Saturday, 3 August 2013

Jubooyinka iyo Dastuurka lagu muransan yahay


samatar 1USA(RBC  Radio) Aqoonyahanka Soomaaliyeed  Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay arimaha muranka badani ka dhashay ee maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo gedo ee dalka Soomaaliya,Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa farta ku fiiqay habka ay wanaagsanaan lahayd in  loo wajaho arimaha Jubaland .
Pro. Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in arinta Jubaland  ay dhabjisay arimo xasaasiyad  qabiil salkaa ku haya,wuxuuna dhaliilay qaabka uu madaxweynuhu u wajahay arimahaas,Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in madaxweynuhu uu amar dul dhigay kaasoo ahaa in la joojiyo wixii Kismayo ka socday.
Aqoonyahan Cabdi Ismaaciil ayaa tilmaamay in madaxweynuhu markuu tagay magaalada Beledweyne uu u sheegay shacabka magaaladaas iney hawsha halkaa kasii wadaan,maamulkoodane ay samayntaan,balse uu dhanka Jubooyinka sidaa si ka bedelan ula dhaqmay una sheegay iney joojiyaan shirkii Kismaayo ka socday.
Pro. Samatar ayaa aaminsan in dadka deegaanada Jubooyinka ay ka gadoodeen ficilka madaxweynaha,ayna istuseen in madaxweyne Xasan SH uu u xaglinayo gobolada ay degaan dadka ay isku haybta yihiin,taasine ay keentay iney ku dhaqaaqaan arimo aan loo baahnayn.
wuxuuna dhanka masuuliyiinta maamulka Jubaland ee ka dhashay shirkii Kismaayo mudada ka socday ku dhaliilay iney ku keceen waxyaabo badan oo qaladaad ah,wuxuuna tibaaxay in arimaha Jubaland ay dabada ka riixayso dowladda Kenya oo uu sheegay iney ka leedahay dano dhaqaale oo iyada u gaara.
Wuxuuna ku taliyey in qabiil aan meelne lagu gaareen qaranimadune ay tahay arinta ummadda wada deeqda,Samatar ayaa  ku baaqay in dhammaan bulsho walba loo madax banneeyo ka tashiga aayahooda.
Pro. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa dhanka kale ka hadlay Dastuurka Soomaaliya oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoogani,wuxuuna tilmaamay in dastuurku uusan wali xalaal ahayn ilaa ay dadka Soomaaliyeed afti u qaadaan isla markaane  meelmariyaan.
Wuxuuna tibaaxay in qaladaadka ay dwoladdu gashay ay ka mid tahay iney isku dayeyso in dadka Soomaaliyeed ay ku sanduleyso Dastuur aan xaq iyo xalaal ahayn,maadaama aan bulshada lagu qancin sida uu yiri.



RBC Radio
Xafiiska Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...