Saturday 3 August 2013

Sir La Helay:Kamaal Guutaale:Agaasimihii Madaxtooyadda Oo Ku Biiray Mucaaradka M/Weyne Xasan Culusoow Iyo Sir Uu Fakiyay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 31 July 2013 03:34

Agaasimahii Madaxtooyadda  Kamaal Daahir Guutaale oo markii horaba ay shaqadda garabka ku keentay eedadiis Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi,ahna Haweeneydii odeygeeda u qal-qaalisay jagadda Reysalwasaaaraha  ayaa Toooshka Wareega ee Shacabkamedia wuxuu xog ku helay in Kamaal Guutaale uu ku biiray Mucaaradka Madaxweyne Xasan Culusooow k kadib markii shaqada laga eryay oo xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Madaxweynaha walaashiis Nuurto Sheekh.


Kamaal Dahir Guutaale oo ku shaaheeynaya Hotelka Grand regency ee Magaaladda Nairobi wuxuu sheegay in xilkiisii loo magacaabay wiil ay dhashay Nurto Sheekh Mohamud Culusow hasse yeeshee intaas kuma ekeeysan ee wuxuu bixiyay sirtii qarsooneed iyo dabeecada uu ku arkay Madaxweyne Xasan Sheekh mudadii uu la shaqeeynayay.

Kamaal Dahir wuxuu sheegay in safarkii ugu dambeeyay ee London ku tegay Madaxweynaha uu Visayaal u qaaday lix qof oo qoyskiisa ah ,uuna ka mid yahay wiilkiisa Mohamed Hassan Sheekh Mohamud .

Markii aan ka soo laabanay safarkii London waxaa noo timid Safaaradda Ingiriiska waxay nagu dhaheen aaween lixda qof ee idinka soo hartay ,waxaan u gudbiyay Madaxweyne Hassan ,wuxuu igu dhahay ka bax arrimahaas ,waxaan ka wada hadalnay David Cameroon? ayuu yiri Kamaal Dahir.

Wiilka uu dhalay Madaxweyne Garguurte ee Mohamed Hassan Sheekh waxaa markii ugu horeeysay lagu arkay {xafladii 1 Luulyo ee London} ka dhacday,waxaana la xaqiijiyay inuu UK iskaga dhiibay qaxootinimo laakiin lama oga in uu magaciisa isku dhiibay iyo inuu magac kale isticmaalay.

Mohamed Hassan Sheikh oo bartay Caafimaadka wuxuu ka shaqeen jiray rug ku taal Muqdisho oo lagu magacaabo Garguurte Specialist Clinic,sida ku qoran barta uu Facebook ku leeyahay hasse yeeshee dhamaan isaga iyo Caruurta Madaxweynaha Somalia waxay Jaamacad ka dhigan jireen Dalka Ukraine.

Qalinkii:Tooshka Wareega ee Shacabkamedia

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...