Saturday 18 February 2012

Ciidamo Ethiopian ah oo Ku Sii Qulqulaya Gobolada Baay iyo Bakool

Muqdisho (RBC) Wararka naga soo gaaraya gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo fara badan iyo kuwo Soomaali ah ay shalay gelinkii dambe ka dhaqaaqeen duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo halkaasoo fariisimo ay ku lahaayeen.
Ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo taangiyo ayaa lagu soo waramayaa inay u dhaqaaqeen dhanka degmada Yeed oo waayadan ay joogeen maleeshiyaad taageersan DKMG ah.
Dhanka degmada Ceelbarde oo ay hadda Shabaab joogaan ayaa si weyn looga dareemay xiisada dagaal ee gobolka ku soo wajahan, waxayna Al-Shabaab bilaabeen inay difaacyo ka sameystaan duleedka Ceelbarde.
Dhanka kale dad deegaanka ayaa saaka u sheegay Raxanreeb in sidoo kale ciidamada ururka Al-Shabaab ay dhaqaaq ka wadaan degmada Baardheere halklaasoo illaa shalay gaadiid dagaal ay ku sii qulqulayeen.
Taliyaha ciidamada DKMG ah ee degmada Luuq Diyaad Cabdi Kaliil oo aan la xiriirnay wuxuu sheegay in ay jiraan hawlgalo ciidamada wadaan laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo dhaqdhaqaaqa ciidamada Ethiopianka ee ku jiheysan Baay iyo Bakool.
“Hawlgalo amniga lagu sugayo ayaa socda, waqti dhow waxaad maqli doontaan war xiise leh.” ayuu Raxanreeb u sheegay Diyaad Cabdi Kaliil.
Dhaqdhaqaaqyada ayaa imaanayaxilli tiradii ugu badneyd ee askarta Ethiopia ay fariisimo ka dhigteen gobolka Gedo oo horay intiisa badan Al-Shabaab looga saaray.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...