Thursday, 4 April 2013

Jabuuti oo Hubkii ugu Horeeyey ugu deeqday Soomaaliya tan iyo markii la qaaday Xayiraadii hubka ee saarneed Soomaaliya


uquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jabuuti(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo maanta maalintii labaad ku guda jira booqashada uu ku joogo dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay madax sare oo ka tirsan dalkaa iyadoona dowlada Jamhuuriyada Jabuuti ay maanta R/wasaare Saacid gudoonsiisay deeq milatero oo ay ugu tala gashay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
R/wasaaraha oo munaasab weyn loogu dhigay xerada ugu weyn milateriga dalka Jabuuti ee magaalada Jabuuti ayaa waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey qalab milateri oo loogu tala galay ciidamada xooga dalka waxaana ay qalabkaasi ka koobnaayeen Dabaabaadka dagaalka iyo gaadiidka ciidanka lagu qaado ee loo yaqaano Uuraalka.
Gaadiidka ciidan ee maanta la gudoonsiiyey dowlada Soomaaliya ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 50 gaaro oo iskugu jiray Taangiyo iyo gawaarida ciidamada xambaara kuwaas oo ay dowlada Jabuuti ku taageertay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo hada ay dowladu ku hawlan tahay dib u dhiskooda.
R/wasaaare Cabdi Faarax Shiirdoon oo hadal ka jeediyey munaasabada gaadiidka ciidan lagu gudoonsiiyey ayaa u mahad celiyey dowlada Jabuuti ee aan walaalaha nahay ,wuxuuna tilmaamay in dowlada iyo shacabka reer Jabuuti ay kasoo bexeen kaalintii walaalnimo ee ay ka sugayeen shacabka Soomaaliyeed,R/wasaaraha ayaa sheegay in hub kasta oo soo gala gacanta dowlada Soomaalia in aan wal wal laga qabin isagoona tibaaxay inuu gali doono gacan amaan ah looguna adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.



RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...