka ka imanaya gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo in mar kale ay soo noqotay xaaladihii dagaal ee Halkaasi ka jiray.
Sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka Gobolka cayn Maxmuud sheekh Cumar Ciidamada somaliland ayaa soo Hubeyay dadka deeganka ee Xaaladaha abaared ay heysteen.
Waxaana uu Qeexay in ay Marka hore Shuruudo ku xireen Maamulka somaliland Kuwaasi Oo Kala ahaa.
1- In La Burburiyo dhamaan baraagaha uu Muranku Ka dhashay
2- in La siidayo Dhamaan maxaabiista Laga Qabtay Gobolka Cayn
3- in Maamulka Somaliland Ciidamadiisa kala Baxo dhamaan Gobolkaasi
Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Cayn ayaa sheegay in Maamulka somalinad Fuliyeen Qaybo Ka mid ah Shuruudihii dadka Gobolka Cayn Soo Jeediyeen balse Waxyaabo badan dhiman Yihiin.
Dhinaca kale Waxa uu Ka Hadlay dhaq dhaqaaq uu Maamulka Cayn sheegay in uu ka soconayo Goobihii Lagu dagaalamay Kaasi oo ay Wadaan Ciidamada Maamulka Somaliland.
Isagoona ugu Baaqay in La joojiyo xaalad Abuurka xiligani Laga dheehan karo Gobolka Cayn Qaybo ka mid ah.
Xafiiska Wararka ee Boosaso
RBCBoosaso@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...