Saturday 3 August 2013

Shirka Kampala Iyo Qalinkii:Yuusuf Garaad


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Saturday, 03 August 2013 18:01


Madaxweynayaasha dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ayaa ku shirsan caasimadda Uganda ee Kampala. Waxay ka arrinsanayaan tayaynta iyo kordhinta ciidanka. Waxaa kale oo ay isla faaqidayaan caqabadaha hor yaalla ciidanka. Annaga waxaa dabcan na matalaya Madaxweyne xasan Shiikh Mxamuud.

Shir kale oo aan weli la shaacin, lana xaqiijin ayaa la ii sheegay in uu isna ka dhacayo Kampala caawa ama berrito.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wasiirka Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir ayaan maqlay in ay la kulmayaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hore u soo noqday Ra’iisal Wasaare, Maxamed Cabdi Gaandi, oo hadda ka hor noqday Wasiirka Difaaca iyo Taliyihii hore ee Booliiska, Cal Maxamed Xasan Looyaan.

Saddexdan mas’uul ee madaxweynaha la kulmaya waxay ka mid ahaayeen ragga garwadeenka ka ahaa shirka Kismaayo ee khilaafka weyni ka dhashay, dad badan oo Soomaali ah lagu dilay, qaar kale lagu dhaawacay, qaarna lagu barakiciyay.

Hore waxaa Addis Ababa ku kulmay, Wasiirka Madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir iyo Madaxwweynaha Jubaland ee lagu doortay shirka Kismaayo, Axmed Maxamed Islaan. Lama shaacin wax ay isla meel dhigeen. Shirkaasi wuxuu la kowsaday dagaal ay dad badani ku dhinteen magaaladana uu gacanta ku wada dhigay Axmed Maxamed Islaan.

Kulanka Addis Ababa lama faafin wax la isla gaaray, hase yeeshee, wixii kulankaas ka dambeeyay waxay labada dhinac ay dhimeen hadalalladii hawada la isku dhaafsan jiray ee colaadda sii hurinayay.

Hadda oo Madaxdii kale ee shirka hoggaaminaysay la filayo in ay la kulmaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyada, waxaan rajeynayaa in ay soo af jaraan colaadda, si dadka inta hartay loo badbaadiyo, isla markaana hore loogu tallaabsado.

Magaalada Kismaayo ee dekedda ah waa magaala madaxda degaan aad qani ugu ah beeraha, xoolaha iyo kheyraadka badda, isla markaasna leh degaan dalxiis oo aad u qurux badan, waxay ka mid tahay magaalooyinka Soomaaliya ee dagaalka sokeeye uu la haray.

Haddii is afgarad laga gaarana waa guul u soo hoyatay Soomaaliya. AMISOM waxaa Soomaaliya hadda ka jooga 17300 oo askari. Waxaana xaqiiqo ah in haddii Kismaayo ay Soomaalidu heshiis ka gaarto, ay meesha ka baxayso mid ka mid ah caqabadaha hor yaalla AMISOM.

Qalinkii:Yuusuf Garaad

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...