Friday 24 February 2012

Duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen Gobolka Shabeellada hoose oo lagu dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab  

Jimco, Feberaayo 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar ruux oo Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn waaberigii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Killi-Caafimaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, lamana oga cidda iska leh diyaaradaha weerarkan fuliyay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow deegaanka uu weerarkan diyaaradeed ka dhacay ayaa sheegay inay maqleen hugunka diyaaradaha dagaalka iyo gantaallo ay la beegsadeen gaadiid marayay deegaanka.

"Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, balse waxaan hubnaa in laba gaari oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab la weeraray," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool deegaanka uu ka dhacay weerarka.

Saraakiil u hadlay dowladda KMG ah ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo ay ku jiraan kuwa ajnabiga ah, waxayna intaas ku dareen in duqeyntu ahayd mid socotay dhowr daqiiqo.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin duqeynta iyo cidda kaga dhintay, waxaana ay imaanaysaa bil kaddib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay duqeyn noocan oo kale ah ku dileen Bilaal Al-Barjaawi oo ka mid ahaa xubnaha ajnabiga ah ee ka barbar dagaalama Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa waxay bishan bartamaheedii ku dhawaaqeen inay ku biireen urur-weynaha Al-Qaacida, iyagoo sheegay in ciidan ahaan iyo hoggaan ahaan ay ka mid yihiin Al-Qaacida, ayna yihiin unug ka mid ah unugyadooda dunida ku firirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...