




![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Saturday, 03 August 2013 21:32 |
![]() Maamulka Jubbaland ayaa waxaa metelaya Professor Gaandi,General Cali Looyaan (Cali Madoobe)iyo Cumar C/rashiid,halka dhanka Dawladda Federaalka uu horboodayo Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sakiinta-Cusub,Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fidno iyo Wasiiradda arimaha Dibadda Fawziyo Yuusuf.Kulankan ayaa loo soo jeediyay Maamulka Jubbaland in muddo 6-bilood ah si KMG ah loo aqoonsanayo,jagadda Reysalwasaarahana loo magacaabayo nin ka soo jeedo Jubbaland oo Madax ka ah Hey'adda Save-The Children ee Bariga afrika oo lagu magacaabo Xuseen Xalane,ninkan ayaa Wasiirka Maaliyadda ka ahaa Xukuumadii Farmaajo.Qolooyinka Jubbaland ayaa ka horyimid 2-dan qodob ee loo soo jeediyay,waxayna ku adkeysteen in Jubbaland juhdi iyo waqti badan la geliyay,jago Reysalwasaarana aysan ku badalanayn oo ninka laga qaadayo uu qudhiisa yahay Nin Jubbaland ka soo jeeda,waxayna ku adkeysteen in si buuxda loo aqoonsaddo,hadii kale ay ka tashanayaan Dawladda taagta-daran ee Xaafado Muqdisho ku yaal keliya maamusha.Shirka ayaa u muuqda hadda mid la isku dhawaanayo sida ay Shacabkamedia khadka Teleefoonka kula xiriiirtay mas'uul ka tirsan Jubbaland oo shirkan ka qeyb-galaya,balse wuxuu nagu wargeliyay in weli Madaxweyne Xasan uu ku adkeysanayo qodobo sababi kara in shirka burburo.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment