Saturday, 3 August 2013

Madaxweyinihii hore ee Puntland Gen Cadde Muuse oo Ka Jawaabay Eedeyntii Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole [Dhageyso]


Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi”Cadde””
Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi”Cadde””
Qardho[RBC Radio] Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi”Cadde”” ayaa si kulul uga Jawaabay eedeyn uga timid Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud”Faroole”.
Mudane Cadde Muuse oo Saxaafada kula hadlaayey gudaha Magaaladda Qardho ayaa sheegay in marnaba uusan ka danbeyn Shaqaaqadii 14-bishii Julay ka dhacday Qardho isla markaana uu Faroole duulaan soo qaaday.
…””Wax ka jira majiraan shicibka Puntland iyo dadkoo dhan waa Ogyihiin inaanan ahayn anigu nin Fitno wade ah laakiin 7-bilood ayaa Cabdirixmaan iyo dawladiisa la shaqeynaayey si ay Nabadgelyo iyo amni ayna wadahadal u furan Shicbiga Puntland iyo Mucaaradka iney Isu keenaan intaas wan ka Caali waayey….””ayuu yiri.
Waxa uu sheegay Mudane Cade Muuse in waligiis lagu yaqaanay ka shaqeynta Nabada waana gardaro in Madaxweyne Cabdirixmaan ugu Tilmaamo qof Nabad diid ah.
Generaal Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ku sheegay Madaxweyne Faroole in Isagu kusoo duulay magaaalada Qardho kana dhigay arrinta mid Qabiil meeshii looga baahnaa in si dawladnimo leh uu u dhaqmo.
Canada!
Generaalka oo Shirkiisa Jaraa’id sidoo kale uga hadlay Imaatinkiisii Puntland ayaa sheegay in wadanka Canada uu uga yimid qeylo dhaan uga timid dhammaan bulshada Puntland guda iyo dibadba si loo badbaadsho Puntland,wuxuuna cadeeyey in uu hormuud ka ahaa heshiisyadii lagu soo afjaraayey Colaada wakhtigaas taagneyd.
…””Kanada,waxan uga imid qeylo dhaan iga timid dhammaan bulshada Puntland gudaha iyo qurba Joogta si loo badbaadiyo Puntland,waxaan hormuud ka ahaa Heshisiintii Nabada ee Colaada lagu soo afjaraayey…””ayuu yiri.
Dagaal ooge Faroole!!
Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayuu ku eedeyey in uu ahaa Xubnihii ugu firfircoonaa ee dagaalka Oogayey kamana qeybgeli jirin buu yiri Shirarkii dib u heshisiinta ahaa ee Beelaha.
…””Cabdirixmaan wuxuu kamid ahaa Xubnihii ugu firfircoonaa oo dagaalka iyo Colaada oogaayey,ilaa ay gaartay in uusan ka qeybgaleyn Shirarkii badnaa ee dib u heshisiinta ahaa aanu sameyneynay uu Isagu banaanka ka jiray….””ayuu yiri,
Wuxuu intaas ku daray in uu Faroole muddo 7-bilood ah kala shaqeynayey arrimaha Nabadeynta Iskuna taxalujiyey inuu isugu keeno Mucaaradka iyo dawladda si meel la isugu wada yimaado balse taas uu Cabdirixmaan Faroole ka dhaga adeegay.
…””Anigu nin Fitno wade ah laakiin 7-bilood ayaa Cabdirixmaan iyo dawladiisa la shaqeynaayey si ay Nabadgelyo iyo amni ayna wadahadal u furan Shicbiga Puntland iyo Mucaaradka iney Isu keenaan intaas wan ka Caali waayey…””ayuu yiri
Nabadda
Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Generaal Maxamuud Muuse Xirsi”Cadde” ayaa tilmaamay in waligiis uusan beelaha Walaalaha ah uusan hub isugu dhiibin, Burcadbadeed uusan noqon isla markaana uu ka shaqeyn jiray Nabadeynta Beelaha Colaaduhu ka dhex taaganyihiin.
…””Waxaanu aniga Iga sheegaayo inta aan Nabadgelyada ka shaqeeyay Puntland waa la Ogyahay ha ahaato Beelaha Isu dhawyntiisa.anigu waligay Beelaha hub isuma dhiibin, Burcadbadeed kama shaqeyn, waxay ka filayaan Puntland maanta majirto,,.””Ayuu yiri.
Mudane Cadde Muuse ayaa cod dheer ku sheegay in Puntland baaba’santahay,kala go’antahay isla markaana majiro buu jiri amni la isku haleyn karo.
…””Puntland waa baaba’santahay waa kala go’antahay,amni majiro meel la arko reer walba wixiisuu sameystaa iney Isu soo celiyaan oo meel Isugu keenaan…””ayuu
Gabagabadii ayaa Madaxweynihii hore ee Puntland waxa uu si faahfaahsan uga sheekeeyey Waxqabadkii Xukuumadiisa,Isagoona sheegay iney wax badan ka qabteen Caafimaadka,Waxbrashada,Biyaha isla markaana dhammaan lagu bixin jiray kharash badan.
…””” Mudadii aan xilka hayey,waxaan ka shaqeyn jiray heshisiinta iyo nabadgelyada Beelaha ay Colaadu dhextaal,waxaana laga gaari jiray guul,iyadoo aan marar badan ku bixin jirnay hanta badan si ay beeluhu u heshiiyaan.
Ilaalinta Shuruucda
…”” Maamulka aan masuulka ka ahaa wuxuu ilaalin jiray Dastuurka iyo Qawaaniinta,wuxuuna wax kasta ka horeysiin jiray danaha Caamka ah iyo maslaxada reer Puntland iyadoo ay marnaba dhicin in awood Shicbiga lagu muquuniyo,
Mashaariicdii arrimaha Bulshada.
…””” Maamulka aan Hogaaminayey,wuxuu lahaa hal abuur iyo fikrado horumarineed,waxaana markii ugu horeysay oo laga hawlgalay arrimaha bulshada gaar ahaan Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha iyadoo Maaliyad badan lagu bixin jiray.
Si kastaba hadalka Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cade Muuse ayaa kusoo beegmaya xili Xafladii 1-da Agoosto uu Madaxweynaha Puntland ku eedeeyey in uu masuul ka ahaa Shaqaaqadii ka dhacday magaalada Qardho.
________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...