Monday 6 February 2012

Shirkii Kooxda Xiriirka ICG oo IGAD ku Raacay in La Cunaqabateeyo Barlamaanka Soomaaliya (Daawo Sawiro)

Jabuuti (RBC) Waxaa maanta dalka Jabuuti lagu soo gabagabeeyey shirkii Kooxda Caalamigaee Xiriirka Arimaha Soomaaliya (ICG) Kaasoo mudo labo maalin ah ka socday wadanka Jabuuti.
 
Shirkan waxaa ka qeybgalay madaxda DKMG ah, gaar ahaan raysul wasaare C/weli Gaas,Shariif Xasan Sheekh Aadan (oo xilkii baarlamaanka ka qaadeen), madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug iyo wakiil ka socday ururka hubeysan ee Ahlusuna qeybtiisa gobolka Banaadir.
 
Sidoo kale waxaa shirka goob joog ka ahaa wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo shirka gudoominayey iyo wakiilo ka socday dawladaha iyo ururada xubnaha ka ah kooxda ICG.
 
Haddaba maxaa ka soo baxay shirka?
 
Bayaankii gabagabada ee shirka Kooxda Xiriirka ee labada maalin ka socday wadanka Jabuuti ayaa lagu sheegay in laxoojin doono bayaankii horay ay u soo saareen xubnaha urur goboleedka IGAD oo ahaa in la cunabateeyo baarlamaanka KMG Soomaaliya ee xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaasoo IGAD ay u taqaan “qas wadayaal”.
 
Kooxda ICG waxay kaloo ka hadleen shirka London ee shakiga badani ku jiro kaasoo arimaha Soomaaliya looga hadli doono, waxaana hadal uu maanta jeediyey raysul wasaare C/weli Gaas uu kacodsaday kooxda ICG in lagala shaqeeyo sidii shirka London loogu taageeri lahaa Soomaaliya.
 
Dhanka kale waxay Kooxda ICG taageereen hawlgalada duulaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay wadajirka u wadaan dawlada Ethiopia, Kenya iyo ciidamada AMISOM iyagoo sheegay inay soo dhoweynayaan in Al-Shabaab dalka laga saaro.
 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...