Monday 19 August 2013

Cali Khaliif Galeyr”Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Al-Shabaab waxay gacan saar kawada leeyihiin arrimaha Jubbooyinka” [DHAGEYSO + DAAWO]

Comments (29) | Write Comment

Cali Khaliif Galayr
Cali Khaliif Galayr
R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ayaa eeden dusha usaarey madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,isagoona sheegey inuu marin qaldan madaxweynuhu umarey arrimaha gobollada Jubbooyinka.
Cali Khaliif Galeyr oo xiligan ah mudane ka tirsan baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa uu sheegey in xiligaan xukuumada madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ay haysatey fursado baddan oo ku aadan siyaasada arrimaha dibada balse qar ka mid ah uu sheegey inay ku waydey marinka ay dowladdu u martey arrimaha Jubbaland.
Mudane Galeyr waxaa uu hadalkiisa uu ku sheegey in madaxda dowladdaha Britain iyo Maraykanka ay ogaaden waddada uu madaxweynaha u qaadey arrimaha gobollada Jubbaland isagoona gacan saar kala yeeshey kooxda dagaalanta ee al-Shabaab,taaso sida uu sheegey ay ogaaden sirdoonka dalalkaas ay ku leeyihiin guddaha Soomaaliya.
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waxaa uu hadalkiisa ku sheegey in wax laga ogaadey xiriir ay wada yeeshen xubno sare oo katirsan al-Shabaab iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh kaaso ku aadan aarimaha goballada Jubbooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud
…”‘”Dowladdaha Britain iyo Maraykanka waxay ogaaden in madaxweynha Soomaaliya Xassan Sheekh inuu iskaashi kala yeeshey arrimaha goballada Jubbooyinka kooxda al-Shabaab,sir doon ay dowladahaas sheegen inay ku leeyihiin Soomaaliya ayaa xaqiijiyey wada shaqeynta madaxweyne Xassan Sheekh iyo al-Shabaab,waxaa wada hadal uu dhexmarey xubno ka tirsan ragga sare ee al-Shabaab iyo madaxweyne Xassan….”"‘ayuu yiri Cali Khaliif Galayr.
Galeyr waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey in madaxweyne Xassan Sheekh uu heley soo dhaweno ballaaran xiliyadii uu safaradiisa ku tagey wadama dhor ah oo ay Marakanka iyo Britain ka mid yihiin halkaas si aysan helin madaxdii hore  taaso uu ku sheegey inay tilmaam u ahyed fursada uu heystey.
…”"”Madaxwenaha xiligii uu yimid Marakanka waxaa loo soo dhaweeyey si wanagsan oo maamus ballaran ah taaso aysan helin madax hore….”‘”ayuu yiri Galayr.
Cali Khaliif Galeyr ayaa ka mid ah xubno siyaasiyin ah kuwaaso dhawaanahanba lugu tirinayey inay ka soo horjeedan siyaasada madaxweyne Xassan Sheekh.
Illa iyo hadda wax jawaab ah kama soo bixin dowladda faderaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xassan Sheekh taaso ku aadan eedeynta xiligaan loo soo jeediyey.




__________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...