![]() |
![]() |
![]() |
Written by Administrator |
Sunday, 04 August 2013 23:39 |
![]() Madaxweynihii loo hanweynayaa ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa sheekadiisi ku soo aruurtay hunguri-raadis iyo qaabkii uu lacag ku heli-lahaa,kadib markii uu shirkii Kampala ku adkeystay hadii Ciidamadda Dawladda Kenya laga diiday in lagu bedelo kuwo isku-dhaf ah oo Itoobiyaan hor-boodayaan,waa yaabee Itoobiya soo laguma sheekeyn-jiray waa cadawga Soomaalidda,maxay tahay sababta Madaxweynaha uga codsanayo Ciidamo inay ku soo biiriyaan kuwa Kenya ee jooga Kismaayo,su*aashan koley aniga meel waan saari-waayay laakiin akhristayaasha ayaan u daayay.Qof shaqadiisii hore aheyd NGO inuu ku qaraabto iyo Hey*addo samafal oo been loo sheego,calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah midda caawa Kampala ka dhacday oo Madaxweynaha uu shuruud ku xiray inuu Jubbaland aqoonsanayo hadii Dekedda iyo Garoonka Kismaayo lagu wareejiyo (Boowe Aala tahay)ayey ku maah-maahaan Reer Bariga,mana filayo mana dhici-doonto in Jubbaland ay Dekedda iyo Garoonka ku wareejiso Dawladda Federaalka ilaa ay qalinka ku duugaan inay aqoonsatay Jubbaland,welibana dhaqaalaha ka soo baxa Dekedda Kismaayo sida Boosaaso iyo Berbera maamuladda ka jira ay Maamulka Jubbaland iyagana u maamulan-doonaa dhaqaalaha ay ka helaan Dekedda Kismaayo iyo Garoonka.
![]() Qalinkii:Suldaan Godo-GodoShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment