Sunday 4 August 2013

Shirkii Kampala oo laga soo saaray in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo maamulka Dekkadda iyo garoonka dayaaradaha ee Magaalada Kismaayo




Isniin
, August 5, 2013—Shirkii ka socday Magaalada Kampala ee ay lahaayeen waddama ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya  iyo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyay, iyadoo ay shirkana laga soo soo saaray War-Murtiyeed ka kooban 39 qodob, kaasi oo aan idiin soo koobnay qodobbadiisa.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah qodob ku saabsan in Dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo sidoo kalena la soo dhaweeyay wada hadallada u billowday Dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiintii ka socday Gobollada Jubbooyinka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in wada hadallada Dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Jubbaland uga billowday Addis Ababa la sii wado, isla markaana ay wada hadalladaas noqdaan mid laga wada qeybgalo.

Qodobada kale ee muhiimka ah ee shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in la taageeray Midnimada, madaxbannaanida iyo soohdimaha dhuleed ee dalka Soomaaliya, iyadoo la isku raacay in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaheeda ku aaddan maamul-u-sameynta dalka.


Sidoo kale waxaa shirka lagu ammaanay guulaha ay Ciidamada Amisom, kuwo Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka gaareen soo celinta nabadgelyada Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaalanka Xoogagga Al-Shabaab.

Shirka waxaa lagu cambaareeyay weerarro ismiidaamin ah oo ay dhawaan Al-Shabaab ka geysatay Soomaaliya, wuxuuna war-murtiyeedka ugu baaqay dalalka ka qeybqaadanaya soo celinta nabadgelyada Soomaaliya in la sii wado la-dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in  Maleeshiyooyinka dhammaantood la ciidameeyo, isla markaana tababarro loo furo, marka laga reebo kuwa Al-Shabaab waa sida lagu xusay War-murtiyeedka ay soo saareen dalalka ay Ciidammada ka joogaan Soomaaliya ee kulanka uu ugu soo dhammaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxdu waxay soo dhaweeyeen cunaqabateyntii uu Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ku soo rogay dhoofinta dhuxusha ee Soomaaliya, waxayna taasi ku soo beegmeysaa iyadoo Dekedda Kismaayo ay weli ka socoto dhoofinta dhuxusha.

Madaxdu waxay mar kale ku celiyeen doorka ay ciyaarayaan Dowladaha IGAD iyo kuwa  AU ee ku aaddan howlgalka nabad-sugidda Soomaaliya iyo ciidamo u dirista Soomaaliya, iyadoo madaxdu ay boogadiyeen Ciidamada dheeraad ah oo ay dhawaan dalalka Kenya, Djibouti iyo Siera Leone ay u direen Soomaaliya.

Shirka oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Uganda ayaa waxaa ka qeybgalay madax ka socotay Dowladaha Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Siera Leone, wuxuuna shirkooda  ku xigay shir ay magaalada Kampala ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

War-murtiyeedkan oo aad u dheeraa oo aan qodobada muhiimka ah ka soo qaadannay waxaa hoosta uga saxiixnaa:

H.E. GABRIEL NIZIGAMA, Wasiirka Ammaanka guud ee Burundi
H.E. HASSAN DARAR HOUFANEH, Wasiirka Gaashaandhigga Djibouti
H. E. MR. HAILEMARIAM DESALEGN, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya
H. E. UHURU KENYATTA, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya
H.E. HASSAN SHEIKH MOHAMUD, Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya
H.E. ANDREW GBEBAY BANGALI, Xoghayaha joogtada ee Siera Leone uga wakiilka ah AU
H.E. YOWERI KAGUTA MUSEVENI, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda
H.E. AMBASSADOR MAHAMAT SALEH ANNADIF, Wakiilka gaarka ah ee AU-da u qaabilsan Somalia

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...