Friday 2 June 2017

Puntland oo kala dirtay ciidamo ku sugnaa koontarooladii uu ka soo gudbay gaarigii qaraxa siday

June 02 (Jowhar)— Maamulka Puntland ayaa kala diray ciidamo ku sugnaa koontarooladii uu ka soo gudbay gaari qarax siday, kaasoo arbacadii la soo dhaafay lagu qabtay duleedka magaalada Boosaaso.
Gaarigan oo qudaar siday ayaa waxaa lagu soo qariyay qaraxyo iyo agabyo kale, waxaana uu ka yimid dhanka Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegaya in baaritaan ay ku sameeyeen gaariga ay ku heleen waxyaabaha qarxa oo aad u fara badnaa, qalab isgaarsiin, qanteenooyin iyo qalab caafimaad.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa sheegay inay lala xisaabtamayo ciidamadii ku sugnaa koontaroolkii uu dhaafay gaariga, waxaana uu wal wal ka muujiyay ciidamada fadhiya koontaroolada.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu dhex maray Garowe, isla markaana uu alaab ku dejiyay Qardho, waxaana Wasiirku sheegay inay baarayaan meelihii uu wax ku dejiyay.
Ciidamo ka tirsan kuwa la dagaalanka Argagixisada ee Puntland ayaa la geeyay koontaroolada deegaanada Puntland, si ay u xoojiyaan ammaanka.
Puntland ayaa heegan buuxa gelisay ciidamada kala duwan ee ka howl gala deegaanadeeda, iyadoo ka hortageysa suurta galnimada weeraro uga yimaada kooxaha nabad diidka ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...