![]() | ![]() | ![]() |
| Written by Administrator |
| Thursday, 01 August 2013 18:16 |
![]() Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhacday arin beni'aadanimadda ka baxsan,kadib markii Maleeshiyaad aano Qabiil ay u dileen 4-Gabdhood oo Walaalo ah welibana Agoon ah.Arinta ugu murugada badan ayaa noqotay in Maleshiyaadkan 4-ta Gabdhood ee walaalaha xasuuqay,inay xabado la dhaceen arigii deyrga ugu xareysnaa ee Qoyska la xasuuqay iska lahaayeen.Kaameeradda Wareegta ee Shacabkamedia ayaa helay sawir laga murugoodo oo muujinaya 4-tii Gabdhood ee walalaaha ahaa oo meydadkoodii dibadda aqal-Soomaaligooda waran-yihiin,iyo Aigii ay xasuuqeen maleeshiyaadkii aanada Qabiil u dilay oo aan la aqoon sababta ay arigana aanadda oogu dileen,iyadoo arintani ay noqotay hadal-heynta ugu badan ee ka taagan deegaamadda Galgaduud iyo Ximan iyo Xeeb.Falkan foosha xun oo aan Soomaalidda dhaqanka u laheyn,ayaa arin laga murugoodo ay tahay in dadkan xasuuqa geystay ay laayaan 4-gabdhood oo iska hurda,arigoodana toogtaan,iyadoo dhaqankan lagu yaqaan dadka cawaanta ee loo yaqaan Dingo-Dingo ee Koonfurta-Suudaan degan.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |




No comments:
Post a Comment