Thursday 1 August 2013

Maamulka degmada Waaberi oo ka warbixiyey qaraxyo loo geystay Baalayaasha ku shaqeeya Qoraxda


nalalka xamarMuqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey qaraxyadii saaka lala eegtay Baalayaasha Nalalka ku shaqeeya Iftiinka qoraxda, gudoomiyaha degmada Waaberi Axmed Mayre Makaraan oo warbaahinta kula hadlay halkii qaraxyada lagula bartilmaameedsaday Layrarka ayaa sheegay iney falkaas maasuul ka yihiin kooxaha nabad diidka oo doonaya iney Muqdisho mar kale dib ugu celiyaan Gudcurkii ay kasoo baxday sida uu yiri.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in saaka markii ay qaraxyadu dheceen ay goobta gaareen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo sida uu tilmaamay ku guuleystay iney qarax ka furfuraan Baalle 3aad oo la doonayey in la qarxiyo.
Axmed Mayre Makaraan gudoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa intaa ku daray in khasaaraha ka dhashay qaxaryadaas uu yahay dhaawaca 4 ruux oo 3 kamid ah ay ahaayeen shacab halka midka kalane uu ahaa askari boolis ah.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay iney ku raad  joogaan kooxihii masuulka ka ahaa qarxinta Baalayaasha ku shaqeeya Cadceeda qoraxda,Baalaha 40aad iyo midka 29aad ayaa khasaaro ba’an gaarsiiyey qaraxii lagu xiray,ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay iney Baalaha 28aad ka furfuraan qarax lagu xiray.
Gudoomiyaha degmada Waaberi ayaa alshabaab ku eedeeyey iney maalin walba keenayaa qorshe cusub oo ay ku curyaaminayaan horumarka bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan la aqbali doonin in la damiyo iftiinka iyo horumarka ay ku tallaabsatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


RBC Radio
Muqdish

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...