Thursday 1 June 2017

Fawsiya Abiikar Nuur oo loo doortay Agaasime kuxigeenka shir-gudoonka Hay'adda...

Soomaaliya ayaa mudo 30-sano kadib waxa ay nasiib u yeelatay in ay hesho kursiga Agaasime kuxigeenka shir-gudoonka Hay'adda Caafimaadka Aduunka WHO, kadib ka qeyb galkii doorashadii uu ku guuleestay Dr. Tedros Adhanom oo loo doortay in uu noqdo Madaxa WHO.

Wasiirka caafmaadka Xukuumada Somaaliya Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, oo ka qeyb gashay Doorashada Madaxa Hay'ada WHO , ayaa nasiib u heshay in loo doorto in ay noqoto agaasime kuxigeenka shir-gudoonka hayada WHO.

Dowlada Soomaaliya ayaa mudo dheer wax cod ah aan ku laheyn Hay'ada WHO, kadib markii lacago badan lagu yeeshay Soomaaliya, waxaana hada loo ogolaaday in ay codkeeda dib u hesho kadib markii dowlada Soomaaliya ay bixisay qeyb kamid ah deynihii lagu lahaa.

Madaxa guud hayada caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa loo doortay in uu noqdo Dr. Tedros Adhanom , oo u dhashay dalka Itoobiya horeyna usoo noqday Wasiirkii arimaha dibadda dalkaasi, waxa uu sidoo kale noqday qofkii ugu horeeyay oo Afrikaan ah oo Madax ka noqada WHO.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...