Monday, 1 April 2013

Somalia - wararkii Maanta oo dhan (Somali/ English/ Arabic)


 Mudane Baarlamaanka Ka tirsan oo sheegay in dowladda Kismaayo ay kula shirtay kooxo kala Siyaasad

 Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ay qayb ka ahaayeen Kooxo kala aragti duwan.
 Xildhibaan Max’ed Max’ud Ibraahim ( Goodir ) oo ka tirsan Mudanayaasha Baaralamaanka Soomaaliya oo Shabelle Lahadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay shirweynihii Fashilmay ee u dhexeeyay Raaskaambooni iyo Dowladda ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.
 Xildhibaan Goodir ayaa sheegay in shirkaasi ay qayb ka ahaayeen Maamulada Azania iyo Koox Sheegatay Ahlusunna Waljamaaca Kuwaasi oo uu sheegay in aaney Ka muuqan damiir Soomaalinimo Marka laga soot ago danahooda Gaarka ah sida uu hadalka u dhigay.
 Xildhibaan Max’ed Max’ud Goodir ayaa dhanka kale sheegay in Kooxahaasi ka qayb galay shirka in ay ahaayeen Kooxo kukala aragti duwan dhanka Siyaasadda balse ay ka mideysnaayeen ka qayb galka Kulankaasi oo kaliya.

Puntland oo Ku guuleysatay in Maleeshiyo Beeleed ay Ka sii deyso Nin ay Afduub u heesteen
Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Khaliif  Ciise Mudan oo Shir Jara’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in ay ka soo daayeen Nin Maleehiyo Beeleed ay afduub ahaan ugu heesteen deegaanno Ka tirsan Gobolka Nugaal.
 Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland ayaa Tilmaamay in Cabdullaahi C/qaadir Warsame oo Ka soo Jeeda Galmudug sii deyntiisa ay suura galiyeen wada hadallo ay Sameeyeen Culumaa’udiinka iyo Odayaal dhaqameedyada Reer Puntland.
 Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi kudaray in ay dadaal dheer u gali doonaan siideynta Nin kale oo Galmudug Ka soo Jeedo oo haatan Maleeshiyo beeleed kale Gacanta ugu Jiro.
 Geesta Kale Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa waxa uu ugu baaqay Odayaasha iyo Culumaa’udiinka  ee Maamulka Galmudug in ay ka qayb qaataan Rag Ka soo Jeedo Puntland oo iyagana lagu Heesto Deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ninkaan  Puntland ay ku dhawaaqday sii deyntiisa ayaa waxa uu afduubkiisa yimid kadib markii Nin kale oo Puntland Ka soo Jeeda afduub loogu geestay deegaanno ka tirsan Maamulka Galmudug.

Mudane Baarlamaanka Ka tirsan oo sheegay in dowladda Kismaayo ay kula shirtay kooxo kala Siyaasad iyo Aragti duwan
Mudane Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ay qayb ka ahaayeen Kooxo kala aragti duwan.
 Xildhibaan Max’ed Max’ud Ibraahim ( Goodir ) oo ka tirsan Mudanayaasha Baaralamaanka Soomaaliya oo Shabelle Lahadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay shirweynihii Fashilmay ee u dhexeeyay Raaskaambooni iyo Dowladda ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.
 Xildhibaan Goodir ayaa sheegay in shirkaasi ay qayb ka ahaayeen Maamulada Azania iyo Koox Sheegatay Ahlusunna Waljamaaca Kuwaasi oo uu sheegay in aaney Ka muuqan damiir Soomaalinimo Marka laga soot ago danahooda Gaarka ah sida uu hadalka u dhigay.
 Xildhibaan Max’ed Max’ud Goodir ayaa dhanka kale sheegay in Kooxahaasi ka qayb galay shirka in ay ahaayeen Kooxo kukala aragti duwan dhanka Siyaasadda balse ay ka mideysnaayeen ka qayb galka Kulankaasi oo kaliya.

 Siilaanyo oo ku celiyay inaysan ka qaybgaleynin Shirka London
Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ku celiyay in maamulkiisa aanay ka qaybgali doonin shirka bisha May ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Hadalkan ayuu Siilaanyo ka sheegay kulan maanta uu yeeshay xisbiga talada haya ee KULMIYE, kaasoo looga hadlaayay wax yaabaha u qabsoomay xisbiga tan iyo markii ay dhaceen doorashadii golaha deeganka.
Axmed Siilaanyo ayaa mar uu soo hadal qaaday shirka May ka dhacaya London, wuxuu yiri “ Shirka London kama qaybgalayno oo waxaanu u aragnaa in aan na khuseyn, dannina aanu ugu jirin qarankan Somaliland”.

Wuu sii hadlay “Mana jirto cid nagu qasbaysa wax aanay dani ugu jirin Umnaddayadda”
Mar uu ka hadlay wadahadalada u billaabay Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu sheegay in ay socdaan isla markaana xiriir uusan la laheen shirka London.
Wadahadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya waa Barnaamij socda oo ka soo billaabmay shirkii London ee sanadkii hore, taas oo addunyada ku go’aamiyey inay ka wadahadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaas ka dibna waxa dhacay shirkii duleedka London  iyo kii Dubai ka dhacay, waxaana ku kala saxeexanay qoddobo dhaxal gal ah oo hor dhac u ah wadahadaladaasi, ayuu yiri Siilaanyo.
Wuu sii hadlay “Mana jirto cid nagu qasbaysa wax aanay dani ugu jirin Umnaddayadda”
Si kastaba, dowladda Ingiriiska iyo dowladda Soomaaliya ayaa 10-ka bisha May waxa ay  wadajir ugu qaban doonaan London, shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, shirkaas waxaa wadajir u qaban doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha Britain David Cameron.
Dowladda Ingiriiska ilaa hadda ma shaacin cida ka soo qaybgaleysa shirkan iyo in maamulka Somaliland uu ka mid yahay dadka lagu casuumay.
Ciidamo Amisom ah oo la sheegay in lagu dilay Shabeelada Hoose
Gudoomiyaha ururka Alshabaab ee Shabeelaha Hoose Sheikh Maxamed Abuu Cabdalle ayaa ka sheegay Idaacad ay leeyihiin Alshabaab in weerar ay ka geysteen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose ay ku dileen 8 ka mid ah ciidamada AMISOM.
Wuxuu sidoo kale hadlay weeraro googoos ah oo uu sheegay in ciidamada AMISOM iyo Alshabaab ay ku dhexmareen oo ka dhacay deegaano ka tirsan isla gobolka,kaasi oo ay soo qaadayeen ciidamada Alshabaab.
Dagaalka ayuu sheegay Sheikh Maxamed Abuu Cabdalle inay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada marka ee Shabeelaha Hoose iyo deegaanka Janaale iyo deegaanka Carbiska oo dhamaan ka tirsan Shabeelaha Hoose.
“Waxaan dilnay 8 askari oo ka tirsan AMISOM ,dagaalkii Marka agtiisa ayuu ku dhinteen dhamaantood,carbiskana waan ku dilnay”ayuu hadalkiisa ku yiri gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ee ururka Alshabaab.


Wafdiga Puntland ee ka qaybgalaya shirka dib-u-habaynta garsoorka Soomaaliya. / Radiomuqdisho


Shirka dib-u-habaynta garsoorka oo berri furmaya
Shir-waynaha qaran ee looga wada-tashanayo dib-u-habaynta garsoorka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta berry ah ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo wafuuddii ka qaybgali lahayd ay ku sii qulqulayaan magaalada.
Shirka loo looga wada-hadli doono caqabadaha hor-taagan garsoorka dalka, dib u dhiska iyo horumarinta hay’adaha garsoorka iyo ka talo bixinta siyaasad qaran oo hagta hay’adaha caddaaladda iyo xiriirka hay’adaha garsoorka iyo dastuurka ayaa waxaa furaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdi ka socday maamulka Puntland oo 35 xubnood ka kooban oo ka tirsan wafuudda ka qaybgalaysa shirka ayaa manta gaartay magaalada Muqdisho.
Wafdiga oo isugu jira sharci-yaqaanno, culimo iyo garsooreyaal ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda garsoorka, caddaalladda, awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Jimcaale.
Bishii February ayuu madaxweynaha iclaamiyay qabsoomidda shirkan, kaddib markii la dhaliiyay hannaanka garsoorka ee dalka.
Shirka waxa uu socon doonaa muddo shan cisho ah.
Sudoo kale Wufuudda ka qeybgalaysa shirweynaha Qaran ee ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in loo qaban doono dib u habeynta Garsoorka Dalka ayaa kusoo qul quleysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.
 Wufuuddii ugu dambeysay ee ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka Dalka ee soo gaarta magaalada Muqdisho ayaa waxey ahaayeen wafdi ka socda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxey gelinkii dambe ee maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
 Wafdigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa hogaaminayey General Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirudowlaha Sharciga Puntland ayadoo wafdiganna uu ka koobnaa 35 xubnood oo ay ku jiraan qareenno iyo garsoorayaal waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeennada Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda.

General Yuusuf Axmed Kheyr oo wafdigan hogaaminayey ayaa saxaafadda u sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin sida loosoo dhaweeyey iyo in lagu casuumay ka qeybgalka shirweynaha dib u habeynta Dastuurka Dalka.
 Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in intabadan ergada ka qeybgalaysa shirweynahan ay yimaadeen magaalada Muqdisho.
 Maalinnimada berri ah ayaa la filayaa in shirkan uu ka furmo magaalada Muqdisho ayadoo shirweynahan dib u habeynta Garsoorka Dalka oo horey ay Dowladda Federaalka ugu dhawaaqday la filayo inuu si rasmi ah u furo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Qaar ka Mid ah Shirkadaha Korontada oo ku Midoobey Magaca Somali National
Munaasibad si heer sare loo soo Agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen shirkadaha Xawaaladaha, qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Ganacsatada
 Korontada ee Magaalada muqdisho iyo Gobolada qaarkood ityo Odoyaasha Dhaqanka  ayaa  shaly  ka dhacday Hotel RAMADA Magaalada Muqdisho.
 Munaasibaddan oo dhidibada loogu taagayay  Magac  ay ku midaysan yihiinShirkadaha Korontada ayaa waxaa loogu Magacdaray.  Somali National Electric Company taasoo ay ku mideysan yihiin inta badan Shirkadaha layrka siiya Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya.
 Ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Afhayeenka ay leeyihiin Somali National Company Ciise Maxamed Cabdi oo ka warbixiyay waxa xiligan keenay in Ganacsatada  Soomaaliyeed ee ku hawlan Korontada ay samaystaan Magac keliya taasoo uu sheegay in faa’iido badan ay ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed.
 Afhayeenka ayaa sheegay in Midowgaas ay samaysaan Shirkadaas ay dhabaha u xaarayso in ay Dab Gaarsiyaan Gobolada kale ee dalka, Mudane Ciise Maxamed Cabdi  ayaa ku dheeraaday ka hadalka Shirkadaha ku Midoobay taasoo ku timid buu yiri wada  hadalo iyo tashiyo muddo dheer soconayay oo ugu dambayntii lagu guulaystay in Midowgan maanta ay ku dhaawaaqaan.
 Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Cali Xuseen oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka socotay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Shirkaddan Korontada ee la magacbaxday Somali National Electric Company isagoona sheegay in Rugtoodu ay la shaqayn doonto isla markaana ay si aad ah ugu farxsan yihiin Midowgan cusub ee Maanta lagaga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
 Munaasibadda oo ay ka hadleen qaybo  kal duwan ee Bulshada ayaa isaguna waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka  Beelaha Hawityeb Maxamed Xasan Xaad oo dhankiisa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay  Midowga Shirkadahaas isagoona ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliya maadaama haatan dalku dib u dhis ku jiro in ay la yimaadaan iyaguna Midow kanoo kale ah.
 Xaad ayaa ku booriyay Shirkaddan Cusub in ay daboolaan baahida Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay u sameeyaan qiime qoys kasta ee Soomaaliyeed uu awoodo  Isticmaalka Korontada oo xiligan qayb ka ah Nolosha.
 Waxaa ugu dambayntii Munasibaddaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Somali National  Electric Company Xasan Maxamed Axmed oo u mahad celiyay dhamaanba Qaybihii Bulshada ee Munaasibaddaas ka soo qayb galay isagoona ballan qaaday in adeegga laga sugayo Shirkadooda inay gudan doonaan isla markaana  sii casriyeen doonaan Mashiinada ay iminka ku shaqeeyaan kaasoo uu sheegey in ay la jaan qaadi doonaan habka Dunida u isticmazasho Korontada .
 Si kastaba Shirkadaha ku Midoobay Shirkaddan Somali National Electric Company ayaa waxa ay kala yihiin.Somali Power,Muqdisho Power,Madina Electric,Isaf Electric,WPPS,jowhar Power,iyo Ramadan Power, waxayan Masuuliyiintii halkaasi ka hadashey ay hoosta ka Xariiqeen in Ciddii dooneysa in ay saami ku yeeshaan ay la soo xiriiri karaan Madaxda Shirkada  Somali  National Electric Company
Djibouti oo ra’iisul wasaare cusub loo magacaabay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta ra’iisul wasaaraha dalkaasi u magacaabay Cabdulqaadir Kaamil oo horay uga tirsanaa golaha wasiirrada dalkaasi.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa aqbalay iscasilaaddii ra’iisul wasaarihii hore, Dileita Mohamed Dileita, waxaanu si dhaqse ah ugu dhowaaqay mas’uulka beddelay, sida uu sheegay xogyaha guud ee dowladda Djibouti.
Cabdulqaadir Kaamil ayaa muddooyinkii dambe ahaa wasiirka difaaca dalkaasi Djibouti.
Dileita Mohamed Dileita ayaa dalka Djibouti ra’iisul wasaare ka ahaa tan iyo sanadkii 200
Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday in uu xiriir wada-shaqeyneed ka dhexeeyo Golaha Jamhuuriga Mombasa  (MRC) iyo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Xeebta Samuel Kilele ayaa sheegay in ay jirto  iskaashi ay leeyihiin golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab, kaasoo ku aaddan in dhibaatooyin iyo qas ay ka geystaan gobolka.
Kilele ayaa shalay u qabtay muddo toddobo maalmood ah inay isku soo dhiibaan labada koox iyo dhammaan kuwa kale ee laga mamnuucay Kenya, haddii kale ay wajahayaan sharciga.
Wuxuu xusay in 26 boolis ay tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore ku dhinteen weerarro lagu tuhmayo in ay MRC ka dambeyso oo ka dhacay gobolka.
Golaha Jamhuuriga Mombasa waa koox dooneysa in gobolka Xeebta uu ka go’o dalka Kenya intiisa kale.
Turkiga oo iskuul xirfado kala duwan lagu barto ka dhisaya Muqdisho
Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ka dhisi doonto iskuul xirfado kala duwan lagu barto, kaas oo qeyb ka ah “Howlaha Gargaarka Bini’aadannimo” ee Turkiga uu ka wado Soomaaliya.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency (AA), guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Ahmed Lutfi Akar ayaa hoosta ka xarriiqay in Samafalka Turkiga uu horumarin doono dhaqanka Turkiga ee Soomaaliya iyo caawinta dadka barakacay.
“Marka la dhammeystiro dhismaha kulleejada, in ka badan 300 oo arday ayaa lagu bari doonaa xirfado ay ka mid yihiin mashiinka iyo matoorrada, kumbuyuutarrada iyo korontada,” ayuu yiri Akar.
Hay’adda ma aaney shaacin goorta la billaabi doonto dhismaha iskuulka.
Wadada Isku Xirta Isgoysyada Dabka Iyo Bakaaraha Oo Dib U Dhis Uu Ka Socdo
Howlo dib u dhis ah ayaa ka soconaya wadada isku xirta isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.
 Dib u dhiska ka socda wadada isku xirta isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa fulinaya maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir waxaana howlahan dib u dhiska ay ka bilowdeen wadada weeberigii hore ee maanta.
 Maxamed Abuukar Jacfar Gudoomiyaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in dib u dhiska wadadan uu ka dambeeyey markii ay soo baxday saameyn ay isticmaalka gaadiidka ee wadadaasi ku yeesheen godad ay horey uga qodeen Maleeshiyaadkii argigixisada Al-Shabaab ayadoo gododkaasina biyo fariistaan xili roobaadka.
 Howlaha dib u dhiska ee ka soconaya wadada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ayaa qeyb ka ah dib u dhis uu maamulka gobolka Banaadir ka wado intabadan magaalada Muqdisho ayadoo talaabadaasina ay qeyb ka tahay dib u dhiska caasimadda iyo soo celinta bilicda Xamar


Haweeney 106 jir ah oo markii ugu horeysay ka qalin jabisay dugsi sare
 Haweeney duq ah oo dadeedu tahay 106 sano jir ayaa markii ugu horeysay shahaada dugsiga sare ka qaaday Iskuul ku yaala magaala Ohio ee dalkaasi Mareykanka.
 Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Reba Williams ayaa shahaada lagu gudoonsiiyay kadib xaflad lagu qabtay isla magaalada Ohio.
 1925kii, Mss Williams waxa ay dhameysatay 12 kii sano ee waxbarasha laakin ma aysan qaadanin shahaadadeeda kadib markii ay ka madax adeegtay in ay soo aqriso buug aysan jecleeyn in ay aqriso.
 Waxa ay sheegtay haweeneydaasi in markasta ay jecleeyd in ay waxbarato
Sarkaal ka tirsanaa maamulka kgm ee Kismaayo oo la xiray
Ciidamada amaanka ee maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo ayaa xabsiga dhigay sarkaalkii u qaabilsanaa sirdoonka magaaladaasi Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
 Ismaaciil Dhuxuloow oo maamulka ku meel gaarka Kismaayo dhanka nabad sugida ayaa lasoo sheegayaa in maanta xabsiga u taxaabeen ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo ,masuulkaan ayaa la soo sheegaya sababaha loo soo xiray ay ahayd in uu ku luglahaa sii daynta dad Al-shabab lagu tuhmayo oo laga waayay xabsiga dhexe ee Kismaayo.





Maamulka kumeel gaarka ee magaalada Kismaayo ka arimiya iyo ciidamada Dawlada federaalka ee halkaasi ku sugan ayaa mudooyinkii danbe ayaa waxay xabsiga dhigeen dad aad u fara badan oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Shabab ,dadkaasi la soo xirayna dhawaan xabsiga laga waayay,sababta sarkaalkaan loo xirayba loo sababaynayo inay la xiriirto arinkaasi.
Dowlada soomaaliya oo qirtay in xad-gudubyo lagu hayo barakayaasha
C/laahi Maxamed Jimacaale gudoomiyaha haya’ada maareenta masiibooyinka qaranka oo waraysi siinayay idaacda Knn ayaa ka hadlay barbixin dhawaan ay soo saartay haya’ada u dooda xaquuqda aadanahay ee HUMAN RIGH WATH taasi oo ku aadan xadf gudubyada  ka dhanka ah Kufsiga ee lagula kaco haweenka barakacayaasha ee dhaqan xeryaha ku yaala Muqdisho.
 Waxaana uu sheegaun C/laahi Maxamed Jimacaale inay jirto haween soomaaliyeed oo lagu dhex kufsaday  xerooyinka ay dagan yihin dadka soo barakacay ee qaxootiga balse  heerka warbixinta lagu sheegay  uu yahay mid laga badbadiyay.
 Gudoomiyaha ayaa sheegay inta aysan soo saarin haya’ada HUMAN RIGH WATH ay iyagu ka hadleen ,waxaana uuna intaasi ku daray in dadka barakacayaasha ay horay u dajiyeen qorshe lagu siinaayo deegaano cusub oo lagu sugi karo amnigooda si looga badbaadiyo kooxaha burcada ee caadaystay  kufsiga  dadka  qaxootiga ah.
 Dhinaca kale gudoomiyaha haya’ada masiibooyinka qaranka C/laahi Maxamed Jimacaale ayaa ku eedeeyay dadka wax ka qora kiisaska ku aadan kufsiga ee la shaqeeya haya’adaha u dooda xaquuqda aadanaha ay inta badan warbixinta ay diraan  ay inta badan tahay mid ka bad badis ah.
Nelson Mandela oo soo kabanaya
Nelson Mandela waa 94 jir waxaana dhawr jeer la geeyay isbitaal ilaa Disember
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela uu muujinayo calaamado dheeraad ah oo uu ka soo bogsanayo xanuunka hayay ee caabuqa.
Mr Mandela waxaa la dhigay isbitaal maalintii Arbacada, waxaana laga daweynayay dhinaca sambabada.

Qoraal ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in Nelson Mandela uu maanta qaatay maalin buuxda oo nasiino ah, isla mar ahaantaan uu sii qaadan doono daaweyn la xiriirta xanuunka ka haya sambabada.
Xukuumadda Pretoria ayaa sheegtay inay ku qanacsan tahay inuu helayo daryeelkii caafimaad ee ugu wanaagsanaa si uu uga soo bogto oo uu u dareeo caafimaad.
Dhaqaatiirta ayaa ku soo warramay in soo kabasho dheeraad ah uu sameeyay afarta maalmood ee uu isbitaalka ku jiray.
Ma sheegayaan sida xaaladiisa caafimaad ay qatar u tahay, laakiin waxaa muuqata inuu jiro walaac. Nelson Mandela waa 94 jir, taniana waa markii saddexaad ee isbitaal la geeyo ilaa bishii Disember.
Madaxweyna Jacob Zuma ayaa u mahadceliyay kumanaan dadka reer Koonfur Afrika oo u duceeyay Mandela maalinta ciidda masiixiga. Waxaa sidoo kale uu u mahadceliyay dhamaan dadka caalamka oo Madaxweynahaasi hore iyo qoyskiisaba niyadda ku hayay oo u duceynayay.
 Wiil uu dhalay Sheekh caan ah oo lagu dilay Koonfur Afrika
South Africa (Caasimada Online) Allaha ha u naxasriisto, waxaa dalka Koonfur Africa lagu dilay wiil uu dhalay Shiikh Nuuradiin Rooble Xuurshoow (War Cadaade) oo ka mid ahaa culimadda sida wayn looga yaqaano dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho.
Sida ay Shabakadda Caasimada Online u sheegeen wariyaal ku sugan Koonfur Africa, waxaa dilay wiilkan oo lagu magacaabi Jiray Muuse Sheekh Nuuradiin Rooble, kooxo hubeysan oo soo weeraray dukaan uu lahaa gobalka Western Cape.
Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay baxsadeen markii ay falka dilka geesteen, waxaana isla markii soo gaaray goobta ciidamo boolis ah, laakin cid ay u soo qabteen falkan ma jirto.
Dilkan ugu dambeeyay waxaa cambaareeyay Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Africa gaar ahaan safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas.
Wuxuuna ka codsaday dowladda Koonfur Afrika in ay gacanta ku soo dhigto kooxaha dilka geestay, isla markaana caddaalada la horkeeno.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wiil Soomaali ah lagu dilo dalka Koonfur Africa, oo ka mid ah waddamada ay u cararaan Soomaalida dalka ka tagta.
Dalkaas wuxuu ka mid yahay waddamada sida wayn loogu dhibaateeyo dadka Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika.
Allaha ha u naxariisto Marxuum Muuse Sheekh Nuurudiin ayaa maanta lagu aaday isla meel u dhow halka lagu dilay.
R/wasaaraha oo booqday Qabriga Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Maxamed Siyaad
R/wasaaraha xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa booqasho ku tagay Qabiriga ALLAHA u naxariiste Madaxweynihii hore ee dowladii dhexe ee dalka Marxuum Maxamed Siyaad Barre.
 Wafdiga uu hoggaaminayo R/wasaaraha ee maanta tagay Gobolka Gado ayaa waxaa ay booqdeen qeybo ka mid ah magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gado.
 Goobihii ay booqdeen R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ahaa Qabriga uu ku aasan yahay Madaxweynihii hore ee dalka ALLAHA u naxariiste Maxamed Siyaad Barre iyagoona ku aqriyay duco.
 R/wasaaraha ayaa ALLAHA uga baryay in uu janadii Fardowso ka waraabiyo waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan.
 R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay kulamo gooni gooni ah la qaataan mamulka maamulka, saraakiisha ciidanka shacabka iyo Odayaasha dhaqanka si looga arrinsado qorshaha xukuumada ay maamulka ugu sameyneyso gobollada dalka.
الحكومة السورية والمعارضة تتبادلان الاتهامات بشأن "مجزرة" جديدة في ريف حمص
تبادلت الحكومة السورية والمعارضة المسلحة الاتهامات بالمسؤولية عن وقوع "مجزرة" جديدة في ريف حمص وسط سوريا راح ضحيتها 10 اشخاص أغلبهم من النساء والاطفال.
وذكرت وكالة الانباء الرسمية "سانا" إن "إرهابيين ارتكبوا ليلة الأحد مجزرة جديدة بحق المواطنين الآمنين في مدينة تلكلخ الواقعة في ريف حمص".
ونقلت الوكالة عن مصدر أمني قوله إن "مجموعة ارهابية اقتحمت حارة البرج وقتلت عشرة مواطنين معظمهم من الاطفال والنساء قبل أن تتدخل وحدة من قواتنا المسلحة بناء على طلب الاهالي وتتصدى للارهابيين وتقضي على معظمهم في حين لاذ الباقون بالفرار".
وفي المقابل، نقل المرصد السوري لحقوق الانسان المعارض، ومقره بريطانيا، عن نشطاء في المنطقة أنه تم العثور على "جثث 11 مواطنا بينهم 8 سيدات وثلاثة رجال اعدموا ميدانيا خلال اقتحام القوات النظامية لحي البرج في مدينة تلكلخ".
وحمل المرصد السوري الأمم المتحدة مسؤولية استمرار المجازر في سوريا "بسبب عدم احالة ملف اي مجزرة الى محكمة دولية لمحاكمة مرتكبيها".
ويأتي هذا في الوقت الذي قتل فيه تسعة من مسلحي المعارضة في كمين نصبته لهم القوات الحكومية في محيط بلدة قلعة الحصن بحسب نشطاء.
وفي شمال سوريا، قال المرصد السوري إن عددا كبيرا من العائلات فرت الأحد من أحد الاحياء المهمة في حلب بسبب اندلاع معارك بين القوات النظامية ومقاتلين معارضين.

وأوضح المرصد أن " الاشتباكات العنيفة مستمرة في حي الشيخ مقصود بين المعارضة المسلحة والقوات الحكومية التي تسعى إلى استعادة السيطرة على هذا الجزء الذي يسمح للمعارضة المسلحة بشن هجمات على المناطق التي يسيطر عليها النظام في حلب".
نفط دير الزورفي هذه الأثناء، نقل الاعلام الرسمي السوري عن مسؤول في وزارة النفط قوله إن مسلحي المعارضة أشعلوا النار في ثلاث آبار نفطية في شرق البلاد، وهو ما أدى إلى خسارة ما يقرب من 5 الاف برميل من النفط و52 ألف متر مكعب من الغاز يوميا.
وقالت الوكالة العربية السورية للأنباء إن اضرام النار في الآبار في محافظة دير الزور التي يسيطر مقاتلو المعارضة على معظم مناطقها وقع "بعد خلاف نشب بينهم على تقاسم النفط المسروق".
وأضافت ان شركة الفرات للنفط تعمل على إطفاء الحريق في الآبار الثلاثة
----. مصدر في حماس: مشعل يحتفظ بمنصبه رئيسا للمكتب السياسي للحركة
 كشف قيادي في حركة حماس الفلسطينية لبي بي سي أن الحركة قررت إعادة انتخاب خالد مشعل رئيسا للمكتب السياسي بالتزكية.
وأعيد انتخاب مشعل لفترة جديدة خلال اجتماع لمجلس الشورى التابع لحماس عقد في القاهرة الأحد.
وقال القيادي في الحركة الذي رفض الكشف عن هويته إن متطلبات المرحلة المقبلة تتطلب استمرار مشعل في منصبه.
وأضاف بأن مشعل سيتولى رئاسة المكتب السياسي للأربع سنوات المقبلة.
وكان وفد كبير من قادة حماس وصل إلى القاهرة لإجراء محادثات مع القيادة المصرية بهدف دفع المصالحة مع حركة فتح التي ينتمي إليها الرئيس الفلسطيني محمود عباس.
وأفادت تقارير رسمية مصرية بأن رئيس الحكومة الفلسطينية المقالة في قطاع غزة اسماعيل هنية التقى بمدير المخابرات المصرية رأفت شحاتة يوم الأحد لمناقشة المصالحة الفلسطينية واتفاق الهدنة بين الحركة وإسرائيل.

وكان الرئيس المصري محمد مرسي توسط في اتفاق وقف إطلاق النار بين حماس وإسرائيل العام الماضي.

وتتناول المحادثات بين المسؤولين المصريين وقادة الحركة العلاقات بين مصر وحماس، خاصة في ظل الانتقادات التي وجهت للحركة من قبل البعض في مصر بأنها تأوي مسلحين ينشطون في شبه جزيرة سيناء المصرية.
---- الآلاف يتظاهرون في الرباط احتجاجا على البطالة وارتفاع تكاليف المعيشة
تظاهر الآلاف في شوارع العاصمة المغربية الرباط في مسيرة احتجاجية ضد البطالة وما وصفوه بارتفاع تكاليف المعيشة.
وجاءت هذه المسيرة قبيل قيام الحكومة المغربية، التي يقودها حزب العدالة والتنمية الإسلامي، بإعلان خطط إصلاح اقتصادية واجتماعية.
وجاب المتظاهرون المشاركون في المسيرة، التي دعت إليها اثنتان من كبريات النقابات في المغرب، شوارع الرباط مرددين شعارات مناهضة لسياسات الحكومة وما وصفوه بالفساد.
واتهم المتظاهرون رئيس الحكومة عبد الإله بن كيران بأنه يدفع البلاد إلى " واد ضيق".
وبينما قالت الشرطة المغربية إن نحو 3 آلاف شخص شاركوا في المسيرة السلمية التي توجهت إلى مقر البرلمان وسط العاصمة إلا أن تقديرات النشطاء تحدثت عن مشاركة ما بين 5 آلاف و10 آلاف شخص.
ونقلت وكالة الأنباء الفرنسية عن زعيم نقابي، رفض الكشف عن اسمه، قوله إن " المسيرة كانت بمثابة نوع من التحذير لحكومة بن كيران".
وتشهد المغرب تراجعا في النمو الاقتصادي مع بلوغ عجز الموازنة إلى أكثر من 6 في المئة من الناتج الإجمالي المحلي في عام 2011.
وكانت وكالات التصنيف الائتماني خفّضت تصنيف الاقتصاد المغربي من مستقر إلى سلبي.




----- الجيش الأميركي: الانسحاب من أفغانستان سيكلف قرابة ستة مليارات دولار
جنود أميركيون في انتظار إقلاع طائرتهم المتوجهة إلى أفغانستان، أرشيف

أعلن قائد عسكري أميركي كبير يوم الأحد أن تكلفة انسحاب القوات الأميركية من أفغانستان قد تتراوح بين خمسة إلى ستة مليارات دولار.
وقال الجنرال ستيفن شابيرو المكلف بعملية الانسحاب الأميركي إن "الانسحاب تطور طبيعي للحرب" مؤكدا أن "الانسحاب من أفغانستان يعد واحدا من أكبر التحديات في تاريخ عمليات النقل العسكري لجهة الحجم والتعقيد".
وتنشر الولايات المتحدة في أفغانستان 68 ألف جندي، و100 ألف حاوية و25 ألف آلية عسكرية، كما قال الجنرال شابيرو.
وأضاف أن الولايات المتحدة تعتزم سحب القسم الأكبر من هذا العتاد في نهاية العام المقبل، باستثناء جزء سيتم تسليمه لقوات الأمن الأفغانية.
وقال شابيرو إن تكلفة هذه العمليات منذ بدايتها في العام الماضي وحتى نهايتها أواخر العام القادم ستتراوح بين خمسة إلى ستة مليارات دولار، مشيرا إلى أن هذه التكلفة مازالت "موضع مراجعة مستمرة".
واعتمدت القوات الدولية العاملة تحت مظلة حلف شمال الأطلسي في أفغانستان لفترة طويلة على ميناء كراتشي (جنوب باكستان) لنقل معداتها نظرا لعدم وجود أي منفذ مباشر لأفغانستان على البحر.
وعن ذلك قال شابيرو إن "هدفنا هو الاستفادة إلى أقصى درجة (من الطريق الباكستاني) لكننا نستخدم كل الوسائل المتوافرة، بحرا وبرا وجوا، لاتمام انسحابنا على أكمل وجه".
 وبحسب دراسة أعدتها ليندا بيلمز الباحثة في جامعة هارفارد الأميركية، فإن الحرب في العراق وأفغانستان كلفت الولايات المتحدة 2000 مليار دولار مشيرة إلى أن هذه التكلفة مرشحة للارتفاع بما بين أربعة إلى ستة مليارات على المدى الطويل

--- كرزاي يلتقي أمير قطر لبحث فتح مكتب لطالبان في الدوحة
أجرى أمير قطر الشيخ حمد بن خليفة آل ثاني الأحد مباحثات مع الرئيس الأفغاني حامد كرزاي الذي يزور الدوحة لبحث فتح مكتب تمثيل لحركة طالبان في قطر في إطار مفاوضات السلام بين الحكومة الأفغانية والحركة التي تقود تمردا شرسا في مختلف أنحاء البلاد، كما قالت وكالة الصحافة الفرنسية.
ونقلت الوكالة عن المتحدث باسم الرئاسة الأفغانية القول إن مكتب طالبان "لا يمكن أن يكون إلا عنوانا تجلس فيه المعارضة المسلحة وتتحدث مع الحكومة ويجب ألا يستخدم لامر آخر".
 وبدورها قالت وكالة الأنباء القطرية الرسمية إن كرزاي والشيخ حمد بحثا "العلاقات الثنائية، واستعرضا عددا من الموضوعات ذات الاهتمام المشترك".

ولم تشر الوكالة إلى مسألة تمثيل طالبان في قطر التي هي في صلب زيارة الرئيس الأفغاني الذي وصل الدوحة أمس السبت على رأس وفد رفيع المستوى من حكومته، وغادرها بعد ظهر الأحد، بحسب الوكالة.

لكن الوكالة ذكرت في وقت لاحق مساء الأحد أن اللقاء تناول "آفاق السلام في أفغانستان".
وفي وقت سابق هذا العام رفض الرئيس كرزاي فكرة فتح مكتب لطالبان في قطر خشية استبعاد حكومته من المباحثات بين الولايات المتحدة وطالبان، لكنه غير موقفه لاحقا.
غير أن ذبيح الله مجاهد المتحدث باسم طالبان قال لوكالة الصحافة الفرنسية إن "فتح مكتب تمثيل لطالبان في قطر لا علاقة له بكرزاي، إنها مسألة تهم فقط طالبان والحكومة القطرية".
وتابع قائلا "ممثلونا الموجودون أصلا في قطر لن يلتقوا به ولن يتحدثوا إليه"، في إشارة إلى كرزاي.
 وقاطعت حركة طالبان المباحثات التمهيدية بين الولايات المتحدة وقطر في مارس/آذار 2012 بسبب عدم قدرة أي طرف على تلبية مطالب الطرف الآخر.
وبحسب وكالة الصحافة الفرنسية فإن انسحاب معظم قوات حلف الأطلسي، التي تعتمد عليها الحكومة الأفغانية، في أواخر العام القادم جعل إبرام اتفاق سلام أمرا واجبا لمنع تأجج النزاع مجددا في افغانستان التي أمضت اكثر من ثلاثة عقود في الحروب والفوضى.
وقالت الوكالة إن البحث عن تسوية بين طالبان والحكومة الأفغانية هو السبيل الوحيد لتفادي دورة جديدة دامية شبيهة بالحرب الأهلية الدموية جدا التي شهدتها البلاد بين 1992 و1996 وانتهت بسيطرة طالبان على مقاليد الأمور في أفغانستان.
---












اطبع
شارك:


Read more: http://www.radiosawa.com/content/afghanistan-qatar-taliban/221111.html#ixzz2QP2Fl4T9

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...