Sunday 25 August 2013

Wafti isugu jira wasiiro,salaadin iyo ganacsato reer Puntland ah oo ku sugan magaaladda Jigjiga


rax
Jigjiga[RBC Radio]Magaaladda Jigjiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia waxaa gaarey wafti sare oo ka socda Puntland.
Waftigaan Jigjiga kusugan ayaa isugu jira xubno katirsan gollaha wasiiradda Puntland,salaadiin iyo ganacsato.
Waxaa hoggaaminaya wafuudan kasocota dowladda Puntland ee xiligaan jooga Jigjiga wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Cabdiweli Xirsi Cabdule “Indhoguran”waxaana qeyb ka ah wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh, Agaasime ku-xigeenka Madaxtoyada Axmed Caydiid, guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, Suldaan Garaase iyo xubno matalaya ganacsatada Puntland.
Masuulinyintan ayaa xiligii ay gaaren Jigjiga waxaa loo soo dhaweeyey sidiiran,waxana qeyb ka ahaa soo dhawentooda madax sare oo ka tirsan dowladda deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Madaxtooyada magaaladda Jigjiga ayey kulan ku qaaten waftiga Puntland iyo masuuliyin katirsan dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia,waxana la sheegey in kulankaa Puntland loogu deeqey deeq waxbarasho oo ay ka faa’ideysanayan 75 -arday oo reer Puntland ah.
Dhinaca kale socdalka waftiga Puntland ay ugaaren Jigjiga iyo jeedadoda ayaa ah sidii xiriir dhow ay u yeelan lahaayen Puntland iyo dowladda deegaanka,waxana la sheegey in arrimaha ugu weyn ee laga wad-hadllayo ay yihiin ganacsiga.
Sidoo kale waxaa la xoojinaya inta ay waftigaan kusugan yihiin Jigjiga heshiisyo wada-shaqayneed oo ay horey ugaleen Puntland iyo DDS Ethiopia.
Waxaa lugu wada inta ay waftiga joogan Jigjiga inay kormeeran xafiisyadda iyo goobaha muhiimka ah oo ay dagantahay dowladda,si halkaas ay wax uga ogaadan.
Si kasta oo ay noqotaba waxaa lugu wada inay labada dhinac kawada shaqeeyan sara uqaadista ganacsiga iyo hurumarka deegaanka.
_______________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...