Monday 21 March 2011

Warar Hordhac oo Sheegaya in Madaxwayne Cabdi Maxamud Iskushaandheeyo Golaha Wasiiradiisa 03/21/00

Jijiga (kilil5)--Warar aanu hordhacooda helnay walina aan laxaqiijinin ayaa tibaaxaya in
madaxwaynaha deegaanka mudane Cabdi Maxamud Cumar uu isku shaandhayn
ku samayndoono golihiisa Kaabineedka amaba madax-xafiiseedyada heer
deegaan. Wararkan oon wali laxaqiijinin balse aanu ka helnay ilo
lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxwaynhu rabo in xafiiska
Caafimaadka uu u dhiibo madax-xafiiseedka Jidadka Xabiib, Xafiiska
maaliyada uu u dhiibo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka dakhliga
mudane Axmed dayib (Axmed Qabyo), Cilmi baadhista uu u dhiibo wasiirka
Beeraha mudne C/qaadir iiman, Xafiiska Beeraha ayaa lafilaya in
loodhiibo Madaxwayne kuxigenka ahna wasiirka biyaha mudane Suldaan Wali,
halka xafiiskiisana lafilaayo in loodhiibo Farxaan Xuseen Faruur oo ah
wasiirka xafiiska arimaha deegaanka (Environment ) sidookale Xafiiska
Waxbarashada ayaa lafilyaa in lodhiibo Madaxwayne kuxigeenka kale ahna
Wasiirka Hawlaha Guud mudane Aadan faarax.

Sidookale wararkan aanu hordhacooda helnay ee qarsoodiga nagusoogaadhay
ayaa sheegaya in madaxwaynuhu uu rabo in
shaqooyinka kaqaado qaar kamida madax-xafiiseedyada heer deegaan iyo in
uu sidookale magacaabi doono qaar cusub oo uu ku buuxin doono kuwa laga
saaray kabineedka. Inkasta oon hayno magacyada qaar xubnaha lasheegayo in
madaxwaynuhu rabo inuu kaqaado xilka hadana marabno inaan kasii hordhacno
maadaama siyaasada deegaanku aysan ahayn mid fadhida isla markaan isku
badali karta wakhtikooban iyo iyada oo aysan saxaafadu xor ahayn oo
aysan suurogal noo ahayn in wararkan aanu ka xaqiijino dadka ay khusayso
amaba laga helikaro wararka rasmiga ah. Balse waxii war ah ee kasoo
kordhay iyo sida ay xaqiiqdu noqoto waxad kala socondoontaan wararkayaga
dambe hadii Alle yidhaa.

Jijiga,
Kilil5 Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...