Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, Wasiiro ka tirsan Galmudug iyo xubno kale ayaa waxaa socdaalkooda la xiriiray u kuurgelidda xaalada magaalada Caabudwaaq.
Dadweyne fara badan iyo ururada bulshada degmada Caabudwaaq ayaa wafdiga madaxweyne Xaaf kaga hortegay afaafka hore ee degmada Caabudwaaq.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo masuuliyiinta degmada Caabudwaaq, isagoo ka xog wareystay xaalada degmada iyo baahiyaha ka jira dhinaca adeegyada bulshada.








Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
No comments:
Post a Comment