Muqdisho, Abril 03, 2013 (WDN)- Ra'iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo toddobaaddadiii ugu dambeeyay socdaallo ku kala baxinayay gobollada dalka qaarkood, ayaa markii ugu horreysay tan iyo intii xilka loo magacaabay socdaal ugu kicitimay wadanka dibaddiisa.
Ra'iisal wasaaraha yo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa booqasho ku tagey wadanka Jabuuti iyadoo garoonka diyaaradaha Jabuuti uu ku soo dhaweeyay ra'iisal wasaaraha cusub ee wadankaas Md. C/qaadir Maxamed Kaamil iyo mas'uuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda Jabuuti.
Md. Shirdoon, ayaa waxaa socdaalkiisa Jabuuti ku weheliya wasiirrada Difaaca , Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka iyo madax kale oo ka tirsan dawladda.
Ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inta ay Jabuuti joogaan in ay kulamo la qaataan madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxda kale ee wadankaas.
Dalka Jabuuti ayaa waxa uu ka mid ayahay waddamada Afrika ee ciiddamadu ka joogaan Soomaaliya.
Haddaba Ra'iisal wasaare Saacid oo aan looga baran tan iyo intii uu xilka ra'iisal wassaranimo uu u magacaabay
6dii bishii Okotober ee sanadkii 2012 madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan la ogeyn sababta xilligan keentay in uu dibaddda safar ugu baxo.
Ra'iisal wasaaraha, ayaa had iyo jeer lagu dhaliilaa in awooddiisii dastuuriga ahayd uu maroorsaday madaxweyne Xasan oo isagu tan iyo intii xilka loo doortay inta badan safarro dibadda ah waqtigiisa ku qaata.
WardheerNews, Muqdisho
|
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Wednesday, 3 April 2013
Ra’iisal wasaar Saacid oo Markii Ugu Horreysay Safar Waddanka Dibaddiisa Ugu Baxay
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment