Saturday 24 August 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Magacyada hogaamiyayaal Al-Shabab ah iyo ganacsato laga xanibay hantidii u taalay bankiga dhexe ee Imaaraadka
 Dubai (Caasimada Online) - Bankiga dhexe ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ayaa xannibay hantida lacageed ee bankigaas u taalla 12 qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib, kuwaas lagu eedeeyey inay yihiin argagixiso.
Dadkaasi intooda badan waxa ay xubno ka yihiin kooxda Al-Shabab ee dhibaatada ka wadda Somalia.
War kasoo baxay bangiga ayaa waxaa lagu sheegay shaqsiyaadka Soomaalida ah ee xanibaadda la saaray ay qaarkood  haystaan baasabooro dalal kale, halka xubno kalena ay yihiin ajaanib caawisa Al-Shabab.
Dadka hantidooda la xanibay ee ku qoran liiska uu soo saaray bankiga dhexe ee Imaaraadka, ayaa kala ah:-
1 – Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab
2 – Sh, Fu’aad Max’amd Khalaf Shobgole
3 – Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan
4 – Sh, Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo baxday haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira
5 – Nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Saciid
6 – Bashiir Maxamed Maxamuud
7 – Xasan Mahad Cumar oo la sheegay inuu haysto baasaboor Ethiopian ah
8 – Nin magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo asna haysta dhlashada dalka Sweden
9 – Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale, milkiilaha shirkadda Hormuud ama Ex Al-Barakaat. Axmed kama tirsan Al-Shabab, balse waxaa lagu tuhmayaa argagixisanimo
10 – Cumar Xamaami oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki
11 – Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay
12 – Abuu Bakar Shariif
Bankiga dhexe ee Imaaraadka ayaa sheegay inuu go’aankaan qaatay, isaga oo fulinaya go’aan kasoo baxay golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay taageeraan Argagixisada.
Shalay ayay ahayd un markii Dowladda Somalia ay ka codsatay golaha ammaanka ee QM in xayiraadda laga qaado ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ay sheegtay inuusan wax xiriir ah la lahayn argagixisada.
Maamulka Puntland oo ka hadlay xiritaantii SNTV ….
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si faah faahsan kaga hadlay Xayiraadii lagu soo rogay xafiisyadii Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ee deegaanada Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland C/lahi Sh Jaamac ayaa sheegay in si KMG ah ay uhakiyeen shaqadii Warbaahinta qaranka Soomaaliya.
Xukuumada oo ku guuleysatay soo qabashada raggii muqdisho ku dhaawacay haweneydii Sweden udhalatay
Afhayeenka Xukuumada Somaliya Ridwaan Xaaji Cabdi-Weli oo ka hadlay sida ay Xukuumada uga xun tahay weerarkii maalin ka hor lagu dhaawacay Muqdisho Haweney udhalatay dalka Sweden.
Ridwaan ayaa sheegay in ciidamada Amaanka ay gacanta kusoo dhigeen seddexdii qof ee falkaasi weerarka geystay islamarkaana ay hadda gacanta dawlada ku jiraan laguna raad joogo labo ruux oo iyaguna soo abaabulay weerarkaasi.
Waxa uu Afhayeenka Xukuumada hadalkiisa intaa ku daray inay dadka lasoo qabtay ay yihiin kuwo doonayey Afduub ay ugeystaan Haweeneydaasi Swedishka laakiin ay ku fashilmeen.
KASHIFAAD: Madaxii amniyaadka Al-Shabab oo lagu sii daayey $30,000
 Muqdisho (Caasimada Online) - Toddobaad ka hor ayaa magaalada Muqdisho, waxaa lagu qabtay madaxii amniyaadka kooxda Al-Shabab, ee dhibaatada ka wadda magaalada caasimada ah.
Haddii aadan fahamsaneyn amniyaadka waxaa loola jeeda kooxda sirdoonka Al-Shabab, mana ahan oo kaliya sirdoon ee waa koox sidoo kale fulisa dilalka qorsheysan ee sida xowliga ah uga socda Muqdisho.
Madaxii amniyaadka koxoda Al-Shabab ayaa lagu qabtay howl gal ciidamada nabad sugidda ay ka fuliyeen Muqdisho, waxaana lagu xiray xabsi ay nabad sugidda ku leedahay Muqdisho, sida dad xog ogaal ah oo aan dooneyn in la magacaabo ay u sheegeen Caasimada Online.
Laba maalin un kadib markii ninkaasi oo loo yaqaan un Abu Ayman oo aan magaciisa runta ah la aqoon la xiray, ayaa durbaba laga waayey xabsiga.
Xubno ka tirsan hay’adda nabad sugidda oo aan dooneyn in la magacaabo, ayaa Caasimada Online u sheegay in Abu Ayman lagu sii daayey lacag dhan 30 kun oo dollar, oo ay qaateen xubno sare oo ka tirsa nabad sugidda.
Arrinta ayaa la sheegay inay ku lug lee yihiin sidoo kale madaxda hay’adda nabad sugidda gobolka Banaadir.
Sida ay Caasimada Online xogta ku heshay, waxaa arrintan iminka ka war haya dowladda, oo billowday baaritaan ku aadan, aadna u careysan.
Dhibaatadan musuq maasuqa ayaa in mudda ahba heysatay nabad sugidda Somalia, ayada oo la rumeysan in tiro ku dhow 90% lacag lagu sii daayo xubnaha Al-Shabab ee lagu qabto howl gallada Muqdisho, taasi oo ah sababta ay dhibaatada uga dhammaan la’dahay Muqdisho.
Muuse Suudi Yalaxoow oo markii ugu horeysay ka hadlay arimo aad u culus muddo badan ka dib
Muuse Suudi Yalaxoow oo dalka iyo dibadda caan ka ah ayaa muddo badan ka dib waxa uu ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah, islamarkaan ku saabsan dalka Soomaaliya.
Isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho una waramaayay mid ka mid ah Warbaahinda Soomaalida ee Dibadda ka hadasha ayuu ka hadlay arimo badan oo nabadda dalka, iyo sidoo kale maamulada ku saabsan.
Marka hore waxa uu wax laga xumaado ku sheegay in amaanka Muqdisho weli aanu sal adag ku taagneen, waxaana uu sheegay in hay’adaha amaanka looga baahan yahay in deg deg ay wax ku qabtaan.
“Amaanka dalka meel wanaagsan ayuu maraa lama dhihi karo, maalmahaan Muqdisho waxaa ka dhacay walax aan wanaagsaneen, waxaanse rabnaa in hay’adaha amaanka ay usoo jeestaan sidii nabadda dalka loo sugi lahaa”
Yalaxoow ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahaayeen nabad kusoo dabaalida magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Shacabka kaalintooda lama haayo, dowladda lama shaqeeyaan, dowladda la sheegana waa shacabka, waxaaa loo baahan yahay in shacabka ay kaalin ka qaataa nabad kusoo dabaalidda magaalada Muqdisho”
Dhanka kale mar uu ka hadlay maamul u sameenta gobalada Soomaaliya gaar ahaan arinka ku aadan dhanka Jubooyinka ayuu sheegay in dowladda ay raali ka noqon doonto oo kaliya maamulada shacabka ay wataan.
“Maamulka Jubaland hadii shacabka ku dhaqan gobalada maamulkaasi loo doortay ay raali ka yihiin dowladda waa waajib inay taageerto, laakiinse hadii aysan ogoleen shacabkii dowladana ma aqbali doonto”
Ugu dambeen Muuse Suudi Yalaxoow ayaa baaq u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, waxaana uu ugu baaqay inay kaalin ka qaataan nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka.
“Dal walba waxaa dhisa dadkiisa, qurba joogta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya, waayo waa laga soo gudbay xilligii bur burka.
Hadalka Muuse Suudi Yalaxoow ayaa imaanaaya xilli mudooyinkaan dambe amni ahaan aanu wanaagsaneen dalka Soomaaliya, islamarkaana dalka ay ka dhacaan falal ka dhan ah amaanka guud
Dowladda Federaal Somali oo Golaha amaanka ka codsatay in Xayiraada laga qaado Milkiilaga Hormuud
Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyagoo uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii shalay lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Q/midoobay oo la xariira in dib loogu celiyo xorriyadiisa dhaqdhaqaaq ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.
Ugu horeyntiina, Golaha Wasiirada waxay warbixin dheer ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana uu golaha uga waramay xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, isaga oo sheegay in kooxo shalay fal toogasho ah u geystay gabar u dhalatay dalka Sweden iyo labo muwaadin Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in laamaha amnigu ay si deg deg ah ugu howlgaleen baarista dhacdadan ayna gacanta ku hayaan dad lagu tuhmayo inay ku lugleeyihiin, welina ay ku daba jiraan kuwo kale oo ka tirsan abaabulayaasha falkan.
“Runtii waxay aheyd nasiib daro qof dalka u yimid inuu ka qeyb qaato horumarinta shacabka in la dhibaateeyo, waxaana wadnaa baaris adag oo la xariira cida falkaasi ka dambeysay si talaabo adag looga qaado” ayuu yiri Wasiirka oo warbixin siinayay Golaha Wasiirada.
Gabagabadii kulanka, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna xusay in Golaha Wasiiradu ay kulankooda diirada ku saareen xaaladda amniga dalka.
Sidoo kale, kulanka golaha ayaa lagu dhegeystay warbixin la xariirta qorshaha Boliiska Soomaaliyeed ee afarta sano ee soo socota 2013-2017, waxaana qorshahan oo aad u ballaaran soo bandhigay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana qorshahan ku jira in la horumariyo tayada, tirada iyo tababarada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u fududaato sugida amniga dalka.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Golaha Wasiiradu ay aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in golaha ammaanku ay xayiraan dhaqdhaqaaqiisa.
Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee dawladda Federaalka, khabiiro amni, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayaa in muddo ah waday baarista xogta la xariirta eedaha loo jeediyay ganacsade Axmad Nuur Jimcaale. Isaga oo tilmaamay in Howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhamaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay wareysteen qeybaha bulshada, gaar ahaana Culimo, odayaal, ganacsato, iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha Wasiirada dood dheer kadib, ay go’aamiyeen in Mudane Axmad Nuur Jimcaale laga qaado xayiraada, loona soo celiyo xorriyadiisa shaqsiyadeed.
“Dawladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tixgeliso go’aankan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta oo dhanka kale xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan si deg deg ah golaha ammaanka ee Q/midoobay, wuxuuna dhanka kale xusay in go’aankani qeyb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dawladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Masul ka tirsan Dowlada oo Alshabaab hal arrin ku amaanay.
Balcad –Maxamuud Xassan Rooble, Gudoomiye ku xigeenka degmada Balcad ee dowladda federalka ah ayaa sheegay in isbaarooyin aad u badan daadsanyihiin wadada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/dhexe.
Wuxuu sheegay in isbaarooyinku u yaallaan ciidamada dowladda, kuwaasoo dadka u geysta dhibaatooyin ay kamid yihiin dhac iyo kufsi.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Balcad Maxamuud Xassan Rooble ayaa tilaamay  in Al-Shabaab ay fiicnaayeen maamulkooda, isagoo cadeyn ka dhigtay inaaneysan isbaaro dhigan jirin.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Balcad ee dowlada Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamo ku lebisan dareeska dowlada isbaarooyin u daadsan yihiin magaalada,mana jirta cid ka hadli karta.
Wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya iyo wasaarada cadaalada ayuu eedeyn u jeediyay ,isagoona ku eedeyay inay xilka iska saari waayeen habdhaqanka ciiidamada dolada Soomaaliya iyo bad baadinta Shacabka.

Askari Katirsan ciidanka Dowlada Soomaaliya oo xabsi laga la baxay kadibna la toogtay 
Waxaa Shalay Xabsi kuyaala Degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo lagala baxay askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo la tilmaamay in uu horey dil ugu geestay askari kale oo isna katirsanaa Ciidanka Milatariga.
 Ciidamo Milatari ah ayaa Askarigan xoog ugala baxay xabsigii uu ku xirnaa kadina toogtay iyadoona arintaasay dhalisay xiisad ka dhax dhalatay Ciidanka Milatariga ee kusugan Degmada Ceel Waaq.
 Askariga la toogtay ayaa la sheegay in uu horey dil ugu geestay askari kale laguna xukumay in la toogto balse Ciidamadii uu katirsanaa ay shalay xoog kula baxeen kadibna toogteen.
 Nin Qaraabo yihiin Askariga la dilay shalay ayaa ku eedeeyay in dilkaasi uu ka dambeeyay Sargaalka ugu sareeya Ciidamada Dowlada ee kusugan Gobolka Gedo Col.Cabaas waxa uuna tilmaamay in askarigan loo dilay aano .
DHAGAYSO: Xasan Sheekh oo ku dhow inuu Waayo kalsoonida Shacabka Muqdisho ‘Sababta”
Amaan xumada kasii daraysa ee Magaalada Muqdisho iyo wadooyinka oo xiran ayaa keeni karta inay shacabka Kalsoonida kala laabtaan dowlada haatan jirta sidaas waxaa sheegay C/Samad Macalin Maxamuud oo kamid ah Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya.
Sargaalkan oo horey usoo noqday Wasiirkii Arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukumadii C/Wali Gaas ayaa sheegay in shacabka aysan haysan meel ay maraan taasna ay tahay caqabad ay abuurtay dowlada haatan jirta.
“Amaan xumada waxaa keenaysa dowlada maxaa yeelay shacabkii ayay dhinac kasta  ka xir xirtay, waxaa la leeyahay markii madaxda yimaadaan ayaa wadooyinka dhan la xirayaa”ayuu sheegay C/Samad Macalin Maxamuud.
Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili amaan xumada Magaalada Muqdisho ay sii kordhayso ayna dhacaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo.
Dowlada Soomaaliya oo dhawaan baafineysa masuuliyiin hore oo wasiira kamid yihiin.( Maxaa sababay baafinta) 
Wasiirka war-faafinta xukuumada Soomaaliya, Cabulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa waxa uu maanta shaaciyay in ay dhawaan baafin doonaan masuulyiin hore oo ay wasiirro kamid yihiin kuwaas oo gaadiid gaaraya 89 ka heesta wasaarada war-faafinta.
“waxa aan dhawaan ku daabici doonaa website-ka wasaarada war-faafinta Soomaaliya masuuliyiin gaadiid ka heesta wasaarada kuwaas oo aan dhowr jeer u dignay. Gawaarida ay heestaan taargadooda ayaan sidoo kale daabaceynaa. Waxa aan leenahay shaqsiyaadkaasi iska keena gaadiidka inta aan wadooyinka leydinku qaban”, Wasiirka war-faafinta xukuumada Soomaaliya, Cabulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidaa sheegay.
 Waxa uu intaa raaciyay, “Wasaaradu uma dul qaadan doonto in gaadiidka intaa la eg laga heesto iyada oo u baahan, horayna waan ugu dignay masuuliyiintaasi ee waa naga diideen”.
Hadalka wasiirka ayaa waxa uu cadeynayaa in wasiirada Soomaaliyeed ay la tagaan dhamaan agabka ay wasaaradu leedahay marka laga reebo hantida maguurtada ah marka xilka laga qaado.
 Si kastaba, lama oga sida ay wasiirada ku dhiiraday in ay hanti qaran horay u qaataan ay ugu hogaansami karaan hadalka Wasiirka war-faafinta xukuumada Soomaaliya, Cabulaahi Ciilmooge Xirsi oo isagaba la’aaminsanyahay in ay seeftu dhawaan boobi doonto marka isku shaandheyta lagu sameynayo golaha xukuumada.
Kismaayo oo saakay dad guryahooda laga saarayo iyo dadka oo diidan
Wararka laga helaayo Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay halkaas ay ka soconayaan in dadka laga saarayo guryaha ay degan yihiin iyadoo dad badan ay ka qeylinayaan.
Ciidan tiro badan oo Booliis ah oo ka amar qaata Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay si xoog ad dad badan guryahooda ugu soo saaray iyadoo aan la ogeyn sababta.
Dadka guryaha laga soo saaray qaarkooda ayaa sheegay in sababta guryaha looga soo bixiyay ay tahay in Maamulka Axmed Madoobe uu doonayo in uu dajiyo dad kale kuwaas oo aan la sheegin waxa ay yihiin.
Odayaal ka tirsan dadka guryahooda laga soo saaray ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in Barnaaijkaan guryo ka bixinta uu yahay mid iyaga xoog loogu sheeganayo balse ay ka hortagayaan.
Dhanka kale Maamulka Axmed Madoobe ayaa ilaa iyo hada ka hadlin sababaha keenay in dadkaan maanta laga saaro guryahooda iyaga oo aan waxba loo sheegin.
Ciidanka Booliska Mombasa oo heegan la galiyay
Wararka laga helaayo magaalada Xeebeed ee dalka Kenya ee Mombasa ayaa waxa ay sheegayaan in saakay dhamaan heegan la galiyay ciidanka Booliiska ee halkaas jooga ka dib markii la sheegay in qaraxyo laga baqay in ay dhacaan.
Xukuumada Kenya ayaa sheegtay in ay ka war heleen in ururka Shabaab uu weerar culus doonayo in uu ka geysto Mombasa iyaga oo doonayo in ay u aar gudaan wadaad kenyaati ah oo sanad ka hor ay dileen ciidanka Kenya.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in dowlada Kenya ay ku wargalisay in Booliiska Magaalada Mombasa ay is ku diyaariyaan howlagal maalin iyo habeen ah ka dib markii la xaqiijiyay in Shabaab ay is ku dayayaan weeraro culus.
Shabaab ayaa la sheegay in ay qorsheeyeen barnaamij ay doonayaan in ay ugu aar gudaan Wadaadka Mudo sanad ka hor lagu dilay Mombasa kaasoo la sheegay in uu xiriir la lagaa ururka Al qaacida oo Shabaab ka mid yihiin.
Waxaa maanta lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee magaalada Mombasa oo ay soo buuxdhaafiyeen ciidanka Booliiska dalka Kenya kuwaas oo baaraya baabuurta iyo dadka ay ka shakiyaan.
Dowlada Belgium Iyo Kenya oo iska kaashanaya soo celinta qaxootiga Somalia
Iyadoo dhawaan la sheegay in Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan xerooyinka dalka Kenya in dalka Somalia dib loogu soo celinaayo ayaa hada waxaa soo baxayay wadamo badan oo gacan ka geysanaya soo celinta Qaxootiga.
R/wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arimaha dibada  Belgium Didier Reynders ayaa sheegay in dowladooda ay gacan weyn ka geysan doonto sidii si nabad ah dalka Somalia loogu celin lahaa qaxootiga tirada badan ee halkaas jooga.
Didier Reynders ayaa sheegay in iyaga ay Kenya ku kaalmeyndoonaan qarashaadka ku bixi doono dib u celinta qaxootigaas sidoo kale waxa uu sheegay in gacan ka geysanayaan dhisida halkii la dajin lahaa.
Dhanka kale M/weyne  ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa soo dhaweeyay hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibada Belgium waxa uuna sheegay in hada Kenya u jeesan doonto sidii ay gacan ugu geysan laheyd sugida amaanka Somalia.
Ugu danbeyntii Didier Reynders ayaa sheegay in dhawaan dalkooda uu ka dhici doono kulan balaaran oo looga hadli doono arimaha Somalia oo ay ka mid tahay dhanka Qaxootiga.
Al Shabaab oo xirxiray dad takfiir ah, Sabab?
Howlgal balaaran oo soconayay labo maalin ayaa dagaalyahano ka tirsan al Shabaab waxa ay ka fuliyeen magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.
Howlgalani ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan oo ah takfiir, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Dad deegaanka ayaa ku waramaya in al Shabaab ay horay u amreen joojinta dhoofinta dhuxusha, balse dadka takfiirka ah oo howshaasi ku lug lahaa ay diideen amarkaasi.
Soo qab qabashada dadka takfiirka ayaa ka dambeeysay kadib markii lagu tuhmay in ay ka dhaga adeegayaan joojinta dhoofinta duxusha oo laga dhoofinayo dekada magaalada Baraawe.
Dad ku sugan magaalada Baraawe ayaa sheegaya in dadka takfiirka loo xiray labo arin midkood, in ay diideen joojinta dhoofinta dhuxu waa midee, iyo in ay ka waayeen al Shabaab ragaasi takfiirka dhaqaalo ay ka heli jireen.
Waxaa intaasi dheer in dadka takfiirka ah ay duufsadeen dagaalayaho badan oo ay al Shabaab ku tashanayeen.
Ma jiro wax war ah oo ay al Shabaab ka soo saaren arintaasi.
M/Africa oo DF ku wareejiyay xarun waxbarasho.
 Midowga Africa ayaa manta dowlada federaalka Somalia ku wareejiyay xarun waxbarasho oo ay ka aas aaseen magaalada Muqdisho.
Munaasabada lagu wareejinayay xaruntaasi waxbarasho ayaa waxaa ka soo qaby galay masuuliyiin ugu horeeyo m/weynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.
Xaruntami oo loogu magac daray mac-hadka taba barka iyo farsamada ee Somalia oo loogu tala galayin ay ka  faa’iideystaan ubadka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga hirgiliyay xerada Xalane ee oo ay AMISOM maamulaan.
Munaasabada oo goob joog ka ahaa ergeyga Midowga Africa u qaabilsan Somalia Maxamed Saalex Al Nadiif, saraakiill ka tirsan ciidamada AMISOM iyo xubno ka tirsan goloha wasiirada ayaa waxaa lagu soo bandhigay ruwaayado iyo sugaan ka tarjumeysa muhiimada waxbarashada.
Qarashaka ku baxay dhisida xaruntaasi ayaa la sheegaya in uu ku dhawyahay 150,000 dollar taasoo ay ku deeqday dowlada Norway.
M/weynaha Somalia oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ka mahadcelinayaan arintani, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahanayahay in sara loo qaado aqoonta dhinaca farsamo iyo tan caadiga ah.
Daadad qasaaro geystay oo ka dilaacay Jowhar, iyo dowlada oo gurmad geysay
Qoysas degan degaano 3km u jira magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo fatahay daadad ka dhashay wabiga Shabeelle, kuwaasi oo biyuhu ay ka go’doomiyeen jiho kasta ayaa waxaa loo sameeyay gurmad samatabixin.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Sh/dhexe, gaar ahaan magaalada Jowhar iyo ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu gurmaday qoysaskaasi oo qarka u saarnaa in xaalad aad u liidata ku sugnaa.
Degaanada Libiga iyo Xaanshooley oo dhinaca Waqooyiga uga toosan magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhashay daadad xoogan, kuwaasi oo jaray wadada isku xirta gobolada dhexe iyo gobolka Sh/dhexe.
Qoysaska laga badbaadiyay daadadka wabiga Shabeelle oo tiradoodu ka badan tahay toban qoys ayaa la sheegayaa in sidoo kale ciidamada Dowladda iyo ururka Bisha Cas ay badbaadiyeen nolosha boqolaal neef oo biyaha daadadka wabiga ay liqeen.
Daadadka Fatahaada wabiga Shabeelle oo sii xoogeysaneysa saacadba saacadda ka dambeysa ayaa ku dhowaaday xero ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin hareeraha magaalada Jowhar.
Qaar ka mid ah qoysaska ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabeelle oo laga soo badbaadiyay ayaa shabakadaan u sheegay in haddii aan si degdeg ah looga soo gaarin uu kordhayo qasaaraha ka dhasha daadadka biyaha ku soo rogmanaya magaalada gudaheeda.
Xasan Daahir oo xeelad cusub damacsan, iyo dowlada Somalia oo ka biya diidan
Hogaamiyihii hore ee ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo iminka ku xiran xabsiga Nabadsugida ayaa waxaa weli aad loogu wareer san yahay is bad-badalka faraha badan ee hogaamiyahaan.
Maalmo yar ayaa ka soo wareegtay markii uu cod saday hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys in la siiyo waqti uu kaga soo fakaro warqad la soo hoos dhigay taas oo lagu doonayay in uu saxiixo si uu uga baxo xabsiga Nabadsugida oo mudo dheer uu ku xirnaa.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wali looga shaki san yahay in uu xil ama jaga doon yahay waxa uu maalmihii ugu dambeeyay la soo shir tagay inuu doonayo in Dowladu aqoonsato urur Diimeed uu dhisi doono kaas oo aanan noqon doonin mid hubeeysan ama dagaal wax ku raadsha.
Fikirkaan cusub ee ka soo maaxday Sheekh Xasan Daahir Aweys durbadiiba waxaa diiday madaxda ugu sareeysa dowlada kuwaas oo isku raacay in Sheekhaan uu la soo baxay shax ama kaarto cusub oo uu ku bilaabi karo urur aanan marka hore hubeeysneyn balse gadaal iska soo abaabuli karo oo si weeyn isku hubeeyn kara.
Arinta ugu daran ee hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxa ay tahay sheekhaan oo ka meer meerayo inuu iskaga haro dhib iyo dagaal dambe maadaama lagu tiriyo shaqsi ka soo qeeyb qaatay dagaalo ahli ah oo dad badan ay ku halaagsameen .
Cidiamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayooo sheegay in dekedda Kismaayo ka bad baadiyeen weerar xooggan oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday.
Sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tiro ka labo jeer ay soo weerartay dekedda, balse laga hortagay isla markaana halkaas khasaaro lixaad leh lagu soo gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay sarkaalkan in Arbcadii iyo Khamiistii shaley Al-Shabaab ay soo weerartay dekedda iyagoo rabay in ay weerar kuqaadaan dekedda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay sarkaalkan in baabuur nooca ay lee yihiin hey’addaha gargaarka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu isku dayirabay in uu soo galo gudaha dekedda balse ka hor inta uusan gaarin wixii uu damacsanaa in la fashiliyay oo la burburiyay.
Si kastaba, ciidamada AMISOM ee ku sugan gobalka Jubbada Hoose iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa bishii October ee sannadkii 2012-ka waxa ay gacanta kudhigeen dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose halkaasoo ka mid ahayd meelaha dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galijiray Al-Shabaab.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo kusaabsan weerarkaas la sheegay in ay kudooneysay in ay kuweerarto dekedda Kismaayo.
Dekedda Kismaayo waxaa hadda kuxiran markab gargaar oo laga lee yahay Turkiga,iyo dhowrdoomo oo kuraran ganacsi u badan bagaash.
Booliska magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo heegan buuxa la galiyey
Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa galisay ciidamadeeda amniga magaalo xeebeedka Mombasa ee dalkaas,Saraakiisha ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay iney ka war heleen warar sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan alshabaab ay damacsan yihiin iney weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombasa.
Taliyaha ciidamada booliska magaalada Mombasa oo la hadlayey warbaahinta dalkaas ayaa waxa uu sheegay in laamaha amniga dalkaas ay heleen xog ku saabsan in alshabaab ay qorsheynayaan weeraro dhiig badani ku daato oo ay ka geystaan gudaha dalkaas,wuxuuna xusay in feejignaan dheeri ah la galiyey ciidamada ammaanka dalkaas.
Taliyaha ayaa sheegay iney ka war heleen in alshabaab ay qorsheynayaan qaraxyo iyo weeraro ay kusoo beegeen sanad guurada kasoo wareegtay dilka SH Aboud Robbo oo sanadkii hore lagu toogtay magaalada Mombasa,ninkaas oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa alshabaab.
Waxaana loo aanaynayaa dilka wadaadkaas iney ka danbeeyeen ciidamada amniga dalkaas walow ay beeniyeeen iney dilkiisa wax lug ah ku lahaayeen,gudoomiyaha magaalada Gaaris ee gobolka waqooyi bari ayaa isne dhanka kale sheegay in ciidamada ilaalada xuduudaha dalka Kenya ay fashiliyeen isku day koox ka tirsan alshabaab ay ku dooneysay iney gudaha ugu galaan dalka Kenya.
Wuxuuna tilmaamay in ciidamada amniga ay dagaal la galeen kooxdaas oo ku sheegay iney alshabaabka ahaayeen,gudoomiyaha ayaa tibaaxay in halkaas ay ku dileen qaar kamid ah dableydii qorsheynayey iney ka tallaabaan Soodinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Alshabaab ayaa sare u qaaday weerarada tooska ah iyo qaraxyada ay ka geysanayaan gudaha Kenya tan iyo wixii ka danbeeyey markii Kenya ay ku dhawaaqday in ciidankeedu ay so galeen gudaha Soomaaliya si ay alshabaab ula dagaalamaan,waxaana u danbeeyey weerar alshabaab ay ka geysteen deegaanka Galma-gala oo ay ku dileen saraakiil ka tirsan booliska Kenya.
Ciidamada Axmed Madoobe oo dil ka geystay Magaalada Kismaayo iyo faah faahin laga helayo
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay dil loo gaystay qof rayid ah.
Ciidamadda Maamulka Axmed Madoobe  ee ku sugan gudaha degmada Kismaayo ayaa lasoo sheegayaa inay  ku toogteen halkaasi qof la sheegay inuu ka tirsanaa dadka deegaanka.
Ciidamadda ayaa la sheegayaa inay qofkaasi uga shakiyeen inuu waday qorshayaal qal qal galinaya ammaanka magagaalada isla markaan ay toogteen.
Goob Joogaye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u faah faahisay wixii  ka dhacay magaalada, waxaana ay sheegeen in xaalada ay degan tahay.
Agaasimaha guud ee Hay’ada Waxbarashada iyo dhaqanka ee UNESCO : “Dadka ku mahsquulsan dilalka Saxafiyiinta waa Muhiim in Cadaalada la horkeeno..”
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Haweeney Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada iyo dhaqan ee (UNESCO) Bokova Irina ayaa sheegtay inay si aad ah uga xun tahay dilalka Saxafiyiinta Soomaaliya loogu geysto gudaha dalka.
Bokova Irina  ayaa hadalkeeda ku soo aaday iyadoo dhawaan magaalada  Muqdisho lagu dilay Alle ha u Naxariistee Marxuum ING. Axmed Shariif Xuseen oo warbaahinta dowlada u shaqeynayay, islamarkaana Idaacadaha Muqdisho intooda badan isaga dhisay.
“Waxaana Cambaareynayaa Falka dilka ee Axmed Sharif” ayay tiri Agaasimaha guud ee Hay’ada Waxbarashada iyo dhaqanka ee UNESCO oo warsaxaafadeed ka soo saaratay  Xafiiskeeda.
Haweenaydaasi ayaa  sheegtay in Alle ha u naxariistee Axmed Shariif uu qeyb ka noqonayao Liiska wariyaasha sanadkaan Soomaaliya lagu dilay kuwaasi oo gaaraya ilaa shan wariye inta la ogyahay in sanadkaan lagu dilay Soomaaliya.
Mrs. Bokava Irina ayaa cadaysay  in loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha laynaya wariyaasha oo Bulshada kaga jira qeyb muhiim ah, iyadoo tilmaantay in Qaramada Midoobay baaritaanka qeyb ay ka geysaneyso.
“Waa Muhiim in Cadaalada la horkeeno dadka ku mahsquulsan dilalka Saxafiyiinta” ayay hadalkeeda sii raacisay Mr Irina.
Dhinaca kale kooxo hubeysan ayaa Degmada Shibis Jimcihii la soo dhaafay afaafka hore ee gurigiisa ku dilay Ing. Axmed Shariif oo warbaahinta Dowladda  iyo Tv-ga dowlada ka shaqeynayay.
Dowladda Sweden oo Malaayiin Doollar ku bixineysa Soomaaliya 2013—2017 
Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  ayaa maanta shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (46 Milyan Doollar) illaa sanadka 2017.
Safiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Lund oo ah shir sanadle ah oo sanad walba looga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahaas uu yahay mid ay Sweden uga qeybqaadaneyso horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo uu dalka Soomaaliya ka baxay marxaladdii KMG ahayd.
Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto ayuu sheegay Danjire Per Lindgärde in loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho waddanka ka dhacda sanadka 2016.
Arrin kale oo muhiim ahayd ayuu ka dhawaajiyay Danjire Per Lindgärde, taasi oo ahayd in dowladda Sweden ay safiir u magacawday Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992, wuxuuna safiirkaas magaciisa noogu sheegay Mr. Mikael Lindvall.
 Furitaanka shirka kaddib ayaa waxaa HOL in ay Danjire Per Lindgärde weydiiso sida ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi karto,  isla markaana ay uga bixi karto dhibaatada muddada dheer ka jirtay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay imaan karto marka la helo dowlad-wanaag, isla markaana la xoojiyo hay’adaha nabadgelyada iyo cadaaladda iyo in dastuurka dib loo eego, loona diyaargaroobo in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray Danjire Per Lindgärde in tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Soomaaliya ay ka soo wareegatay sanad illaa iyo haddana aan la qaban waxyaabo badan oo la sugayay, taasina ay mustaqbalka keeni karto in aanu dalka gaarin doorasho xilliga loogu talagalay.
Hadalka Danjire Per Lindgärde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 16-ka bisha soo socta ee September uu magaalada Brussels ee dalka Belgium uu ka furmi doono shir looga hadlayo horumarinta dalka Soomaaliya, kaasi oo la rajeynayo in ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.




No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...