Friday 24 February 2012

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo shaki geliyay War-mutiyeedkii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Magaalada London  

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo shaki geliyay War-mutiyeedkii kasoo baxay shirkii lagu qabtay Magaalada London  

Jimco, Feberaayo 24, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi oo markii uu shirku dhammaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaki ka muujiyay shirka isagoo sheegay inuu maqlay in warmurtiyeedka shirka laga soo saaray la qoray ka hor intii aan shirka la qaban.

Meles Zenawi oo ka mid ahaa xubihii shirka ka qaybgalay ayaa wuxuu markii hore ku tilmaamay shirka inuu yahay mid guuleysanaya maadamaa uu yahay shirkii ugu horreeyay oo Soomaalida loo qabtay oo uu ka qaybgalo.

"Inkastoo aan rajeynayo in shirkan qodobbada kasoo baxay ay wanaagsan yihiin haddana waxaan maqlay in war-murtiyeedka shirka la qoray intii uusan shirkuba qabsomin," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa hadalladiisa ka muuqday inaysan waxba u taranyn Soomaalida qodobbadii kasoo baxay shirkan haddii ay wax u dhaceen sida uu maqlay oo ahayd in qodobbada iyo shirku kala horreeyeen.

Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo shirkan hindisihiisa lahaa ayaa ku sheegay hadalkii uu ku furayay shirka shalay oo Khamiis ahayd in sababta loo qabanayo ay tahay sidii Soomaalida loo caawin lahaa, waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka raagay ee isugu jira colaadaha, argagaxisada, burcadbadeedda iyo dowlad la'aanta.

Madaxda Soomaalida ayaa waxay muujiyeen in shirkan uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee Soomaalida loo qabtay, iyagoo sheegay in qodobbada kasoo baxay ay yihiin kuwo wax ku ool ah.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan ciidamo ah oo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab waxayna ciidamadan oo caawinaya kuwa DKMG ah ay qabsadeen degmooyinka Baladweyne iyo Baydhabo oo ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...