Sunday 25 August 2013

DEG DEG: Qoysas ku sumoobey saliida cuntada loo isticmalo deegaano katirsan gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland


Deegaanka Jariiban ee gobolka Mudug
Deegaanka Jariiban ee gobolka Mudug
Gaalkacyo[RBC Radio]Goor dhaweed warar naga soo garey degmada Jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa soo sheegaya in qoys ka mid ah dadka deegaanka ay ku sumoobeen saliida cunada lugu darsado taaso wax yeela ay ka soo gartey.
Qoyskaan ayaa la caddeyey in ay suuqa deegaanka ay ka soo qaaten saliidan,waxana la sheegey caagada ay saliidu ku jirtey ee ay qoyskaan soo gateen inay ka ureysey mid ka mid ah sunta loogu tala galey in lugu daaweyo xoolaha.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo Raxanreeb.com lahadley ayaa u xaqiijiyey inay arrintaan ay ka danbeysey kadib markii caagadan ay ku jirtey saliidu ay ku sumooben qoyska.
Waxaa la tilmaamaya inay suntaan ay waxyeelo kasoo gartey gabar yar oo qoyska ka tirsaneed taaso markiiba la soo boodey matag iyo shuban,ballse waxaa xiligaan lugu dabiibaya goobaha caafimaadka ee ku yaala deegaanka waxana lasoo sheegaya inay xoogga ka soo rayneyso xaaladdeda caafimaad.
Saliida conada lugu darsado oo lugu sumoobey
Saliida cunada lugu darsado oo lugu sumoobey
Sidoo kale waxaa qeylo dhan ay kasoo yeereysa qeybo ka mid ah deegaano hoos taga degmada Burtinle ee gobolka Nuugal iyadoo la sheegey inay qoysas dhoor ah ay wax yeelo kasoo gartey saliida cunada lugu darsado taaso hadda la caddeyey inay sun ku jirto.
Maamulka degmada Burtinle oo warbaahinta maantey lahadley ayaa waxaa ay sheegen in loo bahan yahay in wax laga qabto saliidan sunta waddata ee ku jirta guddaha deegaanada Puntland.
Waxaa baaq ay ku direen maamulka degmada Burtinle in arrintaan baaritan dheer lugu sameeyo oo ay dowladda Puntland wax ka ogaat.
Salidaan ayaa la sheegay inay ka timid dalka Isutaga imaaradka Carabta,waxana la tilmaamaya inay ganacsato soo galiyeen guddaha deegaanada Puntland.
Si kasta oo ay ahaataba tan iyo bur burki dowladdii dhaxe ee dalka ma jirin wax koon toral ah oo lugu sameyey wax yaalaha dadku isticmaalan ee dalka la soo galiyo ama baaritaan lugu ogaanayo waxaa ay yihiin waxa dalka la soo galinayo.
____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...