Saturday 3 June 2017

Wasiirka maaliyadda oo sheegay dowladda inay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka qalabka sida


Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka maaliyadda xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Cabdirixmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay dowladda inay ku howlan-tahay qorshe lugu raadinayo sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka qalabka sida.
Wuxuu sheegay qorshaha in dhowaan la soo saari doono,isagoo marka tilmaamay dowladda inay ka go’antahay sidii dhaqaalaha ciidanka dalka gudihiisa looga heli lahaa.
“Ciidanka Soomaaliyeed in dadka Soomaaliyeed fund-gareeyaa (dhaqaalihiisa bixiyaan), waxaa ay inagaga go’an tahay oo barnaamij dhowaan soo bixi doona, waxaan dooneynaa ciidanka Soomaaliyeed ee magacyada leh ee la yaqaano 20 aad, 21 aad iyo 60 aad baan maqashaan in aan ku jilno (kafaala qaadaan) magaalooyinkaas, ciidanka 20 aad oo intaas ah wuxuu ku jilan yahay Minneapolis.. in aan sidaa niraahdo oo dadka Soomaaliyeed kafaala qaataan,” ayuu yiri Wasiir Bayle.
Wasiirka waxaa kalo uu inta ku darray in si dalka dhaqaalihiisa kor loogu soo qaado loo baahan yahay in nabad laga dhaliyo guud ahaan wadanka si taas oo helana loo baahan yahay in ciidanka qalabka sida la dhiso lana qalabeeyo.
“ Wax walba loo la sameynayo in wax yar la dul saaro oo la yiraahdo ciidankaa lagu dhisaya aad ayay muhiim u tahay arinta xawaaladaha oo kaliya ma ahee qabbaan soo wadnaa oo cid walba ugu darsan karto ciidanka dhismahiisa,” ayuu sheegay Bayle oo ka hadlayay barnaamij ka baxa warbaahinta dowladda ee kulanka toddobadka.
Wasiir Bayle oo muddo kooban haya xilka wasaaradda maaliyadda ayaa dadaallo iyo qorshayaal badan soo bandhigay kuwaasi horgal-kooda ay noqon karaan dhaxal.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...