Saturday 13 July 2013

Wararkii Maanta

BEESHA
KABLALAX oo weerartay Madaxweyne XASAN SH., DF, Jabuuti iyo Beesha HAWIYE

Magaalada
Gaarisa, ayaa waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin
kasoo jeeda Beesha Kablalax Daarood, kaasi oo si aad ah loogu weeraray dowladda
Somalia, madaxweyne Xasan Sheikh, Beesha Hawiye iyo dowladda Jabuuti.

Xubnaha ka
qeyb galay kullankaas, ayaa sheegay in Jubaland ay tahay dhul Ogaadeen, sidaa
darteedna loo baahan yahay in Beesha Hawiye iyo dowladda Somalia ay joojiyaan
dhibka ay wadaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay si
aad ah u difaaceen ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo, oo ay sheegeen in lagu
been abuurtay oo marnaba aysan ka qeyb galin dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

“Ciidamada
Kenya waxa ay ka bixi doonaan Kismaayo, marka Uganda, Sierra Leone iyo Jabuuti
ay ka baxaan Somalia” ayey yiraahdeen xubnihii ka hadlay shirkaas.

Siyaasiyiinta
ka hadashay kullankaas ayaa u mahad celiyey Faroole, sida uu garab taagan yahay
Jubaland, waxayna ka digeen in Somalia dib loogu celiyo 1991-kii.

Caasimada.com

UNESCO oo war kasoo saartay Dilalka
Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Madaxa hayada
waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay waxbarashada sayniska iyo dhaqanka
UNESCO, ayaa waxay dalbaday in baaritaano lagu sameyo dilalkii ugu dambeeyay ee
wariyaasha loogu geystay dalka Soomaaliya iyo dalalka Ruushka iyo Mexico.

Waxay
dalbaday sidoo kale in cadaalada la horkeeno dadka ka dabeeya beegsiga
wariyaasha Soomaaliyeed, iyada oo sheegtay in loo baahan ka shaqeynta
badbaadinta saxafiga.

“Wariyaasha
waa inay awoodaan in shaqadooda ay ku gudan karaan amaan ayna ka ciyaari karaan
doorka loo baahan yahay lana dhowro xuquuqdooda”sidaasi waxaa sheegay Irina
Bokova oo ah agaasimaha guud ee hayada waxbarashada dhaqanka iyo Sayniska u
qaabilsa Qaramada Midoobay.

Dilkii Liibaan
Cabdulaahi Faarax bishan 7 deedii, ayaa hayada waxay sheegtay inay
cambareyneyso, waxaan ay sheegtay in dalka Soomaaliya uu kamid ah yahay dalalka
lagu waxyeeleeyo wariyaasha.

Maalintii
Talaadada Akhmednabi, ku xigeenkii tafaftiraha wargeys todobaadle ah oo kasoo
baxa dalka Ruusha ayaa lagu togtay dalkaasi gaarigiisa dhexdiisa meel ku dhow
gurigiisa oo ku yaala gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Wuxuu ahaa
wariyihii labaad ee sanadkaan lagu dilay dalkaasi, waxaana hayada ay
cambaareysa dilalka wariyaasha, iyadoo dhanka kale ku talisay ka shaqeynta
difaaca wariyaasha.

Fu’aad
Shangole iyo Kaba Kudukade oo iyagoo baxsad ah lagu arkay Bari Shabeellaha
Dhexe

Wararka laga
helayo degmoyinka bari ee gobalka shabellaha dhexe ayaa sheegaya in degmoyinka
Cadale iyo Raga Ceele ay ku sugan yihiin horjogayaal sarsare oo ka tirsan
ururka al shabaab

Warar hoose
aynu deganadaas ka heleyno ayaa sheegaya in horjogayaasha deganadaas lagu arkay
uu ka mid yahay horjooge Fuaad Maxamed Khalaf (Shangole) iyo horjoogaha gobalka
Shabellaha Dhexe u qaabilsan shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba Kudukade)
iyo malaeshiyaad fara badan iyo gawarida dagaalka ay wataan Fuaad Shangole ayaa
waxa uu habeen ka hor ka so baxsaday degmada Buulo Burdi ee Gobalka Hiiraan
kadib markii uu cadaadis kala kulmay horjoogaha Aalshabaab Axmed Godane oo
maalmihii ugu danbeeyay ay dagaalo u dhaxeyeen asaga iyo horjoogayaasha ka
hooseyo ee Al shabaab.

Dadka ku nool
Gobalka Shabellaha dhexe ayaa maanta ilaa caawa waxa ay hadal hayaan halka ay
ku danbeyn donaan horjogayaashan ka tirsan shabaab iyo ciidamada faraha badan
ay wataan oo so gaaray deegano katirsan gobalkan shabellaha dhexe waxa ayna
noqotay hadal heynta ugu badan caawa afurkii ka dib Jowhar.

Wixii war ah
ee ku soo kordho wararka danbe ayaan idinku soo gudbineynaa

Email: newsomali2@gmail.com

Daawo:
Prof, Ahmed I. Samatar ” Haddii aan Soomaaliya Madaxweyne ka noqon lahaa
qorshaheyga waxa uu ahaa sidii aan Somalia iyo Somaliland uga dhigi lahaa laba
dal oo deris ah”

Prof, Ahmed
Ismaciil Samatar oo ka mid ahaa ragii ku hungoobay musharaxnimada xilka
madaxweyne ee dowlada Soomaaliya ayaa hadda si cad u sheegay ujeedka uu ka
lahaa xilkaasi haddii uu ku guuleysto iyo caqabadaha ka horyimid.

Prof, Ahmed
Ismaciil Samatar ayaa waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn lahaa haddii uu xilkaasi
heli lahaa sidii Somaliland u noqon laheyd dal ka madaxbanaan dalka Soomaaliya,
isagoona arrintaasi ku tilmaamay mid

” Dadaalkii
ugu danbeeyey ayaan qaaday taasi oo ah in aan madaxweynenimada Soomaaliya u
tartarmo, ujeedka aan ka lahaana waxaa ugu horeeyey sidii aan uga shaqeyn lahaa
arrinta Somaliland iyo Somaliya,iyaddoo haddii xal laga waayo uu qorshaheygu
ahaa in laba dal oo deris ah kala noqdaan si walalnimo ku jirto ” ayuu
yiri Prof,
Ahmed Ismaciil Samatar.

Waxaana uu
sidoo kale sheegay in 53 sano ee dalka Soomaaliya xor ahaa inuusan qof kasoo
jeeda gobollada Waqooyi ee iminka la baxay maamulka Somaliland marna uusan
noqon madaxweynaha dalkaasi.Isagoona sheegay inay sababtaasi xitaa qeyb ka
tahay in dadka Somaliland xaq u yeeshaan dib ula noqoshada midowgii ay horey
ula qaateen dalka Soomaaliya.

” 53 sano
ayaa dalkan Soomaaliya xor ahaa oo dowlad lahaa marna qof kasoo jeeda gobollada
Waqooyi madaxweyne kama noqon. Dadaal ayaan muddo 30 sano ah ku jiray anigaa
xitaa halkaasi madaxweynenimo u doontay, laakiin natiijadii waxay noqotay
musuqmaasuq iyo qabiil in la isku doorto oo aan dadkan iyo dalkan Somaliland
waxba laga soo qaadin” ayuu yiri Ahmed Ismaciil isagoona intaasi raaciyey :

” Waxaa dadka
Somaliland halkaasi looga ogol yahay waa inay hambada (wixii soo hara) la siiyo
oo aan xilka ugu sareysa la siinin. Taasina waa mida ay Somaliland iyo dadkeeda
diideyn anigana aan diiday” ayuu yiri Ahmed Ismaciil Samatar.

Ahmed
Ismaciil Samatar oo si toos ah loo weydiiyey mar haddii uu sida uu sheegay
kusoo hungoobay hankiisii Somaliweyn inuu iminka daacad u noqon doono
Somaliland, islamarkaana uu ka shaqeyn doono sidii Somaliland u noqon laheyd
dal Soomaaliya ka madaxbanaan ayaa sheegay inuu midaasi hadda diyaar u yahay.

” Waxaan
Somaliland u tagay waa in aan dhageysto waxa ay shacabka Somaliland rabaan,
waana dhageystay, waxaana go’aansaday in aan dhinac ka raaco oo aan la
shaqeeyo. Aniga oo wixii hadda ka danbeeya ku shaqeyn doono rabitaanka shacabka
Somaliland ” ayuu yiri Prof, Ahmed Ismaciil Smatar.

Hadalkan uu
hadda sheegay Prof, Ahmed Ismaciil Samatar ayaa ahaa mid uu qarinayey intii uu
ololaha doorashada ku jiray. Haddii aad dib u raacdo khudbadiisii musharaxnimada
iyo shirarka uu kalsoonida baarlamaanka ku raadinayey waxaa ku jiray inuu yahay
shaqsi u taagan midnimada ummada Soomaaliyeed. Balse taasi waxaa beeniyey
qorshihiisa qorsoon ee uu maanta sheegay inuu watay.

Hadaba waxaan
la ogeyn in xisbiga uu ka tirsanaa ee HIIL QARAN fikirkan uu hadda sheegay la
qabeyn iyo inuu isaga un laabta ku heystay. Waxaana arrintaasi kala cadaan
doontaa maalmaha soo socda haddii ay ka hadlaan madaxda Xisbigaasi oo ay ku
jiraan rag magac ku leh shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadiisa.

Email: newsomali2@gmail.com

Golaha
Wasiirada oo kulankoodii maanta ku meel mariyay sharciga Warbaahinta


Golaha
Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid
shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan lagu meel
mariyay sharciga Warbaahinta (Media Law).

Kulanka ayaa
sidoo kale warbixino looga dhegeystay Wasiirka Warfafinta, Boostada iyo
Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, iyo Wasiirka Adeega Bulshada
Drs. Maryam Qaasim kuwaasoo safaro ku tegay dalal dhowr ah oo ay la soo galeen
heshiisyo horumarineed.

Gabagabadii
kulanka kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane
Ciilmooge, isaga oo xusay in goluhu ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu
horeysay sharciga warbaahinta, taasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel
mariyay.

“Sida aad la
socoteen, kulan ballaaran ayaan isugu yeernay qeybaha kala duwan ee warbaahinta
bishii Febraayo 9-keedii, waxaana u soo bandhignay howlwadeenada iyo madaxda
warbaahinta dalka sharci lagu maareyn doono Warbaahinta, waxaana weydiinay
taladooda inay ku biiriyaan sharcigan, weyna ku talo darsadeen bishii May
bilowgeedii ayaan ka helnay wixii talo iyo tusaalo ah, waana ku darnay” ayuu
yiri Wasiirka oo xusay in qodobada ugu badan ee sharcigani dhigayo ay yihiin
kuwii ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta si sharcigani u noqdo mid dhaqangal ah
oo aan waxba u dhimin dadka ku howlan mihnada saxaafada.

“Runtii marar
badan ayaa waxaa dhacday in lagu xadgudbo shuruucda warbaahinta, dawladduna wax
talaabo ah ma qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid
kasta ay u hesho xaquuqdeeda” ayuu yiri Wasiirka oo guul ku tilmaamay meel
marinta sharcigan, si deg deg ahna loogu gudbin doono Golaha Baarlamaanka si ay
u sharciyeeyaan.

Sidoo kale,
Wasiirka ayaa sheegay in ay u suurtagashay in laga qaado xayiraadii garoonka
caalamiga ah ee Aadan-cadde International oo muddo 20 sano ay saarneyd xayiraad
dhanka duulimaadyada caalamiga ah, haatanse laga qaaday ayna durba ku soo
biireen duulimaadyo cusub sida Uganda Air iyo kuwo kale oo mar dhow bilaabi
doona.

Wasiirka
Wasaaradda Adeega Bulshadu Drs. Maryam Khaasim oo iyadna safar ku tagtay dalka
Turkiga ayaa golaha uga warbixisay heshiis ay la soo saxiixatay dawladda
Turkiga kaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada gaar ahaana Caafimaadka,
iyadoo xustay in dhowaan la howlgelin doono Isbitaalkii Digfeer kaasoo ay
dawladda Turkigu dayactir iyo ballaarin ku sameysay uuna howlbilaabi doono
bisha September ee sanadkan “Isbitaalku wuxuu noqon doonaa Isbitaalka ugu weyn
uguna casrisan geeska Afrika, waxa uuna dabooli doonaa baahida caafimaad ee
shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri Drs. Maryam Khaasin oo intaasi ku dartay in
dadka caafimaadkooda wax looga qaban waayo gudaha dalka looo qaadi doono
Turkiga, kaasoo qeyb ka ah heshiiska.

Gabagabadii,
Golaha Wasiirada ayaa Guddi heer wasiir ah u saaray aaska alle ha u naxariistee
marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi oo ahaa safiirkii dalka Koofur Afrika
ee Soomaaliya, kaasoo labo cisho ka hor ku geeriyooday magaalada Pretoria,
waxaana berri aas Qaran loogu sameyn doonaa dalka gudihiisa iyada oo meydkiisa
la keeni doono garoonka Aadan-cadde si madaxda Qaranku ugu tukadaan salaada
Janaasada kadibna loo aaso.

Maxaa ka soo cusboonaaday arinta Sheekh Xasan
Daahir


Sida wararka
aan ka heleyno aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegayan kulan kaar ah, ayaa
waxaa qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha
Habargidir iyo waliba Madaxweynaha Soomaaliya.

Ujeedka
kulanka, ayaa ahaa sidii Xildhibaanada kulanka la yeeshqay Madaxweynaha ay laka
hadli lahaayeen arinta Sheikh Xasan Daahir Aweys oo maxbuus ahaan augu xiran
dowladda.

Madaxweyana
ayay Mudanayaasha kulanka la qaatay, waxay wax ka weydiiyeen arinta Xasan
Daahir iyo waliba ujeedka dowladda Soomaaliya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheikh
uu sheegay in aan dalka dibadiisa loo dhoofin Karin Sheikha balse wali ay
dowladdu arintaasi ku howlantahay.

Wuxuu sheegay
Madaxweynaha Soomaaliya in sheikh Xasan, uu ku jiro liiska dadka laga xanibay
Duulimaadka isla mar ahaantana ay u xilsaareen guddi ka soo talka bixiya
arintan  si looga saaro liiskaakaasi sida
uu sheegay.

C/qaadir Cali
Cumar iyo Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ahaa mudanbayaashii ka socday Beesha
Habargidir ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya

KISMAAYO
iyo mashaqo cusub (Kibaandho ayaa lagu galayaa)

Xildhibaanadii
hore ee baarlamanka Somalia, ayaa yeeshay kullan oo ay kaga hadlayaan xaaladda
dalka Somalia, gaar ahaan arrimaha xasaasiga noqday dhowaanahan ee Jubaland.

Ex-Xildhibaan
Maxamed Cabdullahi Wehliye Waqaa, oo kadib kullankaas qabtay shir jaraa’id oo
kula hadlay idaacadaha Muqdisho, ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka
socoto xaalad aad u xun oo ay dhowaan billaabeen ciidamada Kenya.

Waxa uu
sheegay in ciidamada Kenya ay billaabeen inay yiraahdaan “Waxaa magaalada
Kismaayo lagu galayaa Kibaandho, taasina ay dhabar jab ku tahay madax banaanida
Somalia”

Waqaa waxa uu
sheegay in ciidamada Kenya ay Kismaayo ku hayaan wax uu ugu yeeray nin
argagxixiso ah (Axmed Madoobe), oo ahaan jiran ku xigeenkii Xasan Daahir Aweys.

“Kismaayo

waxaa kale oo ka socday in bar ka mid ah lacagta kasoo xaroota dekedda Kismaayo
ay qaataan ciidamada Kenya, taasna waa gumeys cad” ayuu yiri Waqaa.

Waqaa ayaa
dhinaca kale ku eedeeyay ciidamada Kenya inay magaalada ka saareen dhammaan
dadkii kasoo horjeeday fikirka Axmed Madoobe.

Mar la
weydiiyey sida uu ku xaqiijin karo arrintan, waxa uu sheegay inay guddi u
direen Kismaayo, oo soo xaqiijiyey arrintan, ayna caddahaya in Kismaayo lagu
galo Kibaandho.

Waxa uu
dhinaca kale eedeeyay Faroole oo uu sheegay in dhaqaalihii Puntland oo idil uu
ku bixinayo hurinta colaadda ka taagan deegaanda Jubooyinka, isaga oo qabiil u
dirir ah.

“Faroole waxa
uu u baahan yahay in la geeyo Maana Koobiyo, umana qalmo inuu madaxweyne noqdo”
ayuu yiri Waqaa.

ISIMADA
PUNTLAND iyo Faroole oo ay ka dhex tafan tahay


Qaar ka mid
ah Isimada Puntland , ayaa kasoo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeeray
Maamulkaasi oo ku aadanaa inay heshiis wada gaareen iyaga iyo waliba
Salaadiinta deegaanada maamulka Puntland

Nabadoon
C/casiis Aw Yuusf, oo kamidah nabadoonadii kulanka la qaatay Madaxweyne
Faroole, ayaa sheegay in qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Garoowe ay u
yeereen markii halkaasi ay tageyna loo sheegay in Madaxweynaha Maamulka
Puntland uu doonayo inuu kulan la qaato iyaga, ayna ka aqbaleeen .

Wuxuu sheegay
in kulanka iyaga iyo Madaxweynaha uu ahaa mid ay qudbad kaga dhageysanayeeen
Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in faroole uu dhamaan odayaashii kulanka u
sheegay in arin xasaasi ah ay xilligan ka jirto dhamaan deegaana Punland loona
baahan yahay waxqabad dhab ah.

Nabadoonka,
wuxuu sheegay in Faroole uu si aad ah uga hadlay arinta Xisbiyada iyo nidaamka
Dimoqoraadiyada ee deegaanada Maamulka Puntland , waxaaana uu shaaca ka qaaday
in Faroole uu ku goodiyay inuusan u dul qaadan doonin in nidaamkaas aan marnaba
laga hor imaan Karin, lagana hirgalinayo guud ahaan Puntland.

Hadalka,
wuxuu yimid kadib iyadoo dhawaan warar soo baxayay ay sheegayen in Madaxweynaha
Maamulka Puntland C/raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole iyo qaar ka mid ah
waxgaradka deegaanada Puntland ay heshiis wada gaareeen.

Wafdigii
Dowladda Soomaaliya uga Qeyb Galay Wadahadalladii Istanbul Oo Dalka Dib Ugu Soo
Laabtay

Wafdigii uu
hogaaminayay wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo maanta dalka dib
ugu soo laabtay ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dhawaan halkaasi ku
dhexmaray dowladda iyo maamulka Somaliland.

Mudane
C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku
soo dhaweeyay xubno ka tirsan goloha wasiirada iyo mas’uulin kale, waxaana uu
shir jaraa’id oo uu kaga hadlayay wadahadaladii ka dhacay Turkiga ku qabtay
garoonka Aadan Cadde, isagoo xusay in shirkaasi laga gaaray guulo.

Wasiirka ayaa
xusay in u jeeddada shirka uu ahaa sidii loo sii wadi lahaa wadahadalada,
islamarkaana dowladda ay Maamulka Somaliland ugu qancin lahayd in ay qaataan
midnimada Soomaaliya.

“Qodobadii
qodob ka mid ah ayaan guul ka gaarnay oo ay ka midtahay In maamulidda hawada
Soomaaliya ay dowladda kol hore kala soo wareegtay Qaramada Midoobay, ayna
dhankooda la wadaagaan arrintaasi, iyadoo guddi labada dhinac ah loo saari
doono” Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayuu hadalkiisa ku daray

Wasiirka
arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in markale lagu
balamay in lagu kulmo dalka Turkiga, si loo sii ambaqaado wadahadalada u
dhexeysa dowladda iyo maamulka Somaliland.

Heshiiskii
dhawaan lagu gaaray dalka Turkiga ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyay qaybaha
kala duwan ee bulshada oo xusay in talaabadaani ay Soomaaliya u horseedi doonto
midnimo.

Maleeshiyaad
Ka Wada Tirsan Shabaab Oo Ku Dagaalamay Deegaanno Ka mid Ah G/

Maleeshiyaad
ka wada tirsan Al shabaab ayaa xalay ku dagaalamay qeybo ka mid ah gobalka
Hiiraan.

Maleeshiyaad
ka wada tirsan argagixisada Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku dhex maray
deegaanka Beer-xaano oo 25 km koofur ka xigta magaalada Beledweyn ee xarunta
gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada Sadex ka mid ah maleeshiyaadkaasi
halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 7, sida uuu kusoo waramay wariyaheena gobolka
Hiiraan C/shakuur Cismaan Cali oo ku sugan Beledweyn.

Warka ayaa
intaasi ku daraya in saaka ay halkaasi gaareen maleeshiyaad kale oo ka tirsan
Shabaab.  kuwaas oo aan la ogeyn dhinaca
ay taageerayaan, waxaana deegaankaasi ka taagan dhiill colaadeed iyo cabsi
farabadan oo ay qabaan dadka deegaanka.

Dagaalkan
ayaa la rumeysanyahay inuu salka ku hayo khilaafaadka ka dhex oogan
horjoogayaasha maleeshiyaadka Shabaab.
iyadoo qaar ka mid ah horjoogayaashii Shabaab ay dhuumaaleysi ku jiraan
kadib markii ay dhexdooda ka dagaaleen.

Col. Hiiraale
oo beeniyey warar maanta laga faafiyey

Waxaa maanta
soo baxay warar sheegaya in askar kasoo goosatay Barre Hiiraale ay ku biireen
ciidamada madaxweyne ku xigeenka Axmed Madoobe ee Cabdullahi Sheekh Ismaaciil
Fartaag oo ay isku beel yihiin Barre Hiiraale.

Afhayeenka
Barre Hiiraael Xasan Kaafi Warsame, ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwa aan sal
iyo raad aan lahayn oo ay faafiyeen maamulka Axmed Madoobe.

Xasan Kaafi,
oo wareysi siiyay idaacadda Kismaayo24, ayaa sheegay in ujeedada beentaas loo
faafiyey ay tahay xeelad dagaal oo lagu niyad jebinayao taageerayaasha Barre
Hiiraale.

Waxa uu yiri
“Fartaag isaga ayaaba ah maxbuus oo heysto Axmed Madoobe, sidee ayaynu isugu
dhiibnaa”.

Waxa kale oo
uu weeraray ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo, waxaana uu sheegay in la isku
dhiibo Fartaag iyo Axmed Madoobe ay la macno tahay, ayada oo la isku dhiibay
ciidamada Kenya, maadaama ay ayagu maamulaan Kismaayo

“Suurta gal
maahan inaynu siku dhiibeno gafuur weynta Kenya, waa cadowgii Soomaaliyeed”
ayuu yiri.

Xasan Kaafi ayaa
sheegay in Barre Hiiraale iyo Ciidankiisuba ay ku dhiman doonaan hadafkooda,
marnabana aysan dhici doonin inay isku dhiibaan cadowgooda, sida uu hadalka u
dhigay

Ciidamo ka
tirsan kuwa Axmed Madoobe oo la xiray, Sabab?

Kadib cabasho
muddooyinkii ugu dambeeyay kasoo yeereyay qaar kamid ah shacabka magaalada
Kismaayo, taasi oo  ku aadan dhibaatooyin
ay kamid yihiin dhac  ay xiliyada qaar la
kulmaan, ayaa arintaasi waxay dhalisay in ciidamada magaaladaasi kaarimiya ay
bilaabaan howlgal balaaran.

Ciidamada,
ayaa gacanta kusoo dhigay Rag ka tirsan ciidanka maamulka magaalada ka arimiya
ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Amxed madoobe)  kuwaas oo lagu
eedeeyay inay qeyb  ka aahayeen dhaca iyo dhibaateynta shacabka
Kismaayo.

Ilaaa Shan
Askari oo ka tisatn maamulka Jubbaland ayaa lagu soo qabtay intii howlgalka uu
socday, kuwaas oo la sheegay inay dhibaato ku
hayeen shacabka sida ay tilmaameen sarakiisha ciidanka ee magaalada
Kismaayo.

Cabdulaahi
Xirsi oo ka mid ah sarakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ,ayaa sheega in
howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka loogana hortagayay dadka
cadeysatay dhibaateynta shacabka.

Wuxuu sheegay
in marka laga soo gudbo Shanta Askari oo ay
qabteen ay jiraan ilaa Seddax Ruux oo kulabisnaa dareeska ciidamada
oo  iyana qeyb ka ahaa  dadka howlgalka lagu qabtayin, kastoo
uusan  shaacin tilbaalada ay ka qaadayan
ragga ay soo qababteen iyo waliba tilaabada xigta oo ay qaadi doonaan.

Kismaayo
waxaa haatan ka jira Maamul uu majaraha u hayo Axmed Maxamed Islaam hogaamiyihii
ururukii Raaskambooni haatana ah sida uu sheegtay Madaxweynaha mamulka
Jubbaland.

Shir
xasaasi ahaa oo ka dhacay Villa Somalia maanta

Madaxawyanaha
dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa maanta waxaa xafiiskiisa uu ku
qaabilay wafdi ka socday midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Newdel ee
midowga ninka lagu magacaabo Erik Solheim

Kulanka oo
Saxaafadda dibad joog ka ahayd, ayaa markii uu soo gaba gaboobay ka dib waxaa
la hadlay ergeyga Sol Hom iyo Afayeenka Madaxtooyada Soomaaliya
Enjneer C/raxmaan
Cumar cisman Yariisow

Eng
yariisoow, ayaa ka war bixiyay kulanka uu Madaxwaynaha la qaatay wafdigaani ka
socday midowga Yurub isagoo sheegay in arimihii laga wada hadlay uu ka mid ahaa
shir ka dhaci doono magaalada Brussels ee dalka biljimka ee looga hadlaayo
arimaha Soomaaliya

Waxaa sidoo
kale uu sheegay in gudi ka socda midowga yurub iyo dowlada ay tagi doonaan
magaalooyinka Baydhabo, Garoowe iyo Hargeesa si loola tashado sida uu shaaciyay
Engineer Yariisoow afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya.



Shirka 16ka
September 2013, ayaa waxaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya
Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Madaxa Arrimaha
Dibedda ee Midowga Yurub Lady Catherine Ashton.



Soomaalida
sharciga looga diiday Dalka Holland oo ku Jahwararsan Magaalada
Amsterdam!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Soomaalida
qaxootiga ee sharciga looga diiday dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inuu ku
dhacay jaah wareer la xiriira meel ay cag dhigaan iyadoona meel walba laga
cayrinaayo taas oo keentay inay meel ay galaan ay waayaan.

Soomaalidaan
oo laga soo eryadan guryo ay horey u wada jabsadeen qolooyin kale oo qaxooti
ahaa ka dib muran iyo is qabqabsi soo kala dhexgalay Soomaalidaas iyo qaxootiga
kale ayaa hada waxay meehanaabayaan wadooyinka magaalada Amsterdam ayagoo
meesha ay cag dhigaanba ay booliiska magaaladu ku raad joogaan oo ay ka
cayrinayaan Soomaalidaan oo markii ay qaxootigii kale ay ka soo ceyrsdaeen
dhismihii weynaa ee ay kuwada noolaayeen u soo guurey bartamaha magaalada
Amsterdam gaar ahaan halka lagu magacaabo de Dam oo ah goob qiimo weyn ku leh
magaalada Amsterdam ayaa waxaa halkaas ka saarey booliiska magaalada Amsterdam,
ka dibna waxay qaxootigaas u baqooleen xarunta dowlada hoose ee magaalada
Amsterdam ayagoona codsaday inay la kulmaan duqa magaalada Amsterdam ninka lagu
magacaabo Eberhard van der Laan laakiin arintaas ayaan u suuro galin
qaxootigaas Soomaaliyeed iyadoona uu mar kale uu boolissku soo gaaray goobtaas
islamarkaana uu ka codsaday inay goobtaas faarujiyaan Laakiin qaar ka mid ah
Soomaalidaas oo ka dhega adaygay arinkaas ayey booliisku xabsiga dhigeen
iyadoona ay booliisku qabteen ilaa iyo 31 qofood oo ka mid ah Soomaalidaas,
Qaxootigaan Soomaalida oo ah kuwo dalka Holland looga diiday sharciga dalkaas
iyadoona loo sheegay inay dalkooda ku noqdaan laakiin Soomaalidaas ayaa ku
doodaaya inaysan xilligaan ku noqon karin dalka Soomaaliya.

Ugu
dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas ay noqdeen kuwo meel walba laga saaro oo ay
ayaga iyo booliiska magaalada ay ku jiraan is cayrsi ayaa qaar ka mid ah
qaxootigii kale ee ay Soomaalidaas wada socdeen waxay badankood ku sugan yihiin
dhismo dabaq ah oo ay qaxootigaas jabsadeen laakiin Soomaalidaas ayaa sheegaayo
inay dhismahaas ku qabaan dhibaato weyn maadaama aysan lahayn wax raashin ah iyo
sidoo kale qubeys, Laakiin warka ayaa sheegaayo inuu Soomaalidaas uu dagaal ku
dhexmaray halkaas qaar ka mid ah qaxootiga kale ka dibna laga eryaday goobtaas,
Dhanka kale waxaa jira warar Fadeexad ah oo ku saabsan qaxootigaas Soomaaliyeed
ka dib markii mid ka tirsanaa qaxootigaas Soomaalida uu faraxumeeyey gabar yar
oo 10 sano jir ah, Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Cali H. ayaa waxaa uu ku
jiraa xabsiga, Ninkaan ayaa gabadhaas yar oo ay dhashay haweeney u soo gurmatey
qaxootigaas inay caawiso waxaa uu ka helay halka ay ku noolaayeen qaxootiga oo
ay soo booqatey haweeneydaas iyo gabadheeda yar falkaan oo dhacay bishii
Feberaayo ee sanadkaan ayaa un ay hada soo bandhigtay saxaafada dalka Holland.







                     


--
Eng : Mohamed Abdi Mohamed
Agaasimaha Waaxda Isgaarsiinta & IT
252 061 552 92 76
Email: mmohamed@mipt.gov.so
MIPT SO Registry

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...