Saturday 3 June 2017

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo soo dhaweeyay Howlgalka Xasilinta Caasimadda.


0
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan dalka ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka.
Ugu horreyn Salaad Cali jeelle ayaa ka dhawaajiyay in Howlgalka la Magac baxay Xasilinta Caasimadda uu suura galiyay Xasilooni iyo in ay Nabad ku afuraan shacabka , waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay kala hadashay beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.
Dhinaca kale Mr Salaad Cali Jeelle ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Cusub ee uu Majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo oo muddo kooban un jirta ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimo Muhiim ah taasi oo rajo badan gelisay shacabka , sida la dagaalanka Musuqmaasuqa,wax ka qabashada Amniga iyo bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka  , isagoo cadeeyay in haataan Bulshada Soomaaliyeed ay ka filayaan yidadiilo wanaagsan.
Mar uu ka hadlayay Salaad Cali Jeelle dadka dhaliilsan hub ka dhigista ayuu shaaca ka qaaday in dowladda ay waajib ka saaran tahay in shacabkeeda ay siiso Nabad gelyo taasina aan loogu aabo yeeleynin dadka hubka in ay ku dhibaateeyaan raba shacabka sida uu hadalka u dhiagy.
Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed  ka daad gureysay Magaalada Muqdisho , waxaana markii ciidamadaasi laga saaray Magaalada kadib dowladdu bilowday howlgal ballaaran oo ka dhan ah shaqsiyaadka sida sharci darrada ah hubka ugu dhex sita Magaalada Gudaheeda.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...