![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Tuesday, 27 August 2013 17:08 |
![]() Sida aan xogta ku heleyno waxaa lagu heshiiyay in muddo 1-sanno ama 6-bilood ama 2-sanno ay Dekedda iyo Garoonka maamulaan Maamulka Jubbaland,kadibna shir hor la isugu yimaado oo looga hadlayo cidda xaqa u leh inay maamulaan Dekedda iyo Garoonka Kismaayo.Warar isa soo taraya oo Shacabkamedia soo gaarayaa ayaa sheegaya in Dr Cumar C/rashiid,Professor Gandi iyo General Darwiish ay ka codsadeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Fartaag ay ogolaadaan in muddo 6-bilood ah ama sanad ama 2-sanno Jubaland si KMG ah u maamusho Dekedada Kismaayo iyo Garoonka Kismaayo,kadibna la qabto shir looga tasahanayo Jubbaland ama Dawladda Federaalka cida maamulaysa.Caawa oo la filayay in heshiiska la kala saxiixdo ayaa dib u dhacay,waxaana la filayaa hadii EEBE idmo hadii aysan shuruud hor leh la imaan Ergadda HAG in beri uu soo af-jarmayo shirkan socoday mudada 8-berri ee hadda qolo walba dhufeyska ka soo baxday.![]() (Sawirka:Kooxda Hawiye-Action-Group ee Egadda Villa-Soomaaliya matalayso,sawirka ninka shaariga cad labisan waa Xildhibaan Xoosh oo 2-da Koox Dastuur ku kala hagaya)Xasuusin:Qolooyinka ergadda Dawladda Federaalka u metelaya ee u badan Ururka HAG ayaan la isku halayn karin waxaana dhici-karta daqiiqadda ugu dambaysa inay hadana sheeko waalan la yimaadaan sida looga bartay inta uu socday shirkan adis-ababa ee mudada usbuuca galay.Shacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment