Sunday 4 August 2013

Daawo:Dagaalkii Biimaal iyo Gumeystaha Talyaaniga

Daawo:Dagaalkii Biimaal iyo Gumeystaha Talyaaniga ee Beesha uga xoreysay Deegaamadda Sh/Hoose oo maalmahan ay soo baxeen dad sheeganaya Deegaankooda PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Friday, 26 July 2013 16:43

Dr Aw-Jaaamac Cumar Ciise  oo ka mid ah Taariikhyahanadda Soomaaliyeed ayaa ka sheekeeyay  Dagaalkii Beesha Biimaal iyo Gumeystihii Talyaaniga dhex-maray,iyadoo Beesha dagaal dhiig-badan ku daatay ay naftooda u hureen inay Talyaaniga ka saaraan Deegaamadda Sh/Hoose ee maanta ay ku dagaalamayaan Beesha H/Gidir iyo Beesha Biimaal ee isku haya cidda xaqa u leh lahaanshaha Sh/Hoose.

Barnaamishkan ayaa ugu tala-galnay kadib markii maalmahan ay soo baxeen dad ku doodaya inay iyaga ka xoreysteen Deegaamadda Sh/Hoose gumeytihii Talyaaniga,halka taariikhyahankan uu xaqiijinayo in Beesha-Biimaal xiligaas ay u soo hiiliyeen Beesha Shiikhaal Gendershe,iyo Beesha Wacdaan Cismaan,waxaana is-weydiin mudan xagay jirtay Beesha H/Gidir xiligii Talyaaniga laga xoreynayey Sh/Hoose?jawaabta filinkan markaad daawato ayaad ogaaneysaa cidda u dagaalantay xoreyntii Sh/Hoose ee 1902-dii,halka 2013-kan lagu jiro ay soo baxeen dad Biimaal ku qabsaday lahaanshaha Marka iyo guud-ahaan Sh/Hoose.

Waxaa xusid mudan Biimaal inay tahay Beeshii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee Gumeystihii Talyaaniga la dagaalantay,halka kuwa maanta dhulka ku heysto ay waagaas rufaayaamiin u ahaayeen Gumeystaha Talyaaniga.

2dii -Geesi ee hogaaminayey dagaalkii Biimaal iyo Talyaaniga ayaa lagu kala magacaabi-jiray(Mujaahid Cabdi Abiikar Gaafle iyo Mujaahid Macalin Kabtoole)

Riix:oo Daawo:Dr Aw-Jaamac  oo ka sheekeynaya dagaalkii Biimaal iyo Talyaaniga ku dhex-maray Sh/Hoose.

Ama hoos ka Daawo:


Adobe Flash Player not installed or older than 9.0.115!
Get Adobe Flash Player here

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...