|
|
|
| Written by Administrator |
| Monday, 08 July 2013 10:51 |
![]() Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Xasan Culusoow ayaa ka bad-baaday sida aan xogta ku heleyno shirqool ay soo maleegeen Sirdoonka (KSS)oo garab ka helaya Sirdoono Reer galbeed ah.Dayuuradan lagu khaarajin-lahaa Madaxweyne Xasan ayaa ka soo duushay Magaaladda Nairobi,waxayna wadatay sumadda nambarkeedu yahay (5-Y-SAX)waxaana laga cabsi-qabaa in la doonayey qaabki loo dilay Madxweyne-ku-xigeenkii Koonfurta-Sudan ee la oran-jiray John-Garang,ahaana aabihii aas-aasay Jabhadii (SPLM).Shakiga ugu weyn ee dab iyo baasiin ku shidi-kara dilka uu ka bad-baaday Madaxweyne Xasan ayaa yimid,xili Madaxweynaha uu maalmahan dacwo ka qoray Ciidamadda Kenya ee ku sugan Goboladda Jubbaland,waxaana la rumeysan-yahay in Sirdoonka-Kenya ay ka caroodeen hadaladii ka soo baxay Xukuumadda,isla-markaana ay dhoolatus ay maanta u dhigeen Madaxweynaha,iyagoo fariin cad ugu diraya in dilka maanta uu ka bad-baaday ay tahay bilowga qorshe lagu khaarajin-doono mustaqbalka,hadii uusan ka waantoobin tooshka uu ku ifinayo Ciidamadda Kenya ee AMISOM ka tirsan.Waxaa la saadaalinayaa in Dawladda Federaalka ay ka aamusi-doonto falkii maanta lagu khaarajin-lahaa Madaxeyne Xasan,maadaama laga cabsi-qabo in cilaaqaadka labada wadan ee Kenya iyo Soomaaliya oo awalba meel xun-marayay inuu ku soo dhamaado inay Safaaradaha kala qaataan 2-da wadan,kadibna ay hakad ku-yimaadaan duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobo,iyadoo Dayuuradaha ay isticmaalaan Xukuumadda Soomaaliya ay badankood kireystaan Dayuurada laga leeyahay Kenya,waxaana taas kuu cadaynaysa Dayuuradii maanta lagu khaarajin-lahaa waxaa laga soo kireeyay Magaladda Nairobi.Qalinkii:Tooshka Wareega ee ShacabkamediaShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |




No comments:
Post a Comment