Muqdisho (RBC) Dawlada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay xog tilmaameysa in meel gabagabo ah uu marayo weerar kooxo argagixiso ah ay la maagan yihiin caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
War saxaafadeed lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa loogu digay dadka u dhashay wadanka Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya inay ka soo baxaan, halka kuwa hadda u safri doonana looga digay inay Soomaaliya tagaan.
“Argagixisadu waxay ku jirtaa marxaladii ugu dambeysay ee weerar ay la maagan yihiin magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
“Dadka u dhashay UK waxaa lagu waaninayaa inay ka baxaan Soomaaliya.” ayaa lagu sii daray warkaasi.
Digniin tan la mid ah waxaa bishii Disembar 2012 soo saartay dawlada Mareykanka oo sheegtay in deegaano ay ka mid tahay Somaliland laga yaabo in weeraro ay ka dhacaan.
Dawlada federaalka Soomaaliya weli kama hadlin digniinta weerarkan la sheegayo in lala damacsan yahay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, laakiin sarkaal booliska ka tirsan ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada sirdoonka ay isha ku hayaan xaalada amniga gudaha magaalada.
Al Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro isqarxin ah uga fuliyey magaalada Muqdisho iyagoo dilay dad fara badan meelo kala duwan. Qaraxii ugu dambeeyay ayaa bishii hore waxaa lala beegsaday Col. Khaliif Ereg oo ahaa taliyihii nabadsugiga gobolka Banaadir kaasoo weli dhaawacii ka soo gaaray qaraxa u jiifa.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment