Sunday 13 March 2011

Mucjiso - Gabadh 11 Jir Ah Oo Muuqaalkeedu Isu Badalay Ka Xayawaanka

Written by Administrator   
Tuesday, 08 March 2011 04:02

Mucjiso, waa yaabka yaabkii, Wararka ka imanaya dalka Thailand ayaa sheegaya in Gabadh 11 jir ah oo u dhalatay dalkaasi oo lagu magacaabo Supatra, in muuqaalkeedu isu badalay muuqaalka xayawaanka Yeeyda oo kale

Gabadhan ayaa qaybo badan oo ka mid ah jidhkeeda oo ay ka mid yihiin Wejigeeda, Dhegaheeda, Gacmaheeda, iyo Lugaheedaba ay ka soo baxeen timo dhogor ah oo aad u badan oo la mid ah dhogorta xayawaanka oo kale.

Gabadahan yar oo sidaa ku gashay diiwaanka caalamiga ah ee lagu qoro dhacdooyinka yaabka leh, ayaa la sheegay in dhallinyaradda da”deeda ahi ay ugu yeedhaan magac la yaab leh oo ah “Inantii Wejiga Yeyga Iyo Dayyeerka lahayd”.

In kastoo Inantan amakaaga noqotay ay wejigeeda si qayral caadi ah u hadheeyeen dhogor ka soo baxday ayaa hadana la sheegay in weli haysato fursad ay ku hadli karto kuna qosli karto, waxaanay tuke baal cad ka noqotay meel kasta oo ay marto, waxaanay sheegatay in ay dhibaato ba”an kala kulanto habdhiska neefsiga, waxaanay tibaaxday in ay dhibaato xoogb leh kala kulanto xilli kasta oo ay dibada u baxdo, gaar ahaan wakhtiyada ay iskulka joogto oo ay ardaydu isu soo tilmaamaan aragtideedan la yaabka noqotay.

Dhakhaatiirta ku hawlan isbadalka ku yimi muuqaalka gabadhan yar ayaa ka dhawaajiyay in Inantani ay ka mid tahay Konton qof oo uu ku dhacay xanuuun aan caadi ahayni oo naadir ahi, kaas oo sababay in dhogor aan caadi ahayni ay ka soo baxdo oogada sare ee jidhkeeda, timahaas aan caadiga ahayn ayay dhakahaatiirtu sheegtay in ay halis xun ku hayaan habdhiskii neefsiga ee Gabadhan.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...