Tuesday 27 August 2013

habaab oo ka hadashay sanad kadib waxqabadka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh

habaab oo ka hadashay sanad kadib waxqabadka dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadashay hal sano kadib waxqabadka dowladda Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, markii bishii September ee sanadkii hore lagu doortay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) oo wareysi siiyay Idaacada Andulus ayaa sheegay in dowladda ay ku fashilantay waxa uu ugu yeeray ahdaaftii ay Gaalada u xilsaaratay.

"Hal sano ayaa u dhamaaday dowladdan, waana ku fashilantat ahdaaftii ay gaaladu u xilsaaray, Mujaahidiinta mudada sanadkan Muqdisho qorshooyin badan ka fuliyeen"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay bishii la soo dhaafay Muqdisho ka fuliyeen weeraro, ayna qasaare ku gaarsiiyeen AMISOM, dowladda, hey'adaha qaramada Midoobey, Turkiga iyo hey'adaha dowladda, ayna Mujaahidiinta meel walba oo ay joogaan ku booqanayeen sida uu yiri.

Waxaa uu soo hadal qaaday xaalada degenaan ee ka jira deegaanada ay maamulaan, isagoo xusay inay ka jirto barwaaqo iyo degenaasho deegaanada xorta ka ah oo aysan cadawga joogin sida uu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in 10% ay dalka ka heysto cadawga, waxaana soo hadal qaaday mudada sanadkan ee dowladda jirtay inay deegaano dhowr ah ay dib u qabsadeen.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo 10-ka September ee soo socoda ay ku beegan tahay hal sano kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo dadka falanqeeya siyaasada is weydiinayaan hal sano kadib waxay dowladda qabatay.


Somali news leader 
www.jowhar.com 
jowharcom@hotmail.com 
golfyare@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...