Monday 14 March 2011

Maleeshiyaadka Kenya soo tababartay oo ku hoobtay dagaallo ka dhacay duleedka Ceel Waaq

Kadib dagaallo culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Ceelwaaq ee wilaayada Gedo ayaa khasaara xoogan dhabarka loo saariyay Maleeshiyaadka calooshood u shaqeystayaasha ah ee Kenya lagusoo anshax xumeeyay.amiirnuur.com
Wararka ka imaanaya CeelWaaq ayaa sheegaya  in ciidamada wilaayada Gedo ay weerar kedis ah ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka hubeysan waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Saraakiil katirsan mujaahidiinta ayaa sheegay in maleeshiyaadka oo aad u jabay ay u kala firxadeen dhanka Ceel waaq waxaana laga yaabaa in mujaahidiintu ay daba galaan Maleeshiyaadka.
Dagaalka ayaa kusoo aadaya waqti ay ciidamada Mujaahidiinta Gedo wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku doonayaan in ay cadawga uga saaraan degmooyinka ay dhawaan soo galeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...