Monday 6 February 2012

Deg Deg: Shabakadda SomaliMeMo oo uu ku socda weerar aan kala go' lahayn, iyo Farsamayaqaanada Shabakadda oo fashiliyey weeraro lagu doonayey in Shabakadda lagu aamusiyo.


Written by Administrator on .
Sadexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa Shabakadda Islaamiga ah ee SomaliMeMo ku socday weeraro aan kala go' lahayn oo uga imaanaya jihooyin dhowr ah oo ay ka dhaxayso wada shaqayn.

Weerarka ku socda Shabakadda ayaa waxaa soo qaadaya Shabakad isku xiran oo cadow ah oo doonaya in ay aamusiyaan Shabakadda xaq u dirirka ah ee taageersan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Weerarku illaa iyo hadda wuu socdaa, fadliga Allaah ka dib farsamaya yaqaanada Shabakadda ayaa ku jira difaac adag, waxana ay fashilinayaan mar walbaa weerar ay soo qaadayaan Burcad Shabakeedka Internetka.

Weeraradaas aan kala go'a lahayni waxay saamayn ku yeesheen wararkii ay Shabakaddu soo tabin jirtay, wariyeyaasha Shabakadda ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayey ku adkaatay in ay wax war ah soo galiyaan Shabakadda.

Anaga oo Allaah kaashanayna waxaan balan qaadaynaa in Shabakaddu ay iska difaacdo weerarka lagu hayo, sidoo kale waxaan Qalinkeena iyo carabkeenaba kula dagaalamaynaa cadowga Islaamka ee dhibsaday xaqiiqda ay SomaliMeMo iyo Shabakadaha Islaamiga ah ee la jaalka ah ay soo tabiyaan.

Maamulka SomaliMeMo

3 comments:

Siad barre said...

Codsi !

Please dr buh take our shabaab pr from your blog! Stop giving khawaraji a vioce

Thanks

Siad barre said...

Please take out shabaab pr on your blog mr wasiir

Siad barre said...

This khawaarij site must be taking down ,

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...