Sunday 12 February 2012

DEG DEG: Dibadbaxyo ay Qabanqaabiyeen Al-Shabaab oo Haatan ka Bilawday Afgooye, Marka iyo Ceelasha Biyaha

Muqdisho (RBC) Dibadbaxyo ballaaran oo ay qabanqaabiyeen saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa goordhow ka bilawday magaalooyinka Agooye, Marka iyo deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho.
Dibadbaxa ayaa sida ay sheegtay idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab waxaa lagu taageerayaa isku biiristii ururada Al-Qaacida iyo Al-Shabaab (oo Shabaabku u yaqaanaan ‘Beyco’).
Dadka ku nool deegaanada uu dibadbaxa ka dhacayo ayaa lagu wargeliyey inay isu soo baxaan iyadoo saaka la xayiray gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo xitaa goobihii waxbarashada oo aan saaka la furin.
Banaanbaxyada kuwa la mid ah waxay sidoo kale ka bilawdeen xaafadaha Lafoole iyo Calamada oo u dhexeysa degmada Afgooye iyo Muqdisho.
Xarakada Al-Shabaab ayaa Khamiistii 9-kii bishan ku dhawaaqday inay si toos ah ugu biirtay ururka Al-Qaacida ka dib markii ay sidaasi shaaciyeen hogaamiyaha Qaacida Eyman Al Dawaahiri iyo Axmed Godane oo hogaamiya Al-Shabaab.
Kala soco warar dheeraad ah Raxanreeb.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...