
Danjiraha oo ku jira isbitaalka Nairobi ayaa waxa shaley ku booqday ra’iisal wasaarayaashii horre Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake kuwaas oo u rajeeyay in uu caafimaad buuxo siiyo in dhaqso ukakaco dhaawaca yer ee soo gaaray.
Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerico waxa ku booqday isbitaalka shaley qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaaalada Nairobi oo ay ku jiraan wairiyaal, sidoo kale danjirayaasha wadamada caalamka u fadhiya Kenya ayaa sidoo kale ku booqday isbitaalka danjiraha waxana ay u rajeeyeen in uu alle caafimaad buuxa siiya.
Danjire Ameerico ayaa hadda xaaladiisa caafimaad waxa ay tahay mid aad u wanaagsan, waxana uu ka yera roonyahay markii horre sida uu u sheegay saxaafada Cabdi Sataar Sabriye oo ka mid ah shaqaalah Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.
Maxamed Cali Nuur Ameerico Dajiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay jimcihii shil gaari ka dib markii gaarigii uu la socday uu ku dhacay gaari kale oo ka soo leexday geed ku dhacay wadada marta xarunta madaxtooyada Kenye ee Harambii.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment