Sunday 5 February 2012

Ajendayaasha Shirka London Iyo Xukun Maxmiyad ah oo Soomaaliya Laga Sameynayo illaa 2015-ka (Warbixin+Dukumintiyo)

Sida ku cad dukuminti hordhac ah oo laga diyaariyey shirka London ee dawlada Ingiriisku ay u qabaneyso Soomaaliya bisha Febraayo 23-keeda, waxaa go’aan lagu gaaray in Soomaaliya la geliyo maamul hoosaad (maxmiyad) ah oo la mid ah nidaamka hadda ka jira dhulka reer Falastiin kaasoo ah “Interim Authority”.
Dukimintiyadan waxaa qoray danjiraha cusub ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, wuxuuna u diray xubnaha dawladaha ee dawlada Ingiriisku ay ku martiqaaday inay ka soo qeybgalaan shirka London kuwaasoo u badan wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Afrikaanka ee faraha kula jira arimaha Soomaaliya.
Qoraalka Matt Baugh
Matt Baugh wuxuu qoraalkiisa oo ku taariikheysan 23-ka Disembar 2011, ku sheegay in ujeedada shirka London loo qabanayo ay tahay saddex ujeedo oo kala ah:- Amaanka, Siyaasadda iyo Horumarinta kuwaasoo uu sheegay in si weyn shirka London loogu falanqeyn doono.
Waraaqahaasi oo Shabakadda Raxanreeb ay heshay waxay sidoo kale sheegayaan in ajendaha shirka aysan ka marneyn sidii nidaam loogu sameyn lahaa Soomaaliya kaasoo uu ku micneeyey inuu yahay “nidaam hoosaad”.
Haddaba qoraalka Matt Bugh oo intii ugu muhimsaneyd aan soo tarjunay waa kan:-
Wuxuuna ku bilawday sidan:
“Shirka London; Fikrado soo ifbaxaya”
Shirka London; Fariin iyo Gabagabo
1-   GEEDI SOCODKA SIYAASADDA
- Way cadahay in August 2012 ay tahay waqti kama dambeys ah oo muhim ah (dhamaadka jiritaanka DKMG ah ee hadda shaqeysa).
- Qeybaha kale ee siyaasadda Soomaaliya waa in lagu soo daraa geedi socodka siyaasadda si firfircoon, si ay u saamaxdo sameynta dawlad wax metesha.
-  Dawlada Federaalka KMG ah waxaa bedelaya nooc gole guud ah iyo maamuul hoosaad KMG ah* (tani waxay la mid tahay nidaamka hadda lagula dhaqmo reer Falastiin).
- Dadka qaar waxay muhim u arkaan taageero in la siiyo maamulada gobolada sida Puntland, Galmudug iyagoo taasi ku dhisaya deganaanshaha guuleystay ee Somaliland ay heshay.  Halka qaar ay si cad oo isku mid ah u sheegeen inay muhim tahay taageerida hay’ad dhexe (maamul dhexe).
- Dhamaan dhinacyada waxay insku xirnaan wanaagsan oo ka dhexeya saaxiibada caalamiga eek u hawlan caawimaada. Qaarna waxay soo jeediyeen “Guddi wadajir ah oo maamula dhaqaalaha”.
Arimo muhim ah oo ku jira gabagabada:
- London waxaan ku cadeyn doonaa in isku-bedelkan  ay ku dhamaato August 2012.
- Kuwa ku imaanaya isbedelka (maamulka dambe) waa inay noqdaan dad metela Soomaalida oona lala xisaabtami karo.
-  Waa inuu jiraa hab cad (transparency) oo la xiriira dakhliga iyo kharashaadka maamulka loona cadeeyaa deeqbixiyaasha iyo saaxiibada.
- Waa in si hadaf leh loo wajahaa sidii miisaaniyada horumarinta (developmental budget) iyo taageerada kale  la gaarsiiyo maamulada ka baxsan Muqdisho si ay qeyb uga noqoto hanaanka ballaarinta siyaasada qaran (Faahfaahin dheeri ah hoos ayaa looga hadli doonaa).
-  Waa in la dhisaa diyaarinta doorasho quman oo heer qaran ah taasoo dhacda mustaqbalkan aan fogeyn.

2. AMAANKA
- Amaanka si dhakhso leh ayuu isu bedelayaa. AMISOM-ta Muqdisho si wax ku ool ah ayey horay ugu dhaqaaqday hase yeeshee taageerada dhaqaale ay hesho ayaa ah mid ku yar waana in loo kordhiyaa taageero jiri karta oo dheelitiran.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...