Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo Saxaafada kula hadlayay Xarunta Baarlamaanka kadib markii uu soo idlaaday Kalfadhi aan caadi ahayn oo Xildhibaanadu ay uga doodayeen Wax ka badalka dastuurka Puntland qaasatan dhanka doorashooyinka Golaha Deegaanka ayaa sheegay in Baarlamaanku ay Guud ahaan ansixiyeen Qodobadii la horkeenay ee wax laga badalayay si kumeel gaar ah baarlamaankuna uusan u kala harin u codaynta iyo Baasgaraynta Qodobadaasi sida uu Gudoomiyuhu Hadalka u dhigay.
“ Qodobada la keenay hab ku meel gaar ah ayaa wax looga badalay ee ma ahan mid cid gaar ah loogu daneenayo, xildhibaanadu waxay matalaan shacabka Puntland cidina uma sheegeyso wixii danta ku jirto oo iyaga ayaaba u jeeda oo shaqadoodaba ay intaas tahay,arintan waa ku meelgaar waxaana la doonayaa in aysan hakanDoorashooyinka, Puntlandna la gaarsiiyo Dimuqraadiyad Taam ah, sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland.
Mar la weydiiyay Gudoomiyaha Sababta ay u tixgelin waayeen Codsiga qaar ka mid ah Uruada siyaasada ee Puntland kaasi oo ay ku diidan yihiin wax ka badalka Qodobada Dastuurka ayuu Gudoomiyuhu sheegay in Caalamka laga tixgeliyo halka loo badan yahay taasi oo uu ula jeeday in 4 urur ay isku raaceen in dastuurka wax laga badalo Qodobadaasi oo uu ku sheegay in ay noqdeen kuwo aan la jaan qaadayn hanaanka Doorashooyinka Caqabadna ku ah, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in tirakoob la sameeyaa marka la eego dhanka Amniga Dhaqaalaha iyo Siyaasadaba aysan macquul ahayn isagana sidaa looga gudbay laakiin Qodobada hada la saaray si kumeelgaar ah lagu bixiyay si doorashada u hirgasho.
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo xusay in Dowlada ay samayn doonto loogana fadhiyo Maxkamad Dastuuri ah taasoo ay ururadu mudo badan ku celceliyeen wuxuuna tibaaxay in danta umada Puntland aysan ku haboonayn Maanta in la mucaarado ama laga soo horjeysto isagoo sheegay in Dowladu ay ku hawlantahay dhawaan samaynta Maxkamad Dastuuri ah oo u dhaxaysa Ururada iyo Maamulka hada ka jira Puntland taasina qayb ayeey ka tahay xalka iyo isu soo dhaweynta Ururada iyo maamulka hada jira ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Qodobada 10ka kor u dhaafaya ee ka tirsan Dastuurka Puntland ee qaabilsan dhanka doorashooyinka Golaha Deegaanka ayaa Baarlamaanku intooda badan meel mariyeen iskuna raaceen walina waxba lagama badalin xiliga ay dhacayso doorashada oo lagu sheegay bisha May ee fooda nagu soo haysa, waxaase arintaasi gaashaanka u daruuray Ururada Midnimo iyo Udad, oo ka mid ah Ururada ugu firfircoon ee taageerada badan haysta 6da urur siyaasadeed ee ka jira Puntland marka la eego, kuwaasi oo tilmaamay in Doorasho Xaq ah aysan Puntland ka dhacayn tan iyo Inta wax laga badalayo go’aanka wax looga badalayo Qodobada dastuurka ee la xiriira dhanka doorashooyinka Dowladaha hoose ee Deegaanada Puntland.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe
No comments:
Post a Comment